Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 8

· Members Online: 0

· Total Members: 152,822
· Newest Member: Adorpjwo

Welcome

HS:-Jaaliyada Hiiraan ee Kanada jaaliyad kudayasho mudan

Click HereHS:- Wadanka Kanada oo ay maalmahii tagay ku lahaayeen shirar iskugu jiray sidii taageero mugleh loosiin lahaa loogana qeybgali lahaa shirweynaha Aayakatalinta Hiiraan ee ka socda magaalada Belet Weyne, dhinaca kalena waday kulamo dhaqaalo loogu aruurinayo dhismaha Isbitaalka magaalada labaad ee ugu weyn Hiiraan ee Bulo Burde ayaa waxey noqdeen kuwo tusaale fiican u noqday bulshada Hiiraan ee qurbaha.

Wadanka Kanada iyo guud ahaan qaarada waqooyiga America waxaa ku nool jaaliyad xoogan oo Somaliyeed kuwaasi oo ay ka mid yahiin jaaliyada Hiiraan, waxaana isbuucyadii la soo dhaafay ka socday meelo badan oo ka mid ah aduunka qorshe lagu hormarinayo Hiiraan kuwaasi oo wax looga qabanayo dhinaca adeega guud iyo sidii ay Hiiraan u nqoqon laheyd deegaan wax badan oo wanaag ah looga daydo xili uu halkaas ka socdo shirweyne ay ku kulansan yahiin waxgaradka Hiiraan, masuuliyiin iskugu jirta heer gobol ilaa dowlada dhexe, siyaasiyiin, waxgarad iyo dhaliyaro rag iyo dumarba leh.

Wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno jaaliyada Hiiraan ee Kanada oo iyagu noqday kuwii ugu horeeyey ee shirka Hiiraan ku taageera af iyo maal ayaa hadane waxaa jira warar sheegaya iney wadaan abaabul ah sidii ay u noqon lahaayeen jaaliyadii ugu horeysay ee shirka Hiiraan u dirsadaan wafti iskugu jira rag iyo dumar hadba intii heli karta fasax si ay u soo arkaan amaba u booqdaan gudaha Hiiraan.

Sidoo kale waxaad moodaa in ay jaaliyada si guud u soo dhaweeyeen ayna aad u wadaan sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen dhismaha Isbitaalka Bulo Burde oo ay isagu ku tiirsanaayeen boqolaal kun oo ruux oo ku nool magaalaada Bulo Burde iyo in ka badan 200 oo tuulo oo magaalaada ku hareereysan kuwaasi oo ay waayadii danbe la soo deristay xaalad caafimaad xumo.

Inkasta oo lagu mashquulsan yahay dhismaha Isbitaalka Bulo Burde hadane waxaa xusid mudan sida dhinackasta loola dagaalsan yahay horumarka Hiiraan ayna dowladkasta iskaka dhegatirto iney caawiyaan bulshada Hiiraan oo ay waayadii danbe siyaasad aan la aqoon meesha ay salka iyo dagaal ku heyso kula jireen ayaa hadane waxaan dhawaan bulshada Hiiraan ee ay wadanka ugu danbeysay mar hore si aan ugu xaqiijino dulmiga dhinackasta leh ee ilaa heer federal ah oo Hiiraan lagu hayo waxaana dulmar guud iyadoo aan borobagaando aheyn aan u soo bandhigi doonaa Isbitaalada ku yaala Magaalada Mogdishu dhaqaalaha iyo daawada ay bilkasta siiso dowlada federalka iyadoo ay weliba Hayaddo gacanta ku hayaan,halka Isbitaalka guud ee magaalada Belet Weyne oo ay hada shaqaalahiisu ku shaqeeyaan mushaar la,aan uu la yahay Hayadd bulshadaas ka caawisa si looga hortago inuu xirmo waxaana qaabka uu hada u socdo kaalin muhiim ah ku leh bulshada ku dhaqan magaalada Belet Weyne iyo maamulka hada gacanta ku haya Isbitaalka.

