Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 9

· Members Online: 0

· Total Members: 154,205
· Newest Member: Robertfueh

Welcome

HS:- Fariin Loo dirayo qurbajoogta Hiiraan kuna wajahan shirweynaha nabada iyo aayaha Hiiraan

Click HereHS:-Inkasta oo ay isbuucyadii tagay safaro is dabajoog ah ugu kicitimayeen qurbajoogta Hiiraan si ay uga qeybgalaan shirweynaha Nabada iyo Aayakatalinta bulshada Hiiraan ee ay gogoshiisu taalo xarunta Hiiraan ee Belet Weyne ayaa hadane waxuu shirku marayaa meel aad u wanaagsan taasi oo u ah bulshada Hiiraan guul bilaaw ah.

Hadaba shirkaan ayaa waxaa loo kala qaaday dib u heshiisiin iyo Aayakatalin waxaana hada meel gabo gabo ah maraya wejigii hore ee shirka sidaasi daraadeed waxaa qurbajoogta reer Hiiraan sidey u dhan yahiin fikirkaad doonto aaminsanaaw lagaa doonayaa in aad iska xaadiriso madasha shirka hadii aad tahay talo keen iyo hadii aad tahay talo raac intaba amaba hadaan si kale u dhigno uu kugu jiro damac siyaasadeed dooneysana in aad bulshada hogaamiso mustaqbalka si aad talada ay reer Hiiraan isla meel dhigayaan aad goob joog uga ahaato waqtigii bulshada wax loo yeerinayey wey dhamaatay fikirkaada la tag Hiiraan oo isku day xitaa hadii aad aaminsan tahay (Hala Cararo) oo ah fikirka ugu yar ee aad shirkaas ku darsan karto, isku day inaad tagto meesha ay taladu taalo iyo shacabka aad dooneyso in aad mustaqbalka hogaamiso amaba meesha aad dooneyso in aad mustaqbalka hadii aad qurbaha ku nooshay ood ka laabato aad dooneyso in aad ku noolaato fikirkaada la tag howshu hada meel fiican ayey mareysaa cid afka la qabanayona ma jirto fikir wax dhisayo aadna bulshada ku soo jiidan karto la tag halkaas.

Sidoo kale hadii aad tahay muwaadin Somaliyeed oo ka soo jeeda Hiiraan waxaa lagaa doonayaa in aad wax badan ka bedesho dabeecadahaaga hadii aad tahay siyaasi siyaasada ku biiray dagaaladii sokeeye kedib maadaama ay talo kaala dhaxeyso Malaayiin qof oo reer Hiiraan ah waxaad ogaataa in marka talo leysku darsanayo marna ay adiga kaa hiilineyso oo ay u hiilineyso hadba inta markaas kaa soo horjeeda, marna adiga iyo inta kugu fikirka ah kuu hiilineyso sidaasi daraadeed marba hadaad dooneyso in aad bulshada oo dhan hogaamiyahooda noqoneyso waa muhiim in aad hesho dad arimaha siyaasada kaala taliya si aad u noqoto mid wax dhisa si ay reer Hiiraan uga soo kabtaan waqtigii dheeraa ee horey uga soo lumay iyo siyaasadahii qaabka darnaa ee 23dii sano ee ugu danbeysay bulshada la haray si dhawrka sano ee inagu soo aadan ay bulshadu u tiigsadaan horumar iyo hadba maamulkii ku yimaada rabitaanka shacabka.

Hadii aadan intaas bulshada ku caawin karin waxaa jiro walaalo ku caawin karo kuwaasi oo iskugu jira masuuliyiinta maamulka Hiiraan ee hada jira, kuwii hore, siyaasiyiintii hore iyo kuwii danbe, qurbajoog iyo waxgarad hada ku sugan madasha shirka ee walaalahaas ugu dadaal af macaan iyo dhiiragelin adigoo ka duulaya marxaladahii iyo siyaasadahii ay qaar Soomaalida ka mid ah ku cuuriyaamiyeen dhulweynaha Hiiraan si weliba kutalo kal ah.

