Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-Kaftan dhaxmaray ciidamada Hiil Walaal iyo kuwa Hiiraan Ila qosol.

Click HereHS:- Waxaan horey uga faaloonay waxqabadka iyo sida ay isku fahmeen shacabka Hiiraan iyo ciidamada Jabouti ee Hiiraan iyo guud ahaan Somaliya looga yaqaano Hiil Walaal amaba walaalahii dhabta ahaa.

Hadaba waxaan soo aruurinay dhacdooyinkii ugu qosolka badnaa ee dhexmaray ciidamada Jabouti markii ay Hiiraan tageen 3 sano ku dhawaad iyo hadba heerarkii ay isla soo mareen shacabka Hiiraan.

Ciidamada Jabouti.

Ciidamada jabouti oo aan intooda badan sidey u dhan yahiin weligood arag Soomaaliya ayaa markii ay yimaadeen Hiiraan waxey yimaadeen iyagoo warbixin dhameystiran wata gaar ahaan in ay dalka Soomaaliya ka howl galayaan Hiiraan oo ah gobol dadkooda la fahmi karo.

Markii ay Ciidamada Hiil Walaal yimaadeen amaba ka soo dageen garoonka diyaaradaha Ugaas Khalif ee magaalada Belet Weyne ayaa waxaa ka soo degay rag iyo dumar la moodo iney xanaaqsan yahiin laakinse aan xanaaqsaneyn ee kaliya 22 sano dalka Soomaaliya waxii ay ka maqleen aheyd uun colaad waanaag weligoodba maba maqal.

Dhawr maalmood kedib ayey si tartiib tartiib ah u bilaabeen iney bulshada u dhaxgalaan kedibna sida ay wax u dhaceen oo inta badan leysku keen keenay iyo waxii kala qabsaday iyaga iyo shacabka magaalada Belet Weyne iyo sida ay maanta iskula jaanqaadeen oo ayba adag tahay in aadba kala garato marka ay wataan dharka shicibka ciidamada jabouti ee ay ka daneysanayaan magaalada sida aad u dareemeyso in ay joogaan dhulkoodii hooyo amaba wadankoodii labaad oo dhab ah.

Ciidamada Jabouti kaftankii laga sameeyey waxaa ka mid ahaa markii ay magaalada soo galeen su'aashoodii ugu horeysay ee ay dadka weydiiyaan waxey noqotay waar goormee Geela la qalaa amaba maalintee u calaamadeysan Hilibka Geela ee suuqa loo iibkeeno?

Maba laga waaline waxaa la yiri waxaa la qalaa maalinkasta oo ma jirto maalin u cayiman. waad nagu ciyaareysaane oo ma waxaad noogu sheegeyneysaan hilibka Geella cishe kasta ayaa la helaa? Haa baa loogu jawaabay.

Kedibna mid reer Hiiraan ah oo hada ka hor shirkii Carta lagu qabtay Jabouti booqasho ku tagay ayaa yiri war nimanka yaan lala yaabin dalka Jabouti maalinta Geela la qalayo idaacada ayaa laga sheegaa oo waxaa la yiraahdaa Waaryaarahee Jimcada ayaa la qalayaa Neefweyn oo Geel ah laguna soo barbaariyey inta u dhaxeysa Tojora iyo Oboq , waa neef boqolkiiba boqol lagu xanaaneeyey dalka Jabouti hamoogaan inuu ku dhaafo hadii uu duray ku hayo waa kii kaa saari lahaa horayna u soo mar Furunlaha Furunka jabouti calashaa Foornada Rootiga, Furunka waxaa dalka Jabouti laga dhahaa Rootiga.

Markii ay sheegada halkaas mareyso ayaa maalin maalmaha ka mid ah ay ciidamada Hiiraan iyo kuwa jabouti ee Hiil Walaal dagaal la galeen Shabaab kedibna ciidamada Jabouti ayaa dagaalkaas sheeqo qosol badan ka sameeyeen xili ay ragu wada sheegeysanayeen waxaani oo dhan waa ruwaayad iyo kaftan laga sameeyey ciidamada iyo shacabka Hiiraan.

Waxeyna yiraahdeen iyagoo dagaalkaas ka sheegeynayo weli dagaalweyn oo kan oo kale ah meel Jabouti ka baxsan kuma gelin xitaa xuduudaha jabouti kuma gelin laakinse waxaa inoogu yaab badnaa markii iyadoo uu dagaalkii socdo bey yiraahdeen mid ka mid ah ciidamada Hiiraan yiri War Xabadu Isha bey ika geli gaartay anigabaa ka weecday maahane xawaaraha ay xabadu ku socoto marka la rido waanu wada garaneynaa laakinse wey inoo cuntami weysay xabad inta la arko iyadoo soo socota laga leexan karo Soomaaliya baanu ugu nimid ninkanina waxuuba leeyahay iyadoo ay weliba maalin aheyd waan ka leexday iyadoo isha ika geli rabta waar ragaan aanu Hiiraan ugu nimid waa geesiyaal waana u qireynaa laakinse midaa walee nama marto.

