Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 10

· Members Online: 0

· Total Members: 152,369
· Newest Member: Barniyuke

Welcome

HS:-Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo isagoo Mogdishu ku sugan xaqiiqsaday

Click HereHS:- Hadii aadan siyaasada markaad galeyso u gelin sidii aad sharaftaada iyo mida bulshadaada u ilaashan laheyd waxey keentaa dhibaato iskugu jirta sumcad xumo iyo bahdil bulshadaas aad sheeganayo in aad hogaamineyso ku dhacda.

Hadaba xiriiro kala duwan oo aanu caawa la yeelanay magaalada Mogdishu oo uu ku sugan yahay gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fatax Xasan Afrax ayaa waxaa naloo xaqiijiyey inuu qorsheynayo sidii uu safar deg deg ah ugu aadi lahaa maalmaha inagu soo aadan caasimada Hiiraan ee Belet Weyne kedib markii uu maanta siweyn u dareemay xiligii la soo dhaweynayey wasiirka arimaha dibada Mareykanka in uusan waxbo dhaamin dhalinyarada kabaha ka caseeyaan magaalada Mogdishu.

Hadaba aqristoow intaas uma dhaafeyno ka hadalka gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo sida uu maanta u dareemay tan iyo markii uu ku dhiiraday inuu siyaasada galo inuu wax badan qaldanaa hadane Mogdishu waxa uu u joogo ay tahay madaxweynaha Somaliya oo isaguna fashilmay aduunyadiina ay dooneyso iney soo dedejiso doorashada wadanka Soomaaliya ka dhici laheyd ragii saaxiibada dhan la ahaane ay ka daneysteen.

Mar aanu xiriir la yeelanay shaqsiyaad aad uga dhaw gudoomiyaha marka loo eego shaqsiyaadka maanta wasiirka arimaha dibada John Kery lakulmay deegaanada ay sheeganayaan iney metelaan iyo deegaanka uu metelo gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee hadane shirka dibada ka joogay waxuu xaqiiqsaday maanta oo uusan weligii ku fekerin in uusan wadanka Soomaaliya gudoomiye gobol waxbo ka aheyn.

Weliba waxaa intaas dheer madaxweynaha Somaliya waxaa u qorsheysnaa inuu xabsi geliyo gudoomiyaha Hiiraan iyo kan Sh/dhexe ee waxaa arintaas suurogelin waayey gudoomiyaha SH/dhexena waxuu siweyn ugu xiran yahay xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo siyaasad ahaan ku kacsan madaxweynaha,halka gudoomiyaha gobolka Hiiraane uu miisaan siyaasadeed yeeshay tan iyo markii gogosha ay reer Hiiraan u fadhiyaan Hiiraan ay halkaas ka bilaabatay.

Maadaama ay reer Hiiraan hada aayahooda ka tashanayaan oo ay shirweynaha Hiiraan ka socda dhamaan isku wada aragti ka yahiin bulshada Hiiraan laga soo bilaabo mamaulka gobolka,waxgaradka,dhalinyarada , qurbajoogta iyo culimaudiin.

Hadane waxey reer Hiiraan u aheyd guul safarkii uu Mogdishu ku tagay gudoomiyaha gobolka Hiiraan isaga markii uu aadayey waxaa halkaas lagu geeyey dhaqaalo ayey dowlada ku siineysaa ee kaalay ileen dalka Soomaaliya waxa maanta yaalo siyaasad maahane ,hayeeshee waxuu maanta ogaaday reer Hiiraan iska daaye inuu isaga shaqsiyan xitaa is lugooyey waayo qofku haduu sharafta deegaankiisa iyo midiisa ilaashan waayo amaba uu afka kaliya ka maqlo siyaasad ayaa la galaa oo uusan laheyn la taliyaal dhinaca siyaasada kuwaasi oo iskugu jira kuwo kala taliya hadba waxii wadanka ku soo kordha iyo kuwo kala taliya kuwa uu tartanka siyaasadeed kula jiro sidii aysan isaga wax u yeerine ay arintu ahaato hadii aad dantaas iska leetahay anigane tan ayaan wataa iyo wax la mid ah.

Isku soo duuboo maanta adigoo dhulkaas barwaaqadaa oo weliba ku yaalo halbowlahii dalka ogaayna xiligii la bilaabay in laga hadlo nidaamka federalka noqo gudoomiyahii ugu danbeeyey ee dalka Soomaaliya wareegto ku magacaaban weliba dhacday mudadeedii waxey ka dhigan tahay in uusan gudoomiyaha gobolka Hiiraan markiisii horeba siyaasada u gelin inuu........

