Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Ma dooneyno in aan dib ugu laabano qaabkii uu siyaasada Soomaaliya ku soo galay xiligii uu wasiirka Qeyraadka ahaa, C/risaaq Cumar Maxamed oo hada ku magacaaban xilka wasiirka Amniga gudaha.

Dabcan dalka Soomaaliya siduu hogaankiisa ugu guuleystay madaxweyne Xasan Sheikh waxaa jiray dhawrkii sano ee ugu horeysay rajo badan iyo yididiilo, waxaase ugu muhiimsan hadiiba bulsho amaba wadan mudo ku soo jiray colaad iyo dagaalo sokeeye aad dooneyso inaad wax ka qorto dadka markaasi xilalka ka haya waxaa ugu wanaagsan inaad bal marka hore ka bilaawdo kuwa hadba deegaanka aad ka soo jeedo kuu metela siyaasada dowlada dhexe maadaama ay shabakadan huwan tahay magaca Hiiraan wasiirka aan ka hadleynana uu ka soo jeedo Hiiraan waxaa muhiim ah si ay malaayiin Soomaaliyeed u ogaadaan dadka ay maanta kasugayaan iney wadanka samata biyaan iney bal marka hore bartaan.

Dabcan markaan ka hadleyno wasiir C/risaaq iyo siyaasada uu maanta wadanka ka hayo iyo qaabka uu ku soo galay waxaa kuu soo baxayo midabka rasmigaa ee madaxweynaha Soomaaliya iyo heerka ay siyaasada wadanka ka mareyso oo ay dad badan leeyahiin ilaahow Xasan Sheikh waqtigiisa waaba gabo gabee uusan wadanka ka tagin iyadoo ugu yaraan qeyb Ethiopia qaatatay qeybna Kenya Waanba aragnaa in derbi 10 KM gudaha gobolka Gedo soo galayo ay Kenya dhiseyso arintii Badana Soomaali badankeed laga qarinayo laakinse faraha ka baxday dhawr bilood ka hor tan iyo markii uu wasiirka arimaha dibada noqday Mr Hadliye maadaama wasiirkii wadaniga ahaa ee heesaha wadanigaa alifay siiba heestii Somaliya waa mashruuc xilkiisii uu waayey uuna la dhacay xukumadii midaan hada jirta ka horeysay.

Hadaba waa kuma wasiirka Amniga GudahaC/risaaq Cumar Maxamed, qaab noocee ah ayuuna siyaasada ku soo galay xiriir intee la eg ayaana kala dhaxeeya maamulka Hiiraan, cuqaasha Hiiraan iyo weliba xildhibaanada Hiiraan siiba kuwa ka soo jeeda beesha Xawaadle?

1- Waa marka hore C/risaaq Cumar Maxamed marka nasiibkiisa laga soo tago waxuu siyaasada ku soo galay Ilaah ka sokow nin madaxweyne Xasan Sheikh la dhashay waxuuna ka mid noqday xukumadii ugu horeysay ee uu R/wasaaraha ka ahaa Saacid Farax Shirdoon oo uu ka noqday wasiirka Kheyraadka.

Xilkii wasiirka Kheyraadka waxuu waayey markii uu xukumadii midaas ku xigtay uu R wasaare ka noqday C/weli Sheikh waxii mudadaas ka danbeeyeyna waxuu baaga muudo ku ahaa Mogdishu ilaa markii danbe hadane isla madaxweynaha walaalkiis kala hadlay mar kale oo u sheegay inuusan ninkaan wadankii uu ka yimidna haduu ku laabto shaqo ka heleyn Mogdishona uusan mushaar ka soo gelin sidaasina madaxweynaha uga dhigay amaba ugu dhiirageliyey inuu ka mid noqdo dhalinyarada faraha badan ee madaxweynaha daba oroda laakinse loogu yeero gacan yarahayaasha madaxweynaha.Dabcan hadaad maqasho gacan yarayaasha madaxweynaha magaca ayaa la qurxiyey maahane waa jaajuusiinta madaxweynaha oo kale ayey ka dhigan tahay.

