Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Wasiirada Hiiraan State oo shirar muhiim ah ka wada magaalada Mogdisho

Wararka MaantaJimco 18,Maarso 2011(HSOL)- Wasiiradii dhawaantan ka tagay qurbaha oo safarkoodu iskugu jiray xog aruurin iyo la kulanka shacabka Hiiraan ee Mogdisho ayaa ugu danbeyn ku guuleystay iney qeybaha bulshada Hiiraan kuwooda ku sugan magaalada Mogdisho ka dhaadhiciyaan waxa uu yahay maamul goboleedka Hiiraan State iyo sida ay ugu go,an tahay in uu ka howl galo gudaha Hiiraan dhawaantan si bey yiraahdeen howshasi u gutaan masuuliyiinta Hiiraan Statena waxaa lagama maarmaan ah in shacabku taageeraan ayey ku yiraahdeen wasiiradu waxgaradkii ay halkasi kula kulmeen.

Tan iyo markii ay magaalada Mogdisho gaareen wasiirada Sportiga iyo wasiirka haweenka dowlad goboleedka HS dhawaantan ayey waxey bilaabeen la kulanka qeybaha kala duwan ee shacabka Hiiraan sida waxgaradka, culimadiinka, siyaasiyiinta oo ay ka mid yahiin xildhibaanada iyo wasiirada, taliyaasha ciidamada iyo waliba dhaliyarada. kulamo is daba joog ahaa oo maalmahani halkasi ka socday ayey shacabku si weyn u soo dhaweeyeen qorshaha fog iyo midka fog ee ay wado xukumada Hiiraan State iney ku shaqeyso kuwasi oo kala ah sida.

1- Qorshaha dhaw waa sidii loo mideyn lahaa reer Hiiraan iyadoo wado kasta loo marayo taasi oo ay dhamanba shacabkii ay la kulmeen wasiirada soo dhaweeyeen.

2- Qorshaha fog waa mid hadii sida uu yahay loo qaato ay shacabka Hiiran meelkasta uujoogo mahadin doono inkasta oo ay wax badan ka horeeyaan fulinta go,aankaasi.

Wasiirada oo maalintii doraad aheyd la kulmay waxgaradka reer Hiiraan qaarkood ayaa si wanaagsan loo qatay fikirkoodi halka ay maalintii shaleyto aheeyd dowlad goboleedka Hiiraan State iyo siyaasadeeda ay soo dhaweeyeen inta badan xildhibaanada reer Hiiraan oo shir si heer sare ah loo soo agaasimay ka soo qeyb galay kaasi oo ka dhacay magaalada Mogdisho.

Wasiirada ayaa wax garadkii iyo siyaasiyiintii ay la kulmeen ka helay dhiiragalin iyo in maamulka ka howl galo gudaha Hiiran sida ugu dhaqsiyaha badan iyadoo lagu dadaalayo midnimada reer Hiiraan. mudadii ay la kulmayeen qeybaha kala duwan ayaa waxaa halkasi gabayo iyo baraanburo guubaabo ah ka soo jeediyey qaar ka mid ah duamrka iyo ragii ka soo qeyb galay kulanka shirka oo aha mid si heer sare ah loo soo agaasimay.

Xildhibaanadii shirka ka soo qeyb galay ayaa sheegay iney aad ugu xumaayeen in aan iyaga mudnaanta la siini mudadii uu socday shirkii lagusoo dhisay dowald goboleedka Hiiraan State hase ahaatee ay aad ula dhacsan yahiin habka ay hada uga dhaadhiciyeen wasiirada Hiiraan State iyagoo sheegay in hada kedib aysan wax shaki ahka qabi doonin maamul goboledka Hiiraan state oo ay qaar xildhibaanada ka mid ah qirteen iney ka caga jiidayen iney la shaqeeyaan maadaama aysan macluumaadkan ay wasiirada hada yimid aysan hore u heysan waxeyna inta badan xildhibaanda shegeen ineyba adkaan doonto cid reer Hiiraan ah oo hanaanka ay wax ku wado Hiiraan state diidi doonta hadiiba fikirkaan ookale bulshada inteeda kale maalinkasta loo soo bandhigo.

Hiiraan State waa nidaam u sahli doono qabiilka ugu yar qabiilada Hiiraan dega iyo midka ugu badan iney xaq u yeelan doonaan sidii ay hogaanka Hiiran u qaban lahayeen waana nidaam hadii shacbaku l ajaanqaadaan u sahlaya in shaqsi kasta dantiisa gaarka ah ka dhax helo iyadoo mid aguud la ilaalinayo.Hiiraan State marka ay hanato guud ahaan Hiiran waxkasta oo ay ku qaatataba inta hada hogaamineyso waxaa qorshaha ugu jirto iney hogaanka iyo masuuliyada ku wareejiyaan maamulka iyaga ka danbeyn doona.

Mar ay goobta shirka ka hadleen wasiirada kal ah Sportiga Marwo sucaado Diriye iyo oWasiirka haweenka Marwo Istanbul waxey sheegeen ineysan iyagu xil doon aheyn ee ay qoysaskoodii u soo dayaceen sidii xal guud looheli lahaa. sidoo kale madaxweynaha Hiiraan State oo shaleyto goob joog ka ahaa shirk aaya soo dhaweeyey go,aanka geesinimada leh ee ay qaateen qeybahii kala duwanaan ee maalmahani la kulmayey masuuliyiinta HS isagoo xildhibaanadii shaleyto kubooriyey iney u istaagaan shacabka ku dhiban gudaha Hiiraan oo ay wakiilka ugu yahiin dowlad dhexe.

Dhinaca kale dadaalo aan la dheyelsan karin ayaa ka socda gudaha Hiiraan oo ay wadaan masuuliyiinta HS inkasta oo aanu dooneyn in aanu ka hor dhacno inta waqtigeeda laga gaarayo kuwaasi oo farxad galin doona shacabka Hiiraan intooda samaha jecel ,taasi oo u sahleysa in ay howlaha Hiiraan State si sahlan uga fulaan gudaha.


Isha warka Hiiran State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.19 seconds
14,588,972 unique visits