Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 1
genevievemq69

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Inta aanan warbixin kooban ka diyaarin habka ay ciidamada Jabouti uga howlgalaan Soomaaliya siiba kuwooda jooga Hiiraan oo aanu xog l ayaab leh ka soo diyaarinay tan iyo waxii ka danbeeyey markii ciidamada Jabouti ee Hiiraan jooga sargaalkii hogaaminayey ee Col Dubad la bedelay.

Inta aanan habdhaqanka iyo qaabka uu u shaqeeyo taliyaha cusub ee ciidamada Jabouti ee aaga 4aad intaanan ka so ogudbin warbixin dhameystiran hadane waxaan bal marka hore shacabka Hiiraan isku dayeynaa in aan u iftiimino wax badan oo ka socda gudaha Hiiraan oo ay yar tahay in ay dadka dhan ogaadaan siiba ciidamada Jabouti ee ku sugan halkaas.

Sidoo kale ma dooneyno in aanu ka hordhacno banaanbaxyo iyo shirar bilaaw ah oo looga soo horjeedo ciidamada Jabouti qaabkii uu taliyaha ugu sareeya ula dhaqmay mid ka mid ah masuuliyiinta Hiiraan hadane warar xaqiiqo ah ayaa sheegayo inuu socdo qaban qaabada ,banaanbaxyo waaweyn iyo dagaalo qorsheysan oo dhawaan laga yaabo in ay Hiiraan kala kulmaan ciidamada Jabouti oo ay sumcadooda aad u xumaatay waxii ka danbeeyey markii laga bedelay halkaas Gen Dubad oo dhaqan ahaan Somaali rasmiya ahaa aadne loo jeclaa, halka hada Hiiraan loo soo bedelay General Ciyaal suuq ah oo dumarka kula tunta Hotel ku yaala Xaafada Howl-Wadaag xili lagu jiro bisha Soona Qamrada halkaas ku caba, dhawaan maadama aan horey ugu qornay ciidamada Jabouti wanaag badan oo ay sameeyeen waxaan warbixin ka soo diyaarin doonaa waxyabahii keenay in u generalka Jaboutiyanka ah oo Hiiraan ku jooga magaca Amisom muwaadin reer Hiiraan ah u bahdilo inagoo bulshada u soo bandhigeyna iyo sida ay ciidamada Jabouti uga howlgalaan Hiiran maanta.

Sida aanu ku heleyno warar xaqiiqo ah waxuu sargaalkan Jaboutiyanka ah kula dagaalay gudoomiye kuxigeenka Hiiraan Sheikh Xussein Cismaan Cali, fadlan si degan ula soco habdhaqanka ciidamada Jabouti ciidan waa sargaalka xakuma hadaba siduu u dhaqmo Generalkan ayey ka turjumeysaa aqlaaqda ciidankana,hadii aad tahiin reer Hiiraan Jaboutiyaan ayaa nabad ilaalin u jooga Hiiraan filmkaas mar hore ayuu daaqada ka baxay markaan soo bandhigno warbixin dhameystiran oo aan haba yaraatee aheyn borobagando kana hadleysa ciidamada Jabouti walow abaabul dagaal oo looga soo horjeedo iyo dagaalo qorsheysan ku soo fool leeyahiin, kedib markii afkiisa laga helay inuu yiri waxan Hiiraan u imid amaba leygu soo bedelay halkaan in aan.......
Vediow-gaan Waxbo maahan marka loo eego warbixinta aan soo wadno sida ay xasasi u tahay


Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,638,191 unique visits