Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 2
genevievemq69, michaelcp11

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Sida aan bulshoweynta Hiiraan ugu balan qaadnay in aan had iyo jeer u soo gudbino hadba heerka uu marayo shirweynaha Aayakatalinta bulshoweynta Hiiraan ee ka socda magaalada Belet Weyne kaasi oo ay dhigeen qurbajoogta Hiiraan ilaa hadana gacanta ku haya dhaqaalaha iyo daadihinta shirka.

Shirka ayaa mudada uu socdo waxuu ku talaabsaday guulo muuqda iyadoona ay cuqaasha Hiiraan ee gogosha u fadhisana xaliyeen inta badan qilaafyadii beelaha, halka ay shacabka Hiiraan kuwooda ku nool gudaha iyo dibada ay siweyn dal iyo dibad u taageereen shirweynaha kaasi oo aan loo kala harin hadey noqon laheyd siyaasiyiin hore iyo kuwii danbe, xildhibaanada iyo weliba culumaa'udiinka.

Waxaa sidoo kale in la bogaadiyo oo lagu amaano ah sida wada jirka ah ee ay kaalintooda dhinaca dhaqaalaha u muujiyeen dhamaan 8da xildhibaan ee golaha shacabka amaba baarlamanka dowlada federalka ugu jirta beesha Xawaadle oo wejigii 1aad ee shirweynaha Dib u heshiisiinta iyo Aayokatalinta Hiiraan kaalintooda ka soo dhalaalay xaga dhaqaalo bixinta mar kalena diyaar u ah iney bixiyaan dhaqaalo kale sida aan ku heleyno xog horudhac ah.

Sidoo kale waxaa in lagu amaano dadaalkii dhinaca dhaqaalaha mudan isaguna wasiirka Amniga gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed oo isaguna wejigii 1aad ee shirka kaalintiisa ka soo baxay xaga dhaqaalaha tanina waxey guul u tahay bulshada Hiiraan siiba beeshii gogoshaan dhigtay oo siyaasiyiintooda, qurbajoogtooda, aqoonyahanadooda, waxgaradkooda mucaarad iyo muxaafid si isku mid ah ugu dhabar adeygay sidii ay u soo celin lahaayeen sharaftii iyo karaamadii bulshoweynta Hiiraan kuwaasi oo ilaah ka sokow suurageliyey in ay reer Hiiraan ku kulmaan magaalada Belet Weyne oo ay aayahooda ka tashadaan waxii mugdi ahne halkaas ku dhameystaan arintaas oo hada meel aad u wanaagsan mareysa, marka xaqiiqada laga abaaro meesha uu marayo shirweynaha Aayokatalinta bulshoweynta Hiiraan.

Hadaba iyadoo ay intaasi oo dhan jirtay ayaa waxaa hadane shirkaas dhinac socday qorshe uu hormood u ahaa wasiirka Amniga Gudaha kaasi oo aysan waxbo kala socon siyaasiyiinta bulshada Hiiraan ugu jira dowlada dhexe badankood kaasi oo marayey meel gabo gabo ah sidii maamulka Hiiraan hada ka arimiya siiba gudoomiyaha iyo Taliyaha ciidanka Booliska Hiiraan xilka looga qaadi lahaa inta ay bulshada Hiiraan ka soo dhisanayaan maamul ku yimid doorashane kedib markii la ogaaday halka uu fikirka reer Hiiraan rabitaankooda iskugu biyo shubtay.