Hadaba la soco safarka deg degta ah ee uu qorsheynayo gudoomiyaha walow ay dadka qaarkood siyaasada u galaan ujeedo kala duwan kuwo waxey u galaan darajo ku gaar dadkaadana dhibta ka ilaali hana leysku daneysto,halka kuwona ay u galaan armaad dhaqaalo ku heshaa si sahlan iyo wax la mid ah shacabk iyo degaan meelayey isak dhigaan hadaba mida uu labadaasii yahay gudoomiyaha gobolka Hiiraan mar kale ayaan idiin sheegi doonaa bal horta hada madaxweyne Xasan ha soo kaarikeeyo oo markii wafti heer caalami ah yimaadaan dalka leh anigaa wakiil ka ah Hiiraan halka ninkii masuuliyada reer Hiiraan sheeganayey xaqiiqada iyo heerka uu dalka marayo sanado kedib uu maanta ogaaday arintaane waa xaqiiqo jirto iyo guul reer Hiiraan u soo hoyatay waayo waxaa la yiraahdaa doqonta agteeda ush aku dhufo hadii ay gacan weysana ku dhufo.

Waaba guul ugu danbeyn haduuba intaas gartay in Hiiraan iyo shacabkoodu masraxa siyaasada dalka ka maqan yahiin weli gudoomiyaha gobolka Hiiraan fursad uu isku saxi karo oo uu reer Hiiran ku kasban karo waxuu rabona ugu sheegan karo ileen oneway or onather madaxtinimada Hiiraan doorasho iyo in bulshada la kasbado mahuri doontee wiilkii iyo gebertii uu damac kaak jiro hogaanka Hiiraan isbedel dhab ah la imaaw iyo siyaasadaha bulshada la haray ee xili ay Somaliweyn isku tashaneyso kuweena farat weli wax loogu yeerinayo hadane tiiyoo aysanba k aqeybgali karin shirarka caalamigaa iyagoo dhulkaas iyo dadkaas sharafta badan leh.

Hadaanse shirkii maant ainagoodhianca Somaliniamda kaeegeyno faaloyar ka bixino Somaliy aweli ma ahan dal xor ah intaba madaxweyne Soomaaliyeed xarunta Xalane lagula kulmayo amaba Karoon diyaaradeed guusha rasmigaa ee shirkii maanta waxaa gaaray madaxweynaha dalka Ugandha iyo ragii loogu talogaaly iney maamulaan barnaamijkii New Deal ee meesha ka baxay inuu dalka Soomaaliya ka hirgalo intaas qofkii aan egeynow hada ogaaw.

Nasiib ayey shacabka Soomaaliyeed leeyahiin hadii lahelo baarlamaan suurageliya in almiina doorashadii la soo hormariyo si looga bad baado Kampala Acord 3 kale. sheekada hada caalamkii laga dhaadhiciyey iyadoo ay wadanka joogaan dhawr iyo 20 kun oo Amisom ah waxaa ugu yaab badan wafuuda caalamiga mamari karaan wadada u dhaxeysa garoonka diyaaradaha iyo xarunta Villa Somaliya oo waxey leeyahiin saraakiisha Amsiomee Mogdishu joogta cabsi laga qabo Shabaab in ay dhib ugeystaan wafuuda ee waxaa jira ciidamo wato dareyska dowalda oo taageersan madaxweynaha iyo kooxdiisa oo Shabaab ka daran arintaane waxaa loola jeedaa in dhamaan ay meesha ka tagaan madaxweynaha iyo dowlada hada jirta iyadoo wax xun iyo wax kaleba lag aqoray siyaasadooda waana calaamadahii lagu garan jiray dowladahii kumeel gaarka ahaa marka uu waqtiga ka dhamaan rabo qaabkii lagula dhaqmi jiray.

Madaxweynaha Ugandha waxaa kale oo uu ku guuleystay inuu yareeyo awoodii ay dowlada Jabouti ku laheyd ururka IGAD maadaama qeybtii ugu muhiimsaneyd ee Informationka laga qaaday kedib markii uu dhawr jeer afhayeenkii Amsiom oou dhashay dalka Jabouti dhawr jeer ka dhiihdiyey dhagarta lagu hayo Somalida sidaasne xilkiisa ku waayey iyadoo loogu mirmirsiyoonayo waxaa ka dhamaaday waqtigii.

Guntii iyo Gabo Gabadii dalku waxuu u baahan yahay bad baado wararka aanu caawa ka heleyno Villadana waxey sheegayaan inuu jiro qilaaf u dhaxeeya madaxweynaha iyo R/wasaaraha oo maalmahan jiray kedib markii uu dhawaan R/wasaaraha Taliyaha Police-ka iyo xil Asluubta u kala magacaabay Bashir Gobe iyo wasiirkii hore ee gaashaandhiga Xaamud kedib markii uu madaxweynaha ku qeyliyeye maxaa leyla socodsiin waayey magacaabidooda.

Isku soo duuboo marka la eego siyaasada Somaliya ka taagan maanta iyo wadankii iyo mustaqbalkii umada Soomaliyeed halka uu afka saaray waxaad moodaa in uu gudoomiyaha gobolka Hiiraan tikit u jartay film dhamaad ah, laakinse waxaa in lagu amaanou baahan gudoomiyaha iyo maamulka Hiiraan sida sharafta leh ay hada u kala saareen danta reer hiiraan oo uu shirku ug asocdo magaalada Belet Weyne oo dhawaan loo gudbayo wajigiisa labaad Lax kasta meeshii ay is dhigto ayaa lagu gowracaa waa maah maah jirta Somali been waa sheegtaa runse waa ku maah maahdaa.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
11,851,927 unique visits