Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 8

· Members Online: 0

· Total Members: 152,368
· Newest Member: luellasf69

Welcome

HS:-Shirkii Aayakatalinta Hiiraan oo maalintii sedaxaad galay iyo beelaha oo

Click HereHS:-Shirkii aaya ka talinta Hiiraan oo si habsami leh uga socda magaalada Belet Weyne oo galay maalintii 3aad waxaana uu maanta u gudbay ficil oo waxaa bilaawday wadahadaladii beelaha oo sida aad sawirada ku aragto koox koox iyagoo tashana u fadhiyaan geedaha madasha shirka uuka dhacayo.

Gudoomiyaaha guddiga shirka dib u heshiisiinta beellaha dega gobolka Hiiraan nabadoon Axmed Cabdulle Jimacale oo la hadlay idaacada codka Hiiraan ee Radio hiiraanweyn ayaa sheegay in meel waanagsan uu marayo shirka dib u heshiisiinta beelahuna ay gudagaleen kulamadii muhiimka ahaa qaarkood.

Sidoo kale waxgaradka ku kulansan madasha uu shirku ka dhacayo ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yahiin in ay howlahooda dib u heshiisiinta iyo kulada ay umadax banaan yahiin iyagoo siweyn u amaanay sida ay kaliya howsha ugu fududeynayaan gudiga farsamada laakinse beeluhu si ay ku jirto niyad sami ugu soo diyaar garoobeen sidii ay midkast awaxa ay ka tabaneyso kuwa kale ula timid madasha shirka.

Sida ay waxgaradkii qudbadaha qiimaha badan ka jeediyeen madasha shirka maalintii furitaanka sheegeen hadal heystooda waxaa ugu muhiimsanaa aan wada hadalno waa aan heshiino beelaha qaarkood waxaa ka muuqanaya in ay aad uga xunyahiin maqaamka uu maanta dalka Somaliya dhexdiisa ka marayo Hiiraan iyosida wadankooda guud ahaan dadkiisu ugu dhiban yahiin dal iyo dibad hadaan la muujin dulqaad iyo Somalinimana aysan waxbo u hagaageyn bulshada guud ahaan Somali gaar ahaan kuwa ay quseyso madasha hada loo fadhiyo Hiiraan.

Sidoo kale waxgarad ayaa aad ugu amaanay masuuliyiinta maamulka Hiiraan, aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta jooga halkaas sida daacadnimada leh ee ay uga go'an tahay in ay reer Hiiraan isku tashadaan waxaana dhawaan shirka ku soo biiraya beelo iyaga dhexdooda kumaqan sidii ay isku soo durxaan bixin lahaayeen kuwaasi oo ka baqanaya hadii ay heshiis qaataan iney meel marin waayaan waayo beelaha qaarkood dalka Soomaaliya siiba koofurta Soomaaliya waxaa jira beelo ay u sahlan tahay iney la heshiiyaan beelaha kale laakinse aan iyaga dhexdooda heshiin karin.

Xildhibaanada baarlamaanka federalka Soomaaliya ee iyagu qudhooda ku sugan madasha shirka ayaa aad ula dhacay sida codkarnimada aftahanimada, walaaltinimada iyo reer Hiiraannimada leh ee ay waxgaradku uga hadlayaan xaqiiqada iyo waxa bulshada u keenay iney qeyrkood ka haraan.

Arinta kale ee maanta aadka loogu riyaaqay ayaa aheyd in habka ay beelaha u wada hadlayaan loo sameyay qoray tuur baqtiyaa nasiib kuwaas oo qoladii isku aado ay wada hadlayaan islamarkana ay ka doodi doonaan sida u ku jiro xalkooda waxana intaa dheer in dhamaan ay is wada arki doono beelaha daga Hiiraan marka ay midkasta ka daawoowdo waxii ay tabaneysay si ay iyaduna dhnakeeda uga sii qeybqaatao kuwa dhiman sidii ay u heshiin lahaayeen.

Shirka nabadeynta iyo aaya ka talinta bulshoweynta Hiiraan waxaa sidookale si joogta ah ula socda qurbajoogta Hiiraan oo dal iyo dibad isku xiran iyadoona ay socdaan dadaalo xoogan oo ay wadaan qurbajoogt aHiiraan sidii ay shirkaas u taageeri lahaayeen si ay reer Hiiraan si guud oo u saamaxaya muwaadinkasta oo Soomaliyeed kana soo jeeda Hiiraan doonayana inuu bulshada hogaamiyo mustaqbalka u noqdo mid kasbada shacabka oo ka shaqeeya danaha reer Hiiraan iyo Somaliweyn.






Hadaba joogto ula soco wararka shirka.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.12 seconds
11,851,801 unique visits