Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 0

· Total Members: 152,822
· Newest Member: Adorpjwo

Welcome

HS:-Ciyaaro xiiso badan oo ka socda magaalada Belet weyne

Click HereHS:-Tartanka kubada cagta ee ka socdo magalada Belet Weyne ee xarunta Hiiraan islamarkana lagu Taageeraayo shirka dib u heshiisiinta iyo aayo katalinta Hiiraan ayaa waxaa maanta isku arkey amaba fooda isk darsay lugtii labaad Manta Laciyaaray xafada kooshin oo ku jirta groupka A waxeyna fooda isdareen xaafada uu xifaaltanka dhinaca Sportiga ka dhaxeeyo ee Buudoweyn oo iyaduna ka mid ah Group-ka B



Labadan kooxood oo aad mooday midba mida kale iney u ciyaareysay ciyaar final ah oo kale ayaa waxey soo bandhigeenciyaar wanaagsan oo ay la dhaceen dadkii daawanayay ciyaartaas waxaa ay gaartay in taageerayaasha ay buuqaan xamasada ay laheed ciyaarta awadeed taasi oo xitaa sawaxanka ciyaarta ay dhinacooda ka wadeen dhalinyarada ku qaxweynayey xarun laga cabo Coffee-ga oo ku taalo isl agaroonka dhexdiisa.

Kulankan oo ahaa midkii labaad ayaa waxaa iskaga horyimid naadiyada kala matalaayo xafadaha Kooshin A iyo Buundaweyn B waxana ay ciyaarta ku soo Dhamatay 4-4 oo ah Bar Baro hayeeshee waxaa sidii caadada aheyd lagu kala baxay Rogoorooyin amaba waxa luqadeena lagu yiraahdo Gool ku laadyo waxana ayna ciyaartii oo meel aad u kulul mareysa ku soo idlaatay 4 iyo 2 oo ay guusha ku raacaday Xaafada Buundo Weyn oo ka mid ahaa group B

Tartankan ayaa ahaa mid lagu dhiiragelinayey shirweynaha ka socda magaalda Belet Weyne waxaana siweyn u soo dhaweeyey dhalinyarada magaalada Belet Weyne oo iyagu ciyaarahan siweyn ugu soo daawasho taga.

Isku soo duuboo dal iyo dibad markaad eegto reer Hiiraanka ku nool waxey aad ugu mashquulsan yahiin xaga wax soo saarka, dhismaha garoon weyn oo lagu ciyaaro kubada cagta oo ay howshiisu mareyso heer bilaaw fiican ah.

Sidoo kale waxaa magaalda ka socda shirweynaha Dib u heshiisiinta iyo Aayakatalinta bulshada Hiiraan kaasi oo ay isbuucyadii tagay ku sii qulqulayeen waftiyo kala duwan halka ay kuwo kalena ay ku sii jeedaan maalmaha inagu soo aadan kuwaasi oo iskugu jira masuuliyiin ka socota dowlada dhexe iyo weliba qurbajoog.

La soco hadba heerka ay marayaan ciyaarahan xiisaha leh ee ka socda magaalada Belet Weyne.




Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.10 seconds
11,861,370 unique visits