Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 1
loriwe3

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Dowlada Mareykanka oo madaxweynaha Somaliya warqad uu xafiiska ku baneynayo u soo dirtay

Click HereHS:- Dowlada Mareykanka oo aan la ogeyn shaqsiga amaba kooxaha ay la dooneyso xilka madaxweynaha soo socda ayaa si cad warqad ugu soo direen madaxweynaha Soomaaliya muhiimada warqada waxaa madaxweynaha si dad ban iyo si toos ah loogu sheegay inuu xafiiska baneeyo si aysan u lumin fursadaha muuqda.

Hadaba sida caadiga siyaasada marna waa kula jirtaa Marne waa kaa jirtaa duufaanta siyaasadeed ee hada socota cidii rumeysan laheyd iyo cidii qiyaali kula joogi laheyd madaxweynaha Soomaaliya.

Hadaba waxey arintaan fursad xoogan u tahay R/Wasaaraha Soomaaliya iyo xukumadiisa maadaama ay sida aanu xogta ku heleyno ka mid yahay mushaxiinta u tartami doonta doorashada soo socota ma hubno llaakinse wey u badan tahay.

Sidoo kale tani waxey fursad siineysaa R/wasaaraha maadaama uu cadaadis siyaasadeed oo ilaa heer caalami ah saaran yahay madaxweynaha waxaa meesha ka baxayo hamigiisii uu madaxweynaha ku Koontarooli jiray hadba r/wasaarahii uu soo magacaabo, waxuuna hada helay RW fursad uu siduu isagu rabo uga dhigi karo xukumada ilaa hadii loo baado inuu ku sameeyo isbedelo dhab ah maadaama uu heysto fursad siyaasadeed aan soo marin R W yaashii ka horeyey isaga.

Hadaba dhawaan naga filo kooxda ay siyaasad ahaan ku xirmeen saaxiibadii dhabta ahaa ee madaxweynaha sida Farax C/qaadir, C/kariin Xuseen Guled,ShariifXasan,C//aahi Sanbaloolshe iyo 3 xubo od oo madaxweynaha muhiim u ahaa oo naga codsadeen in aanu xusno magacyadooda inta ay wadanka ka baxayaan ,laakinse ragaan aanu magacyadooda soo sheegnay madaxweynaha Somaliya iyo iyaga waa is deeyeen waase leysku reer magaaleeynayaa weli iyadoo la kala tashaday.

Isku soo duuboo markii shaqada laga ceyrinayey labadii RW ee ugu danbeysay waxaa fududaa in ay iyaga baxaan waayo wacyiga siyaasadeed ee markaas jiray ayaa sidaas ahaa hadane Mareykanka iyo reer Yurub waxey leeyahiin madaxweynaha ayaa fudud si ay doorasho u dhacdo ka hor 2016 amaba ugu yaraan loo soo hormariyo.

R Wasaaraha Somaliya haduusan la imaan siyaasado fur furan oo uusan xukumada hada jirto wax badan ka bedelin maadaama ay hada ku shaqeyso rabitaanka madaxweynaha oo wasiirkasta kaliya idaacadaha ka sheegayo waxii uu madaxweynaha yiraahdo lana bedelo qaabka ay u shaqeyso idaacada qaranka oo aan dalka Somaliya sidey wax uga jiraan bulshada loogu soo qorin kaliya lagu xayeysiineyno siyaasadaha madaxweynaha.

Hadaba si degan ula soco meesha ay Mareykanka iyo reer Galbeedku marsiiyeen madaxweynaha Soomaaliya iyo halka ay isaga iyo ragii ay saaxiibada ahaayeen kala mareen.

Inkasta oo ay maalinba meel soo joogtay siyaasada Soomaaliya meesha ay hada mareyso waxaa fursad uu siyaasadahiisa ku socodsiin karo hada heysto R Wasaaraha Soomaaliya haduusan la imaan siyaasado isku dheeli tiran oo uu ku qancin karo Somali oo dhan meeshana ka saarin siyaasadaha wadanka ka jira ee meeshii uu madaxweynaha farta ku fiiqo la wada aadayo.

Waxaa jira train hal mar soo mara oo haduu markaas ku dhaafo ay adag tahay inuu mar kale ku soo maro waana fursadaha siyaasadeed ee bilaawday hada oo haduusan wadanka u horseed in RW sidii loo soo hormarin lahaa doorashada oo uusan dowlaha uu Mareykanka hogaaminayo ee doonaya inuu dalka Soomaaliya ka dhaco isbedel.

