Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 152,368
· Newest Member: luellasf69

Welcome

HS:-(Daawo Sawirada) Xildhibaanadii maanta gaaray Hiiraan

Click HereHS:-Magaalada Belet Weyne ayaa waxaa weli ku sii qulqulaya wafuud kala duwan iyadoona ay maanta gaareen madasha uu ka socdo shirweynaha Nabada iyo aayakatal;inta bulshada Hiiraan siyaasiyiin iskugu jiray wasiiro hore iyo xildhibaano kuwaasi oo uu horkacayey wasiirkii hore ee arimaha gudaha Cabdulaahi Godax Bare.

Xubnaha wafdigan maanta soo gareey Caasimada Hiiraan ee Belet Weyne ahaana tiraddi ugu badneeyd ee ka tirsan mudanayaasha barlamaanka soomaalia oo tiradooddu gareeyso ilaa lix xilibaan ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweyay garoonka diyaradaha Ugaas Khalif ee magaalada B/Weyne ee xaruunta dhulweynaha Hiiraan.

Garoonka diyaarada Ugaas Khalif ee magaalada Belet Weyne ayaa waxaa intii aysan wafiga soo cagdhigan ku sugnaa masuuliyiinta maamulka Hiiraan, kan degmada Belet Weyne iyo weliba qeybaha kala duwan ee saraakiisha ciidamada Hiiraan kuwaasi oo iskugu jiray kuwa booliska iyo weliba ciidamada XDS qeybta Hiiraan.

Sidoo kale waxaa garoonka amaankiisa siweyn u sugayey ciidamada Amisom kuwooda ka soo jeeda dowlada aanu walaalaha nahay ee Jabouti ee Hiiran iyo guud ahaan looga yaqaano Hiil Walaal. waxaa garoonka sidoo kale xaadir ku ahaa gawaarida loo yaqaano 4 Runer-ka amaba ay Somalidu u yaqaano Landgrusier kuwaasi oo lagu daabulayey wafuudii maanta soo gaartay halkaas.

Amaanka ayaa ahaa mid aad u wanaagsan oo waxaa siweyn loo dareemayey ciidamada maamulka Hiiraan oo siweyn amaanka magaalada u sugayey aadna ula socday dhaq dhaqaaqa dadweynaha waxaana waftiga oo ay garoonka diyaaradaha ka soo galbiyeen masuuliyinta maamulka oo uu horkacayey gudoomiye kuxigeenka Hiiraan Sheikh Xuseen Cismaan Cali, waxgarad,saraakiisha booliska oo ay horkacayeen Col Isaaq Cali Cabdulle, Col Cali Dhuux Mahad Alle iyo weliba kuwa militeriga loona galbiyey madasha uu shirka uga socdo bulshada Hiiraan.

Intaas kedib waxaa warbixin kooban ka jeediyey halkaas iyo meesha ay waxgaradka u mareyso gudoomiyaha guddiga qaban qabadda shirka dib u heshiisinta nabadoon Axmed Cabduulle jimcaale ayaa wafdiga sii kooban waxaa uu sharaxaad ka siiyay sidda uu u socdo shirka dib u heshiisinta beellaha Hiiraan,

Intaas kedib waxaa hadalka qaatay mudanayaashii lagu soo dhaweyey magaaalda Belet Weyne waxaana hadaladoodii ka mid ahaa inagoo soo koobeyna " Waxaan aad uga mahadcelineynaa soo dhaweynta aanu kala kulanay bulshada magaalada Belet Weyne hadey noqon laheyd heer maamul, waxgarad, laamaha amaanka iyo weliba dadweynaha. Mahadcelin kedib waxey sheegeen in ay Hiiraan u yimaadeen sidii ay u taageeri lahaayeen shirweynaha aayakatalinta bulshada Hiiraan iyagoona aad u boogaadiyey sida habsamida iyo niyadwanaaga leh ee uu shirka ku socdo".

Mudanayasha halkaas gaaray ayaa iyagoo hadalkooda sii wata waxey sheegeen in ay jidka ku soo jiraan waftiyo kala duwan maalmaha inagu sooaadane ay imaan doonaan madasha shirka kuwaasi oo iskugu jira dowlada federalka iyo waxgarad reer Hiiraan ah.

Ugu dambeyntii gudoomiye ku xigeenka Hiiraan Sheikh Xuseen Cismaan Cali ayaa sidii caadada aheyd qudbad qiimo badan ka jeediyey madasha shirka isagona sheegay in ka mamuul ahaan ay ku faraxsan yihiin imatiinka masuliyintan xilibanadda ah magalada beledweeyne sharafna u tahay in ay maanta magaalada Belet Weyne ku kulmaan dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada Hiiraan hadey noqon laheyd waxgarad, siyaasiyiin, aqoonyahano, iyo qurbajoog shirkaan uga yimdey meelo fog fog.

Sheikh Xuseen oo hadalkiis asii wata ayaa yiri bogaadiyey shirweynaha aayakatalinta Hiiraan isagoona ku amaanay sida niyada wanaagsan oo ay gudoomiyaha gudiga shirweynaha iyo inta la shqeyneysaba daacad uga yahiin howlahga ay bulshada walaalaha iskugu keenayasan waxaana ilaa hada shirka qarashkiisa iyo daadihintiisa wada qurbajoogta Hiiraan ee gogoshaan quruxda badan dhigtay hadey noqon laheyd dhaqaalaha, fudufeynta arimaha shirka iyo soo dhaweynta sii sagootinta marti sharafta, halka maamulka Hiiraane kaalintiisa ka soo dhalaaleen.

Marka laga soo tago waftiga maanta gaaray Hiiraan hadane waxaa wadamo badan oo ka mid ah Yurub iyo Waqooyiga America ka socda shirar lagu soo dhaweynayo amaba lagu taageerayo shirweynaha ka socda magaalada Belet Weyne waxaana dhawaan magaalada Toronto oo ka mid ah dalka Kanada lagu qabaty xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay laguna taageerayeyt shirweynahaas ,halka ay socdaan shirarkaas la mid ah oo ay siweyn uga socoto Magaalooyin ku yaal adalka MAreykanka iyo magaalada London oo ay ku nool yahiin jaaliyadaha ugu badan ee reer Hiiraan.














La soco wararkeena danbe iyo hadba waftiyada gaaro magaalada Belet Weyne.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.13 seconds
11,851,808 unique visits