Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 10

· Members Online: 0

· Total Members: 154,205
· Newest Member: Robertfueh

Welcome

HS:- Ciyaarahii Belet Weyne ka socday oo meel xasaasi ah maraya

Click HereHS:-Inta aanan u gudagelin warbixin dheer oo aanu ka soo diyaarinay tartan aad u xiiso badan oo ka socday maalmahan garoonka cusub ee loogu magac daray Belet Weyn Fitnes Centre kaasi oo ay soo qaban qaabiyeen ururka dhalinyarada dhulweynaha Hiiraan iyo qurbajoog aad u xiiseeya ciyaaraha.



Tartankaan ayaa waxuu hordhac u yahay ciyaaro kale oo xiiso badan intooda badana ay magaalada Belet weyne ka socdaan abaabulkooda kuwaasi oo iskugu jira koobka inta badan la dhigo bisha barakeysan ee Ramaadanka oo ah ka mid ah tartamada aadka loo sugo inta badan.

Sidoo kale tartankaan ayaa waxaa loogu talo galay amaba lagu dhiiragelinayaa shirweynaha nabada iyo Aayakatalinta ee ka socda magaalada Belet Weyne kaasi oo ay aad u soo dhaweeyeen dadweynaha ku nool guud ahaan Hiiraan siiba shacabka lagu qabanayo magaaladooda waa Belet Weynee.

Hadaanse soo koobno nuxurka ciyaartii maanta oo ay u soo daawasho tageen dadweyne ka kala yimid xaafadaha ay magaalada Belet Weyne ka kooban tahay ayaa hadane waxaa xusid mudnaa in ciyaartaan siweyn loo sugayey maadaama ay weligeed ka dhaxeysay xifaaltan labadan xaafadood ee maanta fooda is daray.

Labadan kooxood oo xaqiiqadii uu maanta midkasta la soo shirtagay laacibiintii uu ku dhaaranayey ayaa hadane waxey kala ahaayeen Xaafada Kooshin oo iyadu ku taala Bartamaha magaalada Iyo Buundaweyn oo iyagu xariifiin ku ah kubada cagta maadaama uu xaafadaas ku yiilay garoonkii caanka ahaa ee loogu magac daray Iidi Amiin Dada madaxweynahii hore ee Ugandha oo isagu ahaa reer Hiiraan aadne u jeclaa magaaladan quruxda badan ee ku taala bartamaha Somaliya waa Belet Weynee.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay dad xoogan waxeyna gabo gabadii ku dhamaatay daqiqadahii loogu tallo galay ciyaarta bar baro 2 iyo 2 waxana intaas kedib sida sharciga ah laguda galay rigorayaal amaba waxa afkeena hooyo lagu yiraahdo laad xor ah si labadda koxood loo kala reebo madama aay ciyaartu tahay waxa waqooyiga America laga yiraahdo Playoff amaba afka Somaliga lagu yiraahdo ama badi ama gurigaada aad Engriiska waxuu yiraahdaa (Do or Die) waxeyna ciyaartii ku soo idlaatay 5 iyo 4 oo ay guushu ku raaday ciyaarka Buundoweyn gaar ahaan ciyaal Isbartiibo maadaama ay xaafada Buundoweyn qabaan dhawr kooxood oo kala daran ciyaal Isbartiibo waxey ku badiyeen ciyaarta la yiraahdo nasiibka maadaama ay ka adkaan waayeen xaafada Kooshin oo iyaga qudhooda ilkaha iyo cidiyaha ku dagaalamayey sidii roobkiina weeraro badan ugu qaadayey goolka kooxda ka soo horjeeda ee uu xifaaltanka ka dhaxeeyo ee Kooshin.

Labadan kooxood waayadii danbe marka ay iska horyimaadaan waxaa la dhigii jiray Deb iyo Dhagax leyskuma dhuftee kala dhowraa iyo wax la mid ah.Ciyaarahan ayaa maalinba maalinta ka danbeysa ka sii kululaanaya maadaama ay kooxkasta garoonka u imaanayaan taageerayaal.

Sidoo kale garoonka ayaa waxaa ku dhexyaala Bar amaba Cafeteriya aad ka heli karto waxkasta oo aad u baahan tahay sida cabitaan, Internet iyo weliba cunto fudud hadii ay gaajo ku qabato adigoo ciyaarta ku mashquulsan waxuuna baarka laga cunteeyo maanta ahaa mid aad u mashquul badan.

Warar xaqiijin u baahan ayaa sheegaya in ay abaabulayaan dhalinyaro qurbaha joogta oo Sports-ka aad u jecel sidii loo dhigi lahaa koob dhax maray dhamaan degmooyinka ay ka kooban tahay dhulweynaha Hiiraan hadii ay taasi dhacdo waxaa mar kale soo laabanayo xifaaltankii ka dhaxeeyey ciyaartooyada ka socda Bulo Burde iyo Belet Weyne oo inta badan marka ay is arkayaan kooxaha ad adag waxaa laga yiraahdaa dalka Spain oo kale El Clasico siiba marka ay kulmayaan kooxaha Real madrid iyo Barcalona Bulo Burde iyo Belet Weyne xifaaltankooda waxuu soo bilaawday baa la leeyahay horaantii 70 meeyadii welina farqaha ayey is hestaan jiilkasta oo soo baxa kalama liitaan waxase 30 kii sano ee ugu danbeysay dhianca guulaha ku horeeya ciyaalkii loo caalwaayey ee markasta ka imaan jiray Bulo Burde , walow Belet weyne oo caasimadii ah aysan iyaduba shar yareyn.

Tartanka degmooyinka Hiiraan ayey u badan tahay in qalab casri ah looga qaadi doono dibadaha oo ay qarashka bixin doonaan jaaliyada Hiiraan ee dibada hadii uu tartankaan run noqdo in la qaban doono maadaama ay jiraan rag iyo dumar badan oo reer Hiiraan ah oo arintaan fududeyn karo maadaama dalka Somaliya u muuqdo in uu deegaan kasta isagu isku tashanayo hadey noqon laheyd maamul goboleed, Dhinaca horumarka iyo waxii la mid ah Hiiraane ay hada ka socoto arimahaas oo dhan ayna dadku joojiyeen waqtigii fadhi ku dirirka hada kedibna isku tashanayaan.

Sidoo kale warar qaarkood ayaa sheegayo in wasiirka dhalinyarada oo dhawaan booqasho ku tagay Hiiraan uu aad ula dhacay dhalinyarada Sports-ka uuna xiriir fiican kala dhaxeeyo waxeyna u badan tahay in ciyaaraha qaarkood lagu casuumi doono.

isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.25 seconds
11,972,885 unique visits