Heer waxey siyaasada Somaliya maanta mareysaa in madaxweynaha RW kasta u yeeriyo waxuu doono ilaa qaranimadii iuo dowladnimadii la gaarsiiyo in wasiirkasta oo ay xukumadii uu ka tirsaa dhacdo la yiraahdo ina adeerkaa amaba walaalkaa keenso,waa in arintaas laga gudbaa ayaa laga soo xigtay mid ka mid ah kooxda madaxweynaha oo hada wejiyo cusub ku biirayaan.

Dhawaan naga filo mudadii uu wadanka madaxweynaha ka ahaa wanaagii uu qabtay iyo sanadkiisii ugu danbeeyey ilaa maanta xuma anta iyo sida uu bulshadii Soomaliyeed ee la doonayey inuu isku hayo u kala fogeeyey.

Qoraalkaan aan madaxweynaha Soomaaliya ka soo diyaarin doono waxaan badanaa ka soo diyaarinaa hogaamiyaasha saxada siyaasada markaas ka baxayo waxaana sidan oo kale uga diyaarinay RW Farmaajo waqtigii uu dhacay shirkii Kampala Acord.

Hadaad tahay muwaadin Soomaaliyeed oo uu damac kaaka jiro inaad hogaamiso Somaliweyn iskuna wadi karto mid ku diidaan iyo mid ku taageersan isku diyaari doorashada madaxtinimada Soomaaliya waxii ka danbeeya bisha 8 aad 2015.

Waxaa kale oo muhiim ah in ay Soomaali badankeed fahmaan waxa uu madaxweynaha Somaliya hogaamiyaasha maamulada hada jira u xiiseeynayo inuu sawiro la galo ma ahan Jaceyl uu u qabo ee waxuu dowlada Turkiga ka dhaadhiciyey in ay ragaas u ogol yahiin in waqtiga loogu daro hal sano waxaana arintiisa markey maqleen dowlado uu ka mid yahay Mareykanka uu isbedel ku yimid madaxweynaha ilaa uu afkiisa ka dhaho doorasho ayaa dhaceysa hada in waqtiga loo kordhiyo madoonayo waxuu doonayaa in sanadka u dhiman kaliya loo daayo si uu u sameysto dhalinyaro u badan wejiyo cusub.

La soco qeybteena labaad iyo sida fudud ee uu isagoo weli dhalinyaro ah uga baxay saxada siyaasada madaxweynaha Soomaaliya,ogow madaxweynaha Soomaaliya markii la doortay shabakadaan ayey aheyd midii ugu horeysay ee sawiradii ugu quruxda badnaa ee hogaamiye Soomaaliyeed laga sameeyo bulshada u soo bandhigta siiba markii uu booqashada ku tagay magaalada Mark oo Sh/hoose ku taalo iyo booqashadii uu ku tagay Jowhar waqtigaas ee waxaanu u taageerenay ma aheyn inuu Hiiraan ku barbaaray ee waxey naga aheyd dhibta wadankeena haka baxo maantana iyadoo 2016 la gaarin waxaan mareynaa Soomaali leysku soo dumo iska daaye in ay maanta idaacada SNTV iyo RADIYO MOGDISHU oo aanu ogeyn sida ay wadanka iyo bulshada iskugu wadi jirtay gees ka gees waxaan maanta mareynaa gobol hebel shirka ka socdo lama soo deyn karo waxaaba idaacada laga dhigay mid uu madaxweynaha leeyahay oo kale dadne waxeyba ka hadlayaan waxyaabo waaweyn oo dalka iyo dadka lagu bad baadin karo fadlan dhawaan naga filo qaabka ay u shaqeyso idaacada qaranka iyo warbixino aanu ka helnay qaar........kedibna waxaad is weydiisaa in uu madaxweynaha yahay muwaadin Soomaaliyeed oo aqoon iyo garasho fog leh hada kedibna dal iyo dad mudo colaad ku soo jiray in lagu aamini karo iyo in kale.

Markaan warbixintaan ka soo diyaarino qaabka ay idaacada qaranka u shaqeyso iyo sida loo marin habaabiyey habkii qaran ee ay ku shaqeyn jirtay Fikirkaada noo soo gudbi hala baqin.

Isha warka hiran state
wstatewebmaster@hiranstate.com
Admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.42 seconds
14,905,770 unique visits