Arintaan ayaa hada waxoogaa dib loo dhigay kedib markii uu wasiirka amniga culeys siyaasadeed oo xoogan ka soo fuulay go,aankii ay dhawaan sida wada jirka ah u qaateen dhamaan xildhibaanada golaha baarlamaanka federalka ugu jira beesha Xawaadle walow inta badan xildhibaanada Hiiraan marka laga reebo Xildhibaanada beelaha Xawaadle, Makane, Baadicade iyo Jajeele kuwa kale aysan ku xirneyn Hiiraan iyo beelahooda,hadane waxuu waagu ku baryi doonaa dhawaan kedib marka ay ku dhiiradaan madaxweynaha iyo wasiirka amniga in Hiiraan loo sameeyo maamul ku meel gaar ah, waayo xildhibaanada kale ee beelaha Hiiraan qaarkood ugu jira dowlada dhexe hal arin ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku qufulay dhegahooda intii uusan furmin shrweynaha Hiiraan ka socda kaasi oo ah in Hiiraan iyo Jowhar leys raacin doono. laakinse waxii markaas ka danbeeyey siyaasadaha hoose ee socota iyagu kama warhayaan isakaba daa iney wax badan ogyahiine xitaa qaarkood waxey lugooyeen beelahooda oo ay kula taliyeen in aysan tagin shirka ay u fadhiyaan beelaha Hiiraan siiba xildhibaanada beesha..... oo hada u muuqda iney meel cidlo ah ku soo dhaceen walow ay waxgaradkooda shirweynaha Ayakatalinta Hiiraan isku diyaariyeen iney ka soo qeybgalaan wejigiisa labaad, kedib markii ay u cuntami weysay iney diidaan gogol nabadeed oo loogu baaqay kana haraan iftiinka u soo muuqda bulshada Hiiraan.

Maxey tahay ujeedada ka danbeysa iyadoo ay Hiiraan ka socoto gogol nabadeed in maamulka Hiiraan la bedelo ku dhiiradaan madaxweynaha iyo wasiirka Amniga Gudaha maxaase qorsahahaas oo miiska saarnaa hada dib u dhigay,Yaase lagu wadaa in xilkaas loo magacaabo hadiiba ay dhacdo?.

Dhibaatada Soomaali badan heysata waxey siyaasad u yaqaanaan inta mediyaha lagu soo qoro laakinse arimo badan oo hoose oo socda war iyo wacaal uma hayaan. hadaanse nuxurka u soo gaabino shacabka Hiiraan madaxweynaha Soomaaliya markii uu xaalada dhinackasta ka eegay weliba meel ay ku jirto kumanaan Soomaali ah lagu weydiiyey mustaqbalka Hiiraan iyo sida ay rabaan bulshadaas waxaa hadalkiisii ka mid ahaa sidan.

" Aniga sidaad la socotaan waxaan ahey reer Hiiraan,waxaana ku dhashay magaalada Jalajaqsi weliba Mudulkii aan ku dhashay weli waa taagan yahay, waxaanse idiin cadeynayaa in aysan reer Hiiraan dooneyn amaba u socon iney ku darsoomaan Sh/dhexe, Banaadir amaba gobol kale waa in aad xaqiiqadaas ogaataan cid la qasbayona ma jiro" ayaana hadalkiisa ka mid ahaa.

Sidoo kale waxuu wasiirka Amniga Gudaha madaxweynaha kula taliyey inta ay reer Hiiraan u fadhiyaan mustaqbalkooda ayna magaalada Belet Weyne taalo gogosha looga arinsanayo mustaqbalka Hiiraan in isbedel lagu sameeyo maamulka hada jira oo gudoomiyaha,taliyaha Booliska iyo kan nabadsugida Hiiraan la bedelo maadaama uu u cuskaday labo arimood xil ka qaadistooda.

1- Waxuu sheegay in ay maamulka hada jira aysan waxbo ku qaban canshuurta ka soo baxda magaaalada, Airporka, iyo wadooyinka soo gala magaalada Belet Weyne sidaasne loogu baahan yahay in maamul kale loo helo si maamulkaas iyaguna u soo dhisaan gudi qaabilsan canshuuraha.qodobkaan waa mid macquul ah siweyn ayaa loogu takri falaa xanshuurta Hiiraan ee bulshada laga qaado kuwo soo gala iyo kuwa ka baxaba.

2- Qodobkaan waxuu yiri maadaama aysan muuqan qorshe ay waayadan Hiiraan kula midoobeyso deegaan kale oo ay nidaamka federalka siinayo iney mudo 2 sano ah si iskood ah u hoostagi karaan dowlada dhexe inuu xal u arkay in la helo maamul cusub oo shaqeeya bilaha gogosha Hiiraan taalo loo fadhiyo oo ay u badan tahay iney waqti dheer qaatato marka loo gudbi wejiga labaad.

Hadaba fikirkaas waxuu madaxweynaha la noqday macquul oo markii horeba waxuu raadinayey wado uu xilka uga qaadi karo gudoomiyaha gobolka Hiiraan,waxaan u qorsheysneyd inuu safar ku tago Hiiraan maalintii shaleyto aheyd ee Khamiista si uu ugu yaraan waxoogaa mugdi ah oo isaga iyo reer Hiiraan horey u soo kala dhex galay iskaka dhaqo intaan doorashada soo socota la gaarin, halkaasne dhawr habeen soo joogo waxuuna safarkaas dib ugu dhacay labo arimood aawadood.