2-Markii uu madaxweynaha Soomaaliya oo sanadkasta mudadii uu xilkaan hayey ku mashquulsanaa R Wasaare bed bedel waxuu hadane Mr C/risaaq ka mid noqday xukumada RW Cumar C/rashiid. nasiib wanaag markaan madaxweynaha ma dooneyn maadaama uu labo mar oo hore siiyey fursad inuu mar 3aad xil u dhiibo laakisne , hadane waxaa mar kale ku xilo furay madaxweynaha walaalkiis, waatii horey loo yiri amaba Soomaalidu ku maah maahi jirtay xiligii dowladii Kacaanka Xoolo Mareexaan waa Khaan kugu maqane, xiligii uu ardeyga ka ahaa madaxweyne Xasan Sheikh wadanka Hindiya waxaa soo gacan qabtay ninka hada ku xilo furayo in wasiirka Amniga xilkaan loo dhiibo, ma hubno hadii xilka laga qaadona in lagu xila furay iyo in kale laakinse saadaasha uu wasiir ku sii ahaan karo wasiirka Amniga waa mid aad u yar marka la eego intaan oo qodob.

a) Wasiir waxuu xukumada uu ka tirsan yahay waxna ku soo kordhin karaa waxne u dhimi karaa marka uu dadkiisa ku xiran yahay amaba hadey dowlada ku kacsan yahiin ku soo xiri karo hayeeshee reer Hiiraan ayaaba ah dad iska dowlad jecel maahane hadane wasiirka Amniga ma jirto wax siyaasad ah amaba xiriir ah oo kala dhaxeysa deegaanka uu ka soo jeedo iyo shacabka halkaas ku nool.

b) Inkasta oo uu siyaasada ku cusub yahay waxuu dhawaan ku fashilmay qorshe uu doonayey inuu ku bedelo maamulka Hiiraan ee hada jira iyo sidii uu wasiirka Amaanka iyo R wasaaraha uga horkeeni lahaa shacabka Hiiraan walow ay shaqeyn weysay arintii uu ku doonayey inuu iskaka horkeeno wasiirka arimaha gudaha Mr Odowaa iyo shacabka Hiiraan, kedib markii uu wasiirka Amniga C/risaaq talo ku soo jeediyey in uu wasiirka arimaha gudaha ka qudbeeyo Radio Mogdishu uuna ka sheego in Hiiraan iyo Jowhar leysku darayo shirkana uu ka furmayo Bishii Jun ee la soo dhaafay horaanteedii magaalada Jowhar, kedibna maxaa dhacay amaba loogu jawaabya madaxweynaha iyo wasiir Amniga.

Wasiirka Arimaha gudaha waxuu ugu jawaabay mr C/risaaq Cumar oo ka soo jeedo Hiiraan" Adeer bulshada Hiiraan waxey shir u fadhiyaan magaalada Belet Weyne dowlada dhexena dhaqaalaha shirka iyadu ma bixiso waa dad tashadeen oo iyagii dhaqaalahooda la baxayo waxeyna raadinayaan waxa ay beesha aan ka dhashay iyo deegaanka aan ka soo jeedo shacabkooda raadinayaan, hadii aysan dowlada shirkaas ku taageereyn dhaqaalo waxaan u arkaa in dadkaas oo horey loogu soo dulmiyey dowladahii naga horeeyey in hadane uu dulmi kale horseed u noqon doono madaxweyne Xasan Sheikh , halka C/risaaqne uu ugu jawaabay war nin yahow xilkaan wasiirnimada weligaa ma heyn doontide dadkaada ha iska xumeyn".

Kedibna waxuu wasiirka arimaha gudaha waxuu madaxweynaha si cad ugu sheegay inuu isaguba Micarophone intuu qaato uu isagu afkiisa ka dhaho wuuna jeex jeexay warqad markaas ka timid xafiisk amadaxweynaha sida aanu ku heleynio warar sugan. kedibna maxaa dhacay madaxweynaha waxuu wasiirka arimaha gudaha ugu hanjabay inuu xilka ka qaadi doono kana mid noqon doono wasiiro 5 ah oo uu madaxweyaha sheegay in iyagoo qoran uu u gudbin doonto inuu xilka ka qaado R wasaaraha sharuud la,aan kaliya inta uu madaxweynaha doonayo in xilka laga qaado, wasiirka arimaha gudaha oo og inuusan xilkaas sii heyn doonin waxuu awoodiisa iskugu geeyey sidii ay shacabka gobolada dhexe u yeelan lahaayeen maamul Goboleed hada madaxweynahii hogaamin lahaa maalinta berito ah la dooranayo, halka wasiirka amniga shirkii labada Bilood ka socday gobolkii uu ka soo jeeday ee Hiiraan isagoo hal maalin xitaa taageerin marka laga reebo dhaqaalo uu weliba yiri yaan ley sheegin inuu ku taageeray safarkii uu dhawaan ku tagayna ay sabab u ahaayeen dumarka Hiiraan ee qurbaha waxii ay ku wada hadleena hada mediyaha kuma soo qoreyno, hayeeshee meel aan nin rag ah laga taaban ayey ka taabteen deg deg ayuuna Hiiraan ku tagay isagoo soo joogay 1 saac mudo lagu qiyaasay.

