Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-( Daawo Sawirada)Wajigii labaad ee tababarka wacyi gelinta garoonka casriga ah ee Hiiraan Stadium

Click HereHS:- magaalada Belet Weyne oo ay bulshada ku dhaqan maalmahii tagay uga socdeen siminaaro lagu barayo sidii ay u ilaashan lahaayeen mashaariicda danta guud iyo habka ugu fudud ee loog aqeybqaadan karo mashruuca lagu dhisayo garoon lagu ciyaaro kubada cagta oo casri ah kaasi oo loogu magac daray Hiiraan Stadium ayaa waxaa siminaarkaan ookale dhawaan ka faa'ideystay dhalinyaro kala duwan oo iskugu jira rag iyo dumarba.


Furitaanka tababarka wajigiisa labaad ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyin ka tirsan maamulka Degmada Balad Weyne .madaxda hay’ada SFH iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Beledweyne oo si habsami leh ug afaaideysanaya barnaamijka oo dhalinta lagu dhiiragelinayo in ay hormood u noqdaan sidii ay kaalinta kaka aadan horumarka deegaanka uga qeybqaadan lahaayeen.


Duqa Degmada Baladweyne Cumar Aadan Ibraahim {Cumar Baadiyow} ayaa si rami ah uu furmay mar kale wajiga labaad tababar looga hadlayay sidii bulshada loogu wacyi galin lahaa sida ay isaga xilsaari lahayeen masuuliyada garoonka kubada cagta ah ee dhismahiisa uu ka socdo Magalada Beledweyne ayaa waxa uu tilmaamay in ay dhibaato ku heyso garoon la,aanta ka jirta Degmada Beledweyne aay kabaxayaan hadii ay masuuliyad iska saaraan dhamaan bulshada Beledweyne siiba dhalinta sportiga maadaama ay magaalada ka dhisan yahiin kooxo heerkoodu kala duwan yahay mustaqbalkana uu karoonkaan oo ah mid casri ah martigelin doono ciyaaro ka baaxad weyn kuwa Hiiraan lagu qabto.


Madaxa ha’yada SFH ee Gobolka Hiiraan Cabdiwahab Abuurka Xasan ayaa ka warmay ujeedka laga leeyahay siminaarkan waxana uu sheegay in tababarkan uu yahay kii labaad ee aay fuliso hey,ada SFH waxana uu ku tilmaamay ujeedka tababarkan ku wacyi gilinta bulshada Belet Weyn in laga dhaadhiciyo sidii milkiyada garoonka aay isaga xilsaari lahaayeen, waxana uu sheegay in aay ka rajeeynayaan in uu guul kusoo dhamaado isla markaana aay ka filayaan tababarayaasha in ay gudbiyaan fariinta loo dhiibay ee wacyi gilinta sida ayhadaba uga howlgaleen dhalintii siminaarkaan ka faaideystay.


Tababarkaan ayaa waxaa ka faa'ideysanaya ku dhawaad 20 meeyo bulshada Belet Weyne ah sidoo kale waxaa dhismaha garoonka shaqo looga abuuray amaba nolol ay ka soo galeysaa shacab badan halka dhawaan laguwado in wado dheer oo laami ah la saaro garoonka diyaaradaha magaalda Belet Weyne.

Magaalada Belet Weyne oo ay dhalinyaradu siyaabo kala duwan uga helaanshaqooyin kala duwan siiba kuwooda ka so baxa dugsiyada sare ee magaalada ayaa hadane waxuu siminaarkaan noqonayaa mid soo jiitay bulshada maadaama lagu wacyi gelinayo sidii ay u ilaashan lahaayeen dhismayaasha danta guud sida goobaha lagu ciyaaro,schoolada, iyo waxiiba dan guud ah.

Hadaba la soco hadba heerka uu marayo dhismaha garoonka Hiiraan Stadium

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 2.50 seconds
14,936,060 unique visits