Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 9

· Members Online: 1
marvinau11

· Total Members: 152,371
· Newest Member: marvinau11

Welcome

HS:-ShirLagu taageerayo shirweynaha Aayakatalinta Hiiraan oo ka dhacay London

Click HereHS:- Magaalada London waxaa ka dhacay shir la mid ah shirka Swden ee lagu taageerayey shirweynaha Hiiraan uga socda waxgaradka Hiiraan ee dhawaan ka furmay magaalada Belet Weyne.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabiyeen rag iyo dumar ka mid ah jaaliyada Hiiraan ee Uk gaar ahaan kuwa ku nool magaalada London ayaa waxaa hadalo dhiiragelin ah ka jeediyey waxgaradkii iyo aqoonyanahanadii rag iyo dumarba lahaa ee halkaas iskugu tagay.

Dib uguma laabaneyno ujeedada shirka oo ah taageero hadane waxaa xusid mudan in ay jaaliyada reer Hiiraan ee UK yahiin kuwa ugu badan ee hada ku sugan madasha shirka halka qaarkoodna ay joogaan dadka Somaliya jaarka la ah si ay uga qeybgalaan shirweynaha fikirkoodana ugu biiriyaan.


Marka laga soo tago waxgaradka, siyaasiyiinta iyo weliba aqoonyahanada reer hiiraan ee dal iyo dibadba ku nool waxey wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno jaaliyada Hiiraan ee waqooyiga America ku mashquulsan yahiin sidii ay shirar noocaan ah u qaban lahaayeen kuwaasi oo isbuucyada inagu soo aadan ka kala dhici doona magaalooyinka ay ku badan yahiin jaaliyadaha Hiiraan ee ku nool dalka Mareykanka sida washington, Minasota, Ohio, Denver iyo kuwo kale oo badan.

Sida aad ku aragtaan muuqaalka Vediyowka kore waxaa jaaliyada Hiiraan ee ku nool dalka Kanada gaar ahaan magaalada Toronto oo noqday jaaliyadii ugu horeysay ee shirka Hiiraan ka furmay oo socda 3 maalmood iyagu iskugu yimaadeen shirkan siweyna u taageereen halka ay waftiyo uga qeybgalo ku mashquulsanyahiin sidii ay ugu dirsan lahaayeen shirka.

Jaaliyadaha Hiiraan ee ku kala nool dunida dacaladeeda ayaa aad u bogaadiyey shirka Hiiraan uga furmay bulsahda iyagoona amaan u soo jeediyey cidkasta oo kaalin muuqata ku leh abaabulka shirkaas hadey noqonlaheyd maamulka Hiiraan, qurbajoogta iyo weliba siyaasiyiinta Hiiraan.

hadaba la soco sawirada magaalooyinka hada abaabulka wado.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.14 seconds
11,851,972 unique visits