Waxaa ayaan daro ah in uusan jirin wax laga dhageysanayo masuuliyiinta maamulka Hiiraan oo iyagu dhawr jeer oo hore mediyaha ka sheegay in uu isbitaalka Belet Weyne u baahan yahay kaalmo dhinaca dowalda dhexe ah laakinse nasiib wanaag dalka Somaliya siyaasadiisu waxey u shaqeysaa (UPSIDE DOWN) oo meeshii kor jirtay ayaa hoos jirta oo deegaanada dowalda dhexe laga taageersan yahay shacabkoodu weligoodba ma helaan kaalmada xaqa ah ee ay dowlada dhexe ku leeyahiin waxana uu hadalkoodu ka shaqeeyaa dalka Somaliya kuwa boobka iyo fowdo u jooga ah.

Hadaba maadaama ay hada reer Hiiraan ku mashquusan yahiin bal iney horta baraan waxa dalka Somaliya ka jira maadaama ay 23 sano ku jireen riyo iyo qaran Somaliyeed ayaa la helayaa Somalidii kalena ay meel iska dhigeen markaan warbixinta qaabka ay u shaqeeyaan Isbitaalda Mogdishu iyo mushaarka ay qaataan shaqaalaha Isbitaalada ay dowlada gacanta ku heyso iyo faraqa u dhaxeeya Isbitaalka Magaalada Belet Weyne oo qarka u saaran in loo xiro daawo la,aan midka hada loo dhisayo Bulo Burdana aysan had jeer caawinaadiisa xitaa marka la dhiso kedib aysan jaaliayda reer Hiiraan ee qurbaha aysan joogto u caawinin inta uu dalku ka yeelanayo dowlad xalaal ah oo ay hormuud ka yahiin shaqsiyaad wadaniyiin ah waa muhiin in ay jaaliyada Hiiraan bartaan sida uu maanta dalka Somaliya iyo siyaasadiisu u shaqeeyso.

Isku soo duuboo Hiiraan iyo shacabkiisu wax u hadlo ayey waayeen sidoo kale waxaan dhawaan bulshada Hiiraan u soo bandhigeynaa sida dalka Somaliya gaar ahaan dowlada hada maamusaha koofurta Somaliya oo kaliya ay deeqaha iyo saraakiisha ciidamada ee dibadaha loo diro loogu qeybiyo beelaha Somaliyeed xogtan oo ah mid nagu qaatatay waqti dheer in aanu soo aruurino hadane hadii ay dibadaha waxbarsho u aadaan xitaa 5 wiil oo Somali ah oo isku aabe iyo hooyo ah marka arinta dhinaca wanaagsan laga eego waa wax wanaagsan laakinse sida ay dad badan u moodaan siiba reer Hiiraanka maahan waxaa Mogdishu ka socda hadaan la helin isbedel guud ma u maleyneyno iney waayadaan ka suuli doonaan Somali dhexdeeda nidaamka dhan waxuu ka qaldan yahay dusha sare ilaa dushaas sare dib u eegid dhab ah lagu sameeyana dad badan oo ay ugu horeeyaan reer Hiiraan ayna ku weyntahay Somali jacelka waxaa xaquuqdooda afka ku dhigan doona dhawr beelood oo waayadii danbe wadanka hogaankiisa isku bed bedeli jiray gobanimona mooday boobka iyo sadbursiga.

Hadii aad reer Hiiraan tahay adigoo aan cidna dulmineyn qofamaba qoys Somaliyeed iska xumeyneyn bal waxaad u guurgashaa hadii aad saaxibo dhaw ku leetahay waaxda socdaalka bal waxaad u guurgashaa magacyada shaqsiyaadkii 5tii sano ee ugu danbeysay dibadaha loogu dirayey siminaarada hadey noqon laheyd ardeyda, saraakiisha iyo siminaarada yar yar ee loo aado wadamada deriska ah markaas kedib hadey kugu adkaato in aad jawaab sax ah hesho markaan inaga kuu soo bandhigno arintaan waxaad u guurgashaa bal waxii ka run ah.