1- Kedib markii ay dhawaan qoraal soo saareen xildhibaanada beesha Xawaadle oo ku hadlaya codka beeshooda oo ay u metelaan baarlamaanka federalka sidey u dhan yahiin rag iyo dumarba iney madaxweynaha u cadeeyeen mowqifkooda rasmiga ah ee arimaha Hiiraan iyagoo intii aysan qoraalkaas soo bandhigin la tashi la sameeyey qurbajoogta Hiiraan ee beesha ay ka soo jeedaan dhawaana u socda Hiiraan si ay mowqifkooda ugu sheegaan waxgaradka beesha ay ka soo jeedaan ,kedibna waxgaradka beesha ugu gudbiyaan waxgaradka reer Hiiraan ee u fadhiya gogosha magaalada Belet Weyne taalo waayo shirka Hiiraan maanta waxkasta waxey ku socdaan wadatashi oo hadii ay Xildhibaanadan doonayaan iney ka been sheegaan mowqifkooda waxey isticmaali lahaayeen magaca Xildhibaanada Hiiraan waana midaas iney waxkasta oo la tashi ah inta aan loo gudbin reer Hiiraanka kale u gudbiyaan beeshooda kedibna warmurtiyeedkaan soo saaraan.

Markii ay warqadaan qoreen xildhibaanadan waxaa isbedelay siyaasado badan oo la doonayey in isbuucyadan uu ka howlgalo wasiirka amniga sida bedelida gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo saraakiisha aan kor ku soo xusnay ee dhawaan markii uu Hiiraan booqday sida wanaagsan u soo dhaweeyeen, waayo maamulka Hiiraan ee hada jira wasiirka amniga wuu ogyahay iney kaalin muuqata ku leeyahiin shirka Hiiraan ka socda ayna bilahii ugu danbeeyey ixtiraamayeen waxgaradkooda waftiyada dowladana ay si diiran u soo dhaweynayeen Marka laga reebo iney xaqiiqo tahay inuu canshuurta laga qaado bulshada ku takri falo gudoomiyaha gobolka Hiiraan,waxa in hada iyaga la bedelo ay reer Hiiraan oo mustaqbalkooda ka tashanaya ay u soo kordhineyso koleyto isagaa bulshada u sheegi doono wasiirka amniga,walow uu isagu aaminsan yahay maamulkan oo la bedelo iney ka dhigan tahay in aysan reer Hiiraan diyaar u aheyn iney cid wax ku darsadaan howsha ay maamulka cusub qaban lahaayeen kuwan ayaaba ku filan wey iska catahay ee arintaan waxey muujineysaa reer Hiiraan siyaasiyiintooda, qurbajoogtooda iyo weliba waxgaradkooda iney ka mideysan yahiin mustaqbalka Hiiraan in uusan cidna ku darsoomin.

Weliba wasiirka Amniga waxuu hada ku dadaalayaa inuu hal dhagax labo shimbir ku dilo.

Waa mida koowaade madaxweynaha waxuu dhaqaalo uga helaa waxaan kaala shaqeynayaa sidii Hiiraan iyo Sh/dhexe leyskugu deri lahaa isagoona nolol uga abuuray rag badan oo Mogdishu baagamuudo ku ahaa inta lacag soo siiyayna yiri Hotelada Hiiraan dhaqaalahaas geliya yaan Mogdishu idiinku arkin ee markaad dhawr maalmood joogtaanba halkaas shirar been ah ku qabta waxaana arintaas Hotel iyo Khaad joogta ah ku hela rag uu hogaaminayo.....ma dooneyno in aan tubada u socoto ka xirno oon sheegno magacyada waayo dhaqaalaha uu wasiirka amniga soo siiyey waxuu ka soo qaaday madaxweynaha waayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamud ciidamada Xooga Dalka ayaa baahan ee lacag keen hadaad tiraahdo lagama yaabo inuu dhaqaalo bixiyo hadaad tiraahdo Hiiraan iyo Sh/dhexe arintooda ayaan kaala shaqeynayaa waa mashruuca ay hada wasiirka Amniga iyo rag kaleba wax uga cunaan madaxweynaha.