Hadaba si aad koobjoog uga noqoto mustaqbalka caruurta Hiiraan Somalida Hiiraan deriska la ah ee nolosha u soo raadsan doono mustaqbalkana si ay ugu noolaadaan amaba ganacsi uga sameystaan maadaama uu wadankii nidaamkii aanu garan jirnay looga gudbayo habka federalka waa muhiim si ay reer Hiiraan u helaan maamul ku yimid rabitaankooda wax badana ka qabta dib u dhaca muuqda intii maxaa la yiri aad dhihi laheyd gaar madasha shirka fikirkaada goobtaas gey hadii aad tahay amaba ka mid tahay qurbajoogta Hiiraan.

Marka uu bulshada wanaag u muuqdo waxaa lag adheehan karaa xilkasnimada qeubaha kala duwan ee bulshadu ay sameeyaan sidaasi daraadeed waxaa in lagu amaano oo weliba in lagu dhiirageliya ah sida wanaagsan ee uu shirku u socdo masuuliyiinta maamulka Hiiraan sidey u dhan yahiin waayo intii karaankood ah tan iyo markii uu shirka ka furmay Hiiraan dadaal weyn ayey sameeyeen, sidookale ciidamada Amaanka qeybahooda kala duwan sida kuwa Militeriga, Poliska, Nabadsugiga iyo dharcadkaba. sidoo kale Kuwa Amisom ee sugaya Amaanka siiba kuwa Hiil Walaal.

Sidookale qurbajoogta iyagu caruurtoodii iyo qoysaskoodiii dalal fog fog uga baxay in ay kaalintooda ka qaataan shirweynahan. waxaa kale oo amaan mudan waxgarad, dhalinyarada, aqoonyahanada Hiiraan ee ku sugan gudaha wadanka oo mudo 23 sano oo dagaalo ahliya dalka ka dhaceen maanta garteen iney ka hadlaan musatqbalkooda waxkastana nabadaa ugu wanaagsan si walaalnimona isku cafinayaan sidey u dhan yahiin shirkan akaalin muuqat aku leh waayo hadeysan iyagu kaalintooda muujin laheyn qurbajoog warkoodu waa talo oo inta xil iyo siyaasad u socoto waa yar yahiin dadka wax lala toos toosinaa oo siyaasada qalad ka fahmay waa Somalida gudaha ku nool marka hadiiba aad bulshada hogaamineysaan dan guud oo meel leysla dhigay sida mida hada loo fadhiyo bulshada ku hogaamiya.

Ugu danbeyn siyaasiyiinta dowlada dhexe ugu jirta reer Hiiraan kuwooda hada ku sugan madasha shirka nin maqan wakiisa laguma jiree wey dadaaleen iyaguna waxaan ka rajeyneynaa in ay damacooda shaqsigaa iyagoo eegaya mustaqbalka caruurta Hiiraan iney meel iska dhigi doonaan siweyna u taageeri doonaan waxkasta oo ay ku heshiiyaan bulshada Hiiraan iyagoo weliba fikirkooda ku darsan kara, laakinse cid ka yeeleyso shaqsiyaadka magaca Hiiraan ugu jiro dowlada fikrad laga dheehan karo in ay u soo dhiibeen dad iyaga qeyrkood ah hadeysan talo toodaa ku hadli karin bulshada dhib danbe iyo meel Hiiraanka baxsan talo ka timid waanu soo aragnay ee ha joojiyaano Geed Kore waabnimada.

Isku soo duuboo waxaa Hiiraan loo fadhiyaa shir culus oo weliba ay hagayaan waxgarad iyo gudiyo fududeynayo howsha daacadnimo weyna ay ka muuqato iyadoona hada kedib ay bulshadu yeelan doonaan gudi joogta ah oo reer Hiiraan ah oo qaabilsan xalita qilaafaadka si walaalkasta oo reer Hiiraan ah u daawoobo kaalintiisana ka qaato horumarka Hiiraan mustaqbalka dhaw iyokan fogba inta aduunyadan la joogayo ayaaba iska yare.

Oday reer Hiiraan ah oo ay wadanka mar hore ugu danbeysay waxaa laga soo xigtay isagoo leh waxaan soo xasuustay ruwaayadii Xoriyo oo uu abwaankii curiyey yiri Walee Xuriyooy Xaqbaa Imaanoo Xalaal Meherkaadu wuu noqon (walee Hiiraanow wax badan siyaasad waa laguula dagaalay hada kedibse xaqaadii baa imaan qiimahii la doonaba haku kacee).

La soco wararkeena danbe iyo hadba meesha uu marayo shirka Aayakalinta bulshoweynta Hiiraan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com






Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
11,973,034 unique visits