Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 1
marvinau11

· Total Members: 152,372
· Newest Member: Barniqirk

Welcome

HS:-Daawo Sawirada Shirka ka socda Belet Weyne

Click HereHS:-Hoolka loogu talo galay shirweynaha Aayakatalinta Hiiraan oo maalmahii tagay ay ka socdeen shirar dib u heshiisiin ah ayaa waxaa maanta lagu qabtay shir ay soo agaasimeen ururka dhalinyarada Hiiraan kaasi oo ay siweyn uga soo qeybgaleen masuuliyiint amaamulka Hiiraan, Saraakiisha Ciidamada Jabouti ee Hiil Walaal, Xildhibaanada baarlamaanka ee ku sugan magaalada BElet Weyne oo halkaasi kala kulmay soo dhaweyn aan caadi aheyn kuna jira waqtigii siyaasadooda ugu wanaagsaneyd xili ay maalmaha inagu soo aadan ku wajahan yahiin halkaas siyaasiyiin iyo wax garad kala duwan.


Xafladan oo sanadkasta la qabto ayaa ka turjumeysay halkankii gobanimo u dirirka dhalinyaradii SYL oo hada ay ka soo wareegtay 72 sano tan iyo markii ay dalka u kaceen dhalintaasi.


Xafladan oo marka loo eego xafladahii maanta ka dhacay qeybo badan oo dalka ka mid ah ayaa hadane waxaa xiiso u yeelay waxey kulmisay dad mudo kala maqnaa kuwaasi oo iskugu jira qurbajoog, siyaasiyiin, waxgarad, dhalinyaro iyo ugu danbeyn masuuliyiinta maamulka Hiiraan oo iyaga qudhooda dhinacooda maqsuud ka ah sida ay wax u socdaan waayo bini'aadamku waxuu sharaf ku leeyahay inuu caabudo kana baqo Allahii abuurtay waxii intaas ka soo harane waxuu sharaf iyo karaamad ku leeyahay waxne ku yahay dadkiisa sidaasi daraadeed sharaf ayey u tahay maamulka in ay dhaxda kaka jiraan shirweynaha Aayakatalinta Hiiraan koodii uu damacsiyaasadeed ku jirayna aley lehe wey joogaan maanta meeshii ay bulshada ku kasban lahaayeen.


Marka laga soo tago xaflada ay maanta abaabuleen ururka dhalinyarada Hiiraan hadane wararka aanu ka heleyno Hiiraan ayaa sheegaya in ay dhawaan halkaasi gaari doonaan waftiyo kala duwan kuwaasi oo iskugu jira siyaasiyiin, waxgarad iyo qurbajoog ka kala tagaya amab aka kala yimid wadamada bariga Africa, Mogdishu iyo weliba qurbaha fog fog si ay halkaas ug aqeybgalaan shirweynaha Aayakatalinta Hiiraan oo ay gogoshiisu taalo magaalada Belet Weyne.














ISha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstatae.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.13 seconds
11,852,054 unique visits