Waa mida labaade wasiirka amniga waaba kan shirka Hiiraan ka socda dhaqaalaha ku bixinaya si uu u guuleysto ugu yaraan si uu u muujiyo inuu yahay shaqsi dadaalayo waa kan markii uu arkey in aysan Hiiraan iyo Jowhar is qaadan karin leh maamulka hada jiro hala bedelo, waayo wasiirka Amniga waxuu ogyahay dhawaan markii laga baxo bisha Ramadaanka in golaha wasiirada lagu sameynayo isku shaandheyn mana ka hor imaan karo mowqif ay qaateen dhamaan mudanayasha baarlamaanka ugu jira beesha uu magaceeda ku helay xilka wasiirnimada, sidaasi daraadeed waxuu hada safka hore ugu jiraa dadka doonaya in maamulka hada jira la bedelo si ugu yaraan loo helo dad xilkas ah isagu kuwa hada jooga uma arko xilkas iyo rag ugu yaraan la toos toosin karo.

Si kastaba madaxweynaha Soomaaliya waa ogyahay waxaan aan qoreyno oo dhan iney yahiin warar xaqiiqo ah waayo beeshaan reer abtiga u ah mar hadii ficiltan iyo wax aysan maleysaneyn la tuso iney isku ujeedo noqonayaan kooda saaxiibka la ah iyo kii horey ugu kacsanaa dhamaantoodna hadii ay noqoto rag iska dhicin uu dhaqaalahooda iyo fikirkoodu halmeel iskugu biyo shubanayo, tan aan hada ka hadleyno waxey iqarso noqon doontaa marka ay reer Hiiraan xaquuqda dowlada dhexe kaka maqan iyo xaqiraada ay raadiska ugu jiraan ee gobolkooda lagu sameeyey ku waayaan walaalow iyo wax la mid ah.

Yey u badan tahay in Hiiraan uu madax si kumeel gaar ah uga noqdo inta ay bulshada Hiiraan aayahooda ka tashanayaan?

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in xilkaan loo dhiibayo nin Geberal ah oo ka soo jeeda isla beesha Xawaadle dadkuna ay aad u soo dhaweyn doonaan magacaabidiisa, halka warar kale ay sheegayaan inuu wasiirka amniga wato nin aan aheyn shaqsiga loo maleynayo oo ku nool qurbaha ayna qaraabo hoose yahiin wasiirka Amniga waxaana shaqsigaas magaciisa ka soo sheegi doonaa dhawaan gadaal, walow ay wax badan hada hakiyeen warqada ay qoreen xildhibaanada Hiiraan oo iyagu ku sii jeeda magaalada Belet Weyne maalmaha inagu soo aadan taasi oo laga yaabo in aanba loo baahan in maamulka hada jira labedelo laakinse la dabagalo halka ay aado canshuurta laga qaado bulshada oo sida la tuhmayo ku dhamaato meel qaab daran.

2- Qodobka labaad ee safarkii magaalada Belet Weyne ku tagi lahaa madaxweynaha inuu dib u dhaco waxaa iyaduna lagu sheegay in uu magaalada Mogdishu ka furmayo dhawaan shir caalami ah taasina ay ugu wacan tahay baaqashada madaxweynaha ee Hiiraan walow uu booqan doono halkaas dhawaan inkasta oo aan waqtiga la shaacin weli,.

Isku soo duuboo hadii maamulka hada jira la bedelo iyo hadii kaleba reer Hiiraan guul siyaasadeed ayey ku fadhiyaan marba hadii magaca Hiiraan sidii hore u jirayo oo aysan jirin cid qasbi karta shacabka shirka ay hada u fadhiyaane guusha bilaawga ah ee hada muuqata isagaa keenay waayo waxaa soo laabtay karaamadii cuqaasha Hiiraan iyo sharaftii shacabkooda oo waatan maanta ay magaalada Belet Weyne ku wada sugan yahiin mucaarad iyo muxaafid oo ay dhaqaalaha shirka lagu socodsiinayo si wada jir ah u bixinayaan qofkastana fikirkiisa lagu ixtiraamayo iyadoo weliba hal meel Shaaha lagu wada cabo.

