Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 12

· Members Online: 0

· Total Members: 154,204
· Newest Member: shjitovaolia

Welcome

HS:-(Daawo Sawirada) Beeraha iyo Guryaha Villooyinka iyo qiimaha la kala siisto

Click HereHS:-Sida aad sawirada ku aragtaan waa qaar ka mid ah beeraha Hiiraan iyo quryaha ay Somalidu u yaqaanaan Villa Hiiraane looga yaqaano Villa Hiiraan.

Hadaba sida ay badeecada isku bed bedelaan qiimaha beeraha Hiiraan iyo guryaha iskuma bed bedelaan waayo dadkii hada siweyn ayey u fahmeen tabcashada beeraha ninkii ay labo waqti oo isku xigta u soo go,aan beero hadafkiisa ugu weyn dhawr sano ka hor waxuu ku fikiri jiray inuu isaga iyo caruurtiisa ay bada Liibiya Tahriib ku aadan halkaasne ku dhamaadaan ileen hadaad nimcada ilaahey ku caasiso meel xun ayaad ku danbeyneysaaye.

Laakiinse marka loo eego labadii sano ee ugu danbeysay fikirka dadka waxaa siweyn wax badan uga bedelay qurbajoog wadankii ku laabteen oo xaqiiqada dibada taalo waxoogaa uga taab taabtay iyo iyagii oo aan sidii hore qurbaha ugu fikireyn.

Habada in aad Hiiraan ka iibsato beer diyaar ah oo ay u dhan yahiin qudaar iyo waxiiba ka baxi kara qiimaha la kala siisto hadba waxey ku xiran tahay baaxada, sida ay wabiga ugu dhaw tahay Abaar iyo Aarana aad biyo ugu heli karto.

Sidoo kale marka laga hadlayo qiimaha guryaha la kala siisto intii aad guri dhisan ku hamiyi laheyd inaad iibsato waxaa laguu qaatay in aad adigu naqshad cusub la tagto oo aad dhisato waayo ninkii midka dhisan sameystay waxuu doonayaa faa'idoo aan caadi aheyn isagoo weliba dhawr samo ku soo noolaa.

Hadaanse kala qaadno dhismaha guryaha hadii aad dooneyno guri Villo ah oo dusha sare Saqaf laga saarayo calashaa laamiyeeri amaba jiingad hadba sidaad u taqaano waa midka ugu macquusan ee aad awoodi karto hadii aad Hiiraan la tagto inta u dhaxeyso 19 kun ilaa 35 kun dolarka Mareykanka aadna dhul raqiis ah ka iibsaneyso meel qiyaastii magaalada u jirta 5 ilaa 6 KM waa meelaha caalamka laga dago Somalise weli ma baran,waa markaad adiga dhisaneyso oo aad dhaqaalahaada maareyneyso, hadiise ay arintu mareyso Walaalkey amaba adeerkey ayaa ii dhisayo waxaad ku talo gashaa xitaa hadii ay qoyskaada yahiin wadaado 35 kun ilaa 55 kun arintaane reer Hiiraan oo kaliya kuma koobna dalka dhan ayey ka jirtaa waxaana ugu wacan 3 arimood.

1- Qofka wax loo dirayo oo aan dhaqaalaha lagu aaminay u soo dhididin una maleeya qofkii u soo diray iney bank ugu jiraan intaas iyo ka badan.

2- Waxaa yaraaday naxariistii maadaama ay dadku 23 sano ku soo jireen colaad maalinkastana ay maqlayeen hebelaa dhintay iyo hebelaa dhaawacmay waqti qof dibada jira xoolahiisa laga naxo tirada uguma jirto dadkaas marka laga reebo waalidka siiba hooyada waxaa macquul ah iyadoo aysan xumaan ka aheyn hadii aad wakiilato Aabahaa waaba haduu kuu noolyahee,halkii aad ka sugeysay guri laguu dhiso waxaa macquul ah in aaad maqasho aabahaa waxaa u dhashay wiil amaba geber waayo dalka Somaliya sida leysku arooso dalka Shiinaha xitaa leyskuma arooso sida uu guurka u fudud yahay ayuuna furniinka u fudud yahay marka arimahan oo dhan waa inaad u diyaar garoowdaa hadii aad dooneyso in aad Somaliya guri ku yeelato adigoo aanan dib ugu laaban meesha aad dooneyso in aad wax ka dhisato.

3-Hadii aadan heysan gaariga ay Soomaalidu u taqaano Iska Roge ee lagu soo daabulo carada iyo dhagxaanta waxaad ku talo gashaa 3 meelood ugu yaraan hal meel iyo bar in ay dhaqaalo kaaka baxaan halkaas si aad quruxda magaalada wax badan ugu bedesho markii aad dhismahaada ku bogatana aad dhawr qofood oo familkaa shaqo ugu abuurto bal inta aadan guri dhisan gaarigaas ka bilaaw, sidoo kale qalabka dhismaha suuqyada Somaliya haka iibsan xiliga uu jiro Bad xiranka waqtigaas waxkasto waa qaali waa muhiim in aad waqtiga aad wax dhisanaeyso iyo cimilada markaas lagu jiro is waafajisaa.

Waxaan halkaas kaka hadalnay guriga Vilada dusha sare laga saaro Jiingada amaba laamiyeeriga. waxaase jira guryo casri ah oo intooda badan la saaro Shub si hadii aad berito dhaqaalo kale hesho aad u saarato second floor amaba dabaq labaad.

Sida aad ku aragtaan gurigaan Villada ah muuqaalkiisa waa Shub guryaha Villooyinka shubka ah wey ka qaalisan yahiin Villada la saaro Jiingada . waxaa kale oo jira Guryaha la saaro Jiliga waa kuwa ugu quruxda badan hadaad u hesho Injineer dhismaha ku taqasusay hadii aad naqshadaada la tagto Somaliya waxaa jooga Injineero sidey tahay kuugu dhisayo kaan ayaabin doono u diyaar garoow qiimaha ay doonayaan hadaadan adigu aheyn midkii aqoonteeda lahaa dhismaha gurigaas.

AHdaba waxaan dhawaan idiin soo gudbin doonaa qiimaha la kala siisto xoolaha sida geela, Loda, Ariga, Fardaha, Wild Animal sida Sagaarada, Gowsha iyo waxii la halmaala, waayo Hilibka Sagaarada suuqyada ayuu yaalaa iyadoo saagay oo kale la soo dilay.


Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
11,972,784 unique visits