Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 154,205
· Newest Member: Robertfueh

Welcome

HS:-(Daawo Sawirada Shirkii Sweden) Shir lagu taageerayey shirweynaha nabada iyo Aayaha Hiiraan.

Click HereHS:- Tan iyo markii ay magaalada Belet Weyne gaareen wafuud kala duwan kuwaasi oo iskugu jiray aqoonyahano, qurbajoog iyo waxgarad reer Hiiraan ah halkaasne laga furay shirweynaha Aayaha bulshada Hiiraan waxaa halkaasi gaarayey wafuud kala duwan iyadoo ay taasi u dheer tahay shirar kala duwan oo ka socda dalka dibadiisa kuwaasi oo ay siweyn u abaabulayaan qurbajoogta Hiiraan waxaana ay shirarkii ugu danbeeyey ka dhaceen wadamada Sweden iyo Ingiriiska siba magaalooyinka ay ku badan yahiin jaaliyadaha reer Hiiraan ee qurbaha.


Shirarkaan ugu danbeeyey ayaa waxey labo habeen oo isku xig xiga ka dhaceen labadaas wadan waxaana ku hormareynaa shirak Sweden marka hore.

Jaaliyada reer Hiiraan ee wadanka Sweden waxaa lagu tiriyaa marka la barbar dhigo jaaliyadaha ku nool wadamada leysku yiraahdo Nordic ee ku yaala waqooyiga Yurub waa jaaliyado aad ugu xiran dalka Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan Hiiraan kuwaasi oo hadba intii ay tabartooda gaarto weligoodba uga qeybqaadan jiray hadba xaaladahii adkaa ee ay soo mareen bulshada Hiiraan 23 kii sano ee leysku xalaashiiyey dalkeenii hooyana ay ka dhaceen dagaaladii sokeeye lama dhihi karee masiibadii rabaaniga aheyd ee ay iyagu gacantooda ku keensadeen qaar badan oo Somalida ka mid ah taasi oo loo aaneynayo ku caasinta ay Soomaalidu ku caasiyeen Allahii na abuurtay maadaama uu aduunyada kaka beeray halkii ugu cimilada iyo dhulka wanaagsanaa kana dhigay dad hal diin, luqad iyo mid leh intaasne maanta ma heystaan bulsho badan oo caalamka ku nool, hayeeshee hadii ay Somalidu la yimaadaan Alla ka cabsi qaarkoodna joojiyaan sadbursiga joogtadadaa ee ay ka sii qaadeen iimaan darida kuwa wanaag doonka ahne la yimaadaan wax wanaagsan oo looga dayan karo waa macquul in ay dhibta ka baxaan wadankaas quruxda badane si guud qeyraadkiisa ugu faa'ideystaan.


Hadaanse waxoogaa dib u yara jaleecno muhiimada ay shirarkaan hada socda u leeyahiin bulshada Hiiraan iyadoo aan cidna lagu dulmineyn waa sidii ay qeyrkood wax ula qeybsan lahaayeen dhulkoodana ugu tashan lahaayeen maadaama sida muuqato Somalidii kale wax badan oo bulshada ka wada dhaxeeyey ay hada meel iska dhigeen xishoodkii iyo dulqaadkiina yaraaday.

Hadaba shirkaan iyo sawiradan aad aragtaan waa jaaliyada Sweden oo iyagu siweyn u taageeraya shirweynaha uga socda bulshada Hiiraan magaalada xudunta u ah isku socodka dalka ee Belet Weyne kuwaasi oo ay ku sugan yahiin waxgaradkii ugu badnaa ee reer Hiiraan ah oo kulan noocaan ah iskugu yimaado mudo aan hada la xasuusan iyadoona ay shirarkaan ka dhasheen kedib markii leys tusiyey in aysan jirin sanadka maanta ah in aan waxbo leysku hambeyneyn oo ay madaxdii wadanka qaranimadii ka doorteen danahii shaqsiga ahaa iyo midii beeshooda reer Hiiraan oo aysan jirin wax xil ah oo ay ka hayaan 3da kursi ee ugu sareeyana ay noqdaan dad ka qada waxkasta oo bulshada ka dhaxeeyey hadey noqonlaheyd deeqaha waxbarashada, tababarada saraakiisha ciidamada XDS koodii ka dhiidhiya dhibaatda ciidamadana markii uu ka hadlo xabsi iyo jir dil loogu daro.

Laakinse marka waxaasi oo dhan laga soo tago reer Hiiraan sidey hada isku wareysteen iskuna tusiyeen iyadoo waxaas oodhan la soo maray oo waxkasta u dulqaatay ilaa lagu dhegahadlo oo iyagoo aan waxbo lala tahsan mediyaha kaliya ka maqlaan madaxda wadanka ugu sareysa qaarkood iyo beelahooda oo go,aano aan jirin iska qaadanayo waxii markaasi ka danbeeyey waxaa dal iyo dibad la go,aansaday qiimahii la doono haku kacee in aan hada kedib loo dulqaadan in la taageero go,aan aan reer hiiraan ka imaan iyadoo la ogyahay sidii horey loogu dulmiyey shacabka iyo dhulka Hiiraan iyadoo aysan ka marneyn dano siyaasadeed gurcanaa kuwaasi oo marxalado kala duwan soo maray.

Shirkaan oo ay ka hadleen waxgarad iyo aqoonyahano iskugu jira rag iyo dumar ayaa waxaa siweyn loogu taageeray shirka nabada iyo Aayakatalinta ka socda magaalada Belet Weyne waxuuna weliba qorshuhu yahaya in aan afkaliya lagu taageerine ilaa ay cuqaasha Hiiraan shirka ka soo xirayaan oo ay gogosha soo laabayaan in lagu kaalneeyo ka jaaliyad ahaan waxii dhaqaalo ah oo ay u baahdeen maadaama ay gogoshaan Ilaah ka socokow suuro geliyeen iney qabsoonto qurbajoogta Hiiraan oo ilaa maalintii uu shirka furmay ilaa maanta gacanta ku haya habsami u socOshada shirkaan hadey noqon laheyd dhaqaalo iyo taloba.







La soco qeybteena labaad oo aanu kaka hadli doono shirka London

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
11,972,982 unique visits