Markii ay halkaas sheekada mareyso ayaa mid ka mid ah ciidamada Jabouti waxuu su'aal weydiiyey mid ka mid ah ciidamada Hiiraan waxuuna yiri weligaa Jabouti ma aragtay markaas ayuu yiri maya. Kii reer Jabouti ayaa lagu celiyey su'aashii waxaa la yiri adigu weligaa Somaliya meel ka baxsan ma aragtay misane maya ayuu yiri kii Jaboutina, kedibna waxaa jawaab deg deg ah bixiyey kii ciidamada Hiiraan ka mid ahaa waxuuna yiri aniga iyo adiguba waaya arag ma nihin.

Waxuusa qosolkii ugu weynaa ka dhacay markii mid ka mid ah ciidamada jabouti yiri aniga 1977 ayaan booqasho ku tagay dalka Yemen kedibna kii ciidamada Hiiraan ka mid ahaa ayaa yiri aniga xiligaas maba dhalan laakinse waxaan maqlay in aad waqtigaas xornimada qaatateen oo Soomaali badankeed Jabouti loo raray si xoog iyo xeeladba loo xoreyo shacabka Jabouti marka xili aad xornimo qaadaneyseen hadaad dalka Yemen aaday waxaan u maleynayaa in aad ka mid aheyd Jaboutiyaankii Faransiiska la shaqeyn jirey ee ka soo horjeeday xornimada Jabouti hadane aad Hiiraan ku timid Amarka Shaatiweyne, markaas ayuu kii reer jabouti inta qoslay yiri maxaad ula jeedaa amarka Shaatiweyne kolkaas ayuu yiri ninkii raga ahaay ee Jabouti madaxweynaha ka ahaa ayaa meelo badan oo Hiiraan ka mid ah dadka reer miyigaa markey magaalada ka daneystaan oo ay dib ugu laabtaan dhulka miyiga ah ayey yiraahdaa maanta magaalada ayaan gaaray oo wax dhib ah ma jirin ciidamadii Shaatiweyne iyo kuwaaynii oo magaalada camirnaa ayaan soo arkey waa markii ay ciidamada Jabouti yimaadeen Hiiraan oo ay cusbaayeen hada madaxweynaha Jabouti magaciisa iska daaye caruurtiisa inta ay gaareyso ayey garanayaan reer Hiiraanku.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa leysku baxay hal xiraale oo ay ciidamada Jabouti la yimaadeen 3 su'aalood halka kuwa Hiiraane la yimaadeen dhawr su'aalood waxaana ka mid ahaa.

Qeybtaan waa mida ugu qosolka badan waxey is dhaafsanayaan sida ay dadka reer miyigaa ugu kala nool yahiin Jabouti iyo Somaliya ciidamada jabouti waxaa u hadlayo col Dubad iyo Col Subagle halka kuwa Hiiraan ay u hadlayaan Col Tawane iyo Ninka magaalada Bulo Burde ka ah Duqa magaalada oo ay ciidamada Hiiraan qeybta Bulo Burde isla galeen dagaalo badan kuwa jabouti ee halkaas kusugan meesha ay sheekadan ku danbeyn doonto la soco qormadeena danbe markii ay madaxweynaha Jabouti dadka reer miyigaa ugu yeereen Shaatiweyne iyaguna ciidamada Jabouti waxey yiraahdeen reer miyigeenu madaxweynaha Somaliya waxey u yaqaanaan amaba ay dhahaan waar Afka isku qabo waxey yiraahdeen xitaa maalintii ciidamadeena qaraxa loogu geystay Bulo Burde ee uu dhiigu nagu karay ee weliba dadka nooga dhintay uu ku jiray nin dhalinyaro ahaa oo sawir qaade ahaa madaxweynaha Somaliya wuu dhoola cadeynayey marka hadii aad madaxweynaha yaga ugu yeertaan Shaatiweyne inaguna shacabkeenu bal qabsadoo magacaas ayey u yaqaanaan madaxweynahiina.

Hadaba qeybteena labaad iyo halka ay sheekadu la gasho labada kooxood oo si dad weligood meel ku wada dhashay hada u sheegeysanayo maadaama ay wax badan dagaalo wada galeen meelna wax ku wada cuni jireen siweyn ayey isku barteen.

Kaftan ka an waxaa isku soo dubai day mid ka mid ah dhalinyarada ku nool magaalada Belet Weyne.

Maanta intaan ha inoo joogto.

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.26 seconds
14,905,800 unique visits