c) Markii lagu fashilmay arintii wasiirka arimaha gudaha ayaa hadane waxuu wasiirka amniga Mr C/risaaq ku taliyey in dhamaanba meesha laga saaro maamulka Gobolka Hiiraan siiba gudoomiyaha iyo dhawr qof oo maamulka ka mid ah.
Arintaas wey u socon weysay waxaana in maamulkaas la bedelo ka awood batay kedib markii ay warqad ay soo saareen xildhibaanada beesha Xawaadle sidey u dhan yahiin ku sheegeen in arinta Hiiraan dastuurka u ogol yahay in ay dowlada dhexe hoos tagaan wasiirka Amnigana habeenkaas ay warqadaas soo baxday hurdo iyo hoyaad wuu ka tagay waayo xili ay Soomaaliweyn u qumayaan sameysashada maamul goboleed inuu bulshada gudoomiye gobol ku sii celiyo bulshada Hiiraan ayaan u deynay inuu wasiirkaan siyaasi yahay iyo in kale amaba siyaasada u galay kaliya sidii uu ilmaha ugu korsan lahaa ee uusan u gelin taariikh fiican ka tag.

Ugu danbeyn arintii in maamulka gobolka la bedelona sidaas ayey kaka fashilantay waxuuna hada mar kale keenay fikrad ah amaba madaxweynaha ka dhaadhiciyey sidii R Wasaaraha Soomaaliya loogu qasbi lahaa inuu fuliyo go,aankii uu diiday wasiirka arimaha gudaha si markaas leyskaka horkeeno ugu yaraan Xildhibaanada Hiiraan iyo R Wasaaraha.

Arinta kale ee iyaduna aad cajiibka u ah wasiirka Amniga intii aysan warqada ay sida wada jirkaa u soo saareen xildhibaanada Beesha Xawaadle aysan soo bixin waxuu isku arkey in aan marnaba inta uu madaxweynaha Soomaaliya joogo aan xilka laga qaadi karin, hadase arintaas meesha wey ka baxday waxuu ogaaday in uusan madaxweynaha iyo R wasaaraha isagu codna siin karin codna u diidi karin laakinse 8 Xildhibaan oo beesha Xawaadle ka soo jeeda golaha shacabkana ku leh xildhibaano badan oo Soomaaliyeed oo ay saaxiibo yahiin waxuu ogaaday in ay adag tahay haduusan iyagaas ka helin taageero amaba kaliya R wasaaraha yiraahdo waxaad ii keentaa xildhibaanada beeshaada ka soo jeeda inuu halkaas xilka ku waaynayo waayo ma jirto caalamka R wasaare golahiisa wasiirada ku heynayo wasiir aan taageero ka heysan mudanayaasha ka soo jeedo deegaanka uu xilka wasiirka ku helay.

Wararka aan caawa ka heleyno dad aad uga ag dhaw wasiirka amniga waxey sheegayaan inuusan rajo badan kaqabin inuu sii ahaado wasiir oo hadiiba ay dhacdo inba la sameeyo isku shaandheyn waxuu qiray in uusan R wasaarahu sameyn doonin oo kaliya xil ka qaadis sida uu madaxweynaha doonayo,waxaana laga yaabaa in xilka uu ku magacaaban yahay wasiirka Amniga hadeyba dhacdo in qof cusub loo magacaabo iney u badan tahay shaqsi hada ka shaqeeya xafiiska R wasaaraha Soomaaliya oo ka soo jeeda Hiiraan, sidaasina ku lumin doono madaxweynaha wasiirkii Amniga ee uu isku haleynayey.

Laakinse waxey u badan tahay inba ay dhamaan daaqada ka baxaan golaha wasiirada hada jira, sidaasina R wasaarahu ku soo dhiso xukumad u badan wasiiro isaga taageersan golaha baarlamaankana si sahlan u ansaxin karaan maadaama ay hada jiraan tiro ka mid ah golaha shacabka oo mooshin hoose ka wada madaxweynaha kuwaasi oo ay maalmahii tagay hormood u ahaayeen xildhibaanada Hiiraan ka soo jeeda, halka warar kalena ay sheegayaan iney ku soo biireen xildhibaano ka soo jeedo Puntland oo xoojiyey mooshinka Xasan Sheikh ka yaalo.

Sida la saadaalinayo Oneway or another madaxweyne Xasan Sheikh oo ay dhawaan shacbaka Puntland Wejiga ka kabeeyeen isageyba tiisa heysataa waxuuna soo istaagi doonaa meel cidlo ah doorasho la doorto sanadka danbe iska daaye sidey wax u socdaan si qaab daran ayuu siyaasada Soomaaliya uga bixi doonaa.

Waxaa taasi ka sii daran wasiirka Amniga inta badan marka ay Mogdishu qaraxyada ka dhacayaan waxuu iska ciyaaraa Play Station Game maadaama uu isku haleynayo madaxweynaha oo uu iska dhaadhiciyey