Waxaa taasi dheer xildhibaanada reer Hiiraan ugu jira baarlamaanka federalka ee dhawaan gaaray halkaas sida Xildhibaan Jawaahir,Shuuriye, Maclow, Amiin, Xanafi, Nuur Idow, Avv Daahir, Guure dhamaantood oo waqti kal aduwan gaareen magaalada Belet Weyne halkaas siweyn loogu soo dhaweeyo iyadoo aysan jirin cid u eegeysa qabiil iyo waxa Soomaali la haray loona arkey masuuliyiin reer Hiiraan ah oo shacabkoodii iyo mneeshii ay gogoshu tiilay soo booqday, taasi oo iyaga qudhooda sharaf u ah.

Guntii iyo Gabogabadii xaguu ku danbeeyey gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee xil qaadistiisa lagu mushquulsan yahay?


Gudoomiyaha waxuu joogaa Mogdishu waxaa howsha gobolka u wada ku xigeenkiisa Sheikh Xuseen Cismaan Cali oo ah shaqsi ay aad u wanaagsan tahay reer hiiraanimadiisa ayna aad ula dhaceen qurbajoogtii dhawaan booqday Hiiraan kuwaasi oo isku raacay in uu masuulkaan sikasta oo ay ahaataba maamulkasta oo uu Hiiraan yeesho xil uun ka qaban doono markii ay arkeen daacadnimadiisa iyo reer Hiiraanimadiisa aad ayey u amaaneen.

Go,aanka gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan waxuu ka mid yahay dadka ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan doorashada madaxtinimada Hiiraan, hadane sida laga soo xigtay wasiirka amniga gudaha waxuu magaalada Mogdishu ka degan yahay Hotel la yiraahdo.....waxaana dhaqaalaha ku baxa Gudoomiye C/fitaax bixiya wasiirka Amniga C/risaaq Cumar oo inta laga qaadayo xilka halkaas ayaa lagu heyn doonaa sida aan ka soo xiganay qaar ka mid ah howl wadeenada xafiiska wasiirka amniga walow uu fikirkaan gudoomiyaha Hiiraan iyo saraakiishaan in xilka laga qaado uu wasiirka amniga u soo jeediyey shaqsi lagu sheegay magaciisa Cali Cabdullaahi.

Isku soo duuboo reer Hiiraan......., Dhawr jeer oo hore ayaan Soomaali badankeed halkaan ugu sheegnay oon dhahnay war waxii aad doontaan sameeya xililka dhan oo qaranka inta hogaankeeda heysa hasiiso qabiiladooda laakinse reer Hiiraan waa dad fiican oo dowladnimadu ku weyn tahay ee yaan lagu qasbin wax aysan weligood ku fikirin, mar hadey kacaan wax badan oo qiyaali ah ayaa daaqada ka bixi doona, weliba go,aanka ugu danbeeya ee qurbajoogta siiba guwooda qurbaha hantida muuqata ku heysta sida Guryo iyo meherado ganacsi ee miiska u saaran hadaan waxoogaa ka taataabano,hadaan walaalow iyo hadal macaan lagu dayin oon rabitaankooda loo madax banaaneyn dad badan oo hada ay wax badan caadi la yahiin waaga ayaa ku baryi doono.

Waayo qurbajoogta dibadaha shirarka ku qabaneyso go,aan kama danbeys ah ayaa meel u yaalo , hada wajiga koowaad waa dib u heshiisiin, wajiga labaad maxaa inoo dan ah hadaanu nahay reer Hiiraan, wajiga sedaxaad hadba ficilka laga geysan doono waxey ku xiran tahay sida ay reer Hiiraan xaquuqdooda uga helaan dowlada hada jirta ee ay u harsan tahay bilooyinka kooban, iyadoo weliba waxkasta oo wanaag ah oo ay bulsho ku nool dalkooda raadisna ugu jirta sidii ay ku heli lahaayeen xaquuqdii ay ka xaqireen dowladahii wadanka soo maray ee Hiiraan qeyrkeed ka raabay, hadii wanaagaas oo weliba wado sharci ah oo ay Soomaaliweyn marqaati ka noqon doonto kuna dhisan soo jeedin watada Soomaalinimo, ixtiraam iyo isdhageysi aqoon ku dhisan wax lagu waayo maadaama ay reer Hiiranku yahiin dad ilbax ah go,aanka ugu danbeeya inagoo aan cidna u sheegin ayey malaayiin Soomaaliyeed arki doonaan waxeyna abuuri doonaan jawi suuragelinayo iney kuwo ay moodi jireen walaal amaba saaxiibo uga hortagaan shartooda halka ay kuwo ay moodi jireen shar wadayaal isla jaanqaadi doonaan.waayo dabeecada reer Hiiraan ayaaba ka sameysan walaalow ila noolaaw, i nabadgeli wadankaana aan wada difaacano waxii aan kuku leeyahayne hadaanan aniga wadanka hogaamineyn ii ogolow xaquuqda aan wadanka ku leeyahay ana iiku imaaw waxow wadanka iku leeyahay sida canshuurta iyo waxi ila mid ah, maadaama aan muwaadin wadanka u dhashay ahey ma diiday, ninba ceesaantiis ceel geysay ayaana ku hortaalo waana waxa hada ka socda Soomaaliya.