Ugu danbeyn waxaan bogaadineynaa jaaliyada Hiiraan ee Kanada iyo jaaliyadaha mustaqbalka ku dayan doono, dalka Somaliya waxaa ka socda maah maahdii aheyd (Hadii ay ku moosaan Karti ayaa leysku muujiyaa) waxaan idiin balanqaadeynaa in aan midabka rasmigaa ee dowlada federalka ee hada jirta ku shaqeyso aan banaanka idiinkeeno si aad u garawsataan hadaad reer Hiiraan tahiin dhibaatada dhan in ay ugu wacan tahay gursigaan ugu sareeya ee aad xaqa u leetahiin in aad hogaanka u qabataan ee kii ku guuleystaba idinkoon mucaaradin isagoo dano shaqsi iyo mid beeleed watoba idiinku dulminayo.

Waxaan sidoo kale jaaliyadaha kale ee reer Hiiraan ku dhiiragelineynaa iney waftiyo sidan oo kale ah u dirsadaan Hiiraan si ay qiimeyn ugu sameeyaan waxa dhab ahaan dalkeenii hooyo ka jira maanta in aan lagu tilmaami karin siyaasad uuna dhintay damiirkii Somalinimo iyo kii Islaanimo.

Dhawaan naga filo waxbixin aan ka soo diyaarinay qaabka ay dalka Somaliya uga shaqeeyaan Isbitaalada Mogdishu iyo gobolada ku xeeran kuwa kuyaala sida midka Belet Weyne faraqa u dhaxeeya kedibna ugu yaraan hadii aad tahay muwaadin reer Hiiraan ah waxaad isweydiisaa dowlada dhexe dad kuu metelo oo kuu hadlo iney kuugu jiraan iyo inkale walow ay hada siyaasiyiinta Hiiraan ka soo jeedo siweyn u dareemeen dagaalka siyaasadeed ee dhinackasta leh ee Hiiraan lagu hayo intooda badana ay hada Hiiraan ku sugan yahiin tirada yar ee ka maqana ay hada ku sii jeedaan si ay uga qeybqaataan shirweynaha nabada iyo aayaha Hiiraan.

Somali badan oo aan xog ogaal aheyn waxa dalka ka socda siiba reer Hiiraan sida ay maalinba koox ka mid ah bulshada Hiiraan u xaqiiqsaneyso waxa sidan xad dhaafka ah loola dagaalayo bulshada Hiiraan oo horumarka iyo mashaariicda dowlada dhexe ee ay xaqa u leeyahiin looga hor istaagan yahay iyagaa go,aanka ay hada qaateen kuwa dal iyo dibad ka taageerayo shirka Aayaha Hiiraan ee ay gogoshiisu taalo magaalada Belet Weyne si indha la,aan ah u taageeri doono waayo markaad aragto hogaamiye masuuliyad qaran sheeganayo iyo xukumad aan kala saari karin danta guud iyo mida qabiilka waxey dadku go,aan ku gaarayaan iney iyagu isku tashadaan ilaa ay ka arkayaan inta uu masuuliyada wadanka iyo hogaankiisa ku fadhiisanayo hogaamiye wadani ah oo ay Soomaali oo dhan iskugu mid tahay waana waxa hada ay dal iyo dibad ka wadaan bulshada Hiiraan Somaliduna waxey tiraahdaa Nin aad joogiisa aragtay jiif looguma daro reer Hiiraan waqti danbe oo ka luma intaan ha ugu egaato.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiransatte.com
admin@hiranstate.com




Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.10 seconds
11,861,413 unique visits