Hadaba hadii xilkaan loo magacaabo ninkaan Generalka ah 90 days gudahooda Hiiraan meesha ay hada joogto meel ka fiican kana qurux badan ayuu gaarsiin doonaa waxaana shaki badan Soomaali badan ka geli doonaa bilicda iyo horumarka deg degta ah ee ay bulshada Hiiraan ku talaabsan doonto, waayo waa nin dadka yaqaano ay ku sheegeen inuu yahay shaqsi talo keena ah talo raacna ah, halka waayadii danbe reer Hiiraan laga waayey maamuladii soo maray war dadkiina taladooda dhageysta una dhego nuglaada, xili hada canshuurta laga qaado bulshada Hiiraan loo isticmaalo arimo kale ee aan loogu qaban adeega guud sida caafimaadka, waxbarashada iyo weliba dhismaha wadooyinka.

Hiiraan waxey u muuqataa hadaan si deg deg ah aysan baarlamaanka fedralku saxin dastuurkaan ay iska soo qor qorteen reer Puntland ee aan aysan reer Hiiraan sameyntiisii aysan wax talo ah ku laheyn kana maqnaayeen laguna cadeyn xaquuqda Hiiraan oo ka mid aheyd 6dii gobol ee ugu horeysay ee ay yeeshaan koofurta Soomaaliya, hadane markii danbe ka mid aheyd 8dii gobol ee lagu dhisay Jamhuuriyadii Dimuqoraadiga Soomaaliya, ilaa xaquuqdeeda laga siiyo waxey hoos tagi doontaa dowlada dhexe mana aqoonsan doonaan wax ka badan 8dii gobol ee ay wada dhiseen wadankii loogu yeeri jiray Jamhuuriyada Somaliya hadane loogu yeeri rabo dowlada Federalka waa hadii leysku raaco,waana waxii ay reer Hiiraan raadinayeen waayo waa dhul iyo deegaan isku filan mudada labada sano ah ee uu dastuurka u ogolaanayo iney dowlada dhexe hoos tagto horumarka ay gaari doonaan reer Hiiraan xitaa hadeysan dowlada dhexe kahelin 1 dolar waa la arki doonaa kuwii doonayey iney magaca Hiiraan ee qaaligaa baabiyaane filamkoodii halkaas ayuu ku haray.

Walow warar aan la hubin oo naga soo gaaraya caasimada Soomaaliya ay sheegayaan kuwii markii hore u ololeynayey in la qaato federalka ay hada ka caga jiidayaan Hiiraane hadeyba hoos tagto dowlada dhexe waa meeshii wadanka isku xireysay hadii ay shacabka Hiiraan maqlaan qof Soomaaliya oo ku nool gobolka waqooyi Bari Kenya amaba dhulka NFD oo leh reer Hiiraan waa la dulmay kaas ayaa walaalkood ah ayna Soomaalinimo u soo dhaweynayaan waayo waxuu qofkaas ka hadlay wax xaqiiq ah . intase ay kuwa Hiiraan deriska la ah hadane wadanka iney hogaam,iyaann fursada u helay ay reer Hiiraan dulmig alagu sameeyey ka qirayaan weligood cid wax ku darsaneysa amaba xaasidnimadooda dheg u dhigeysa ma jiri doonto waana xaqiiqada iyo wadada ay reer Hiiraan hada ku taagan yahiin ayna Soomaali ku kala baranayaan.

La soco wararkeena danbe.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com



Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.18 seconds
14,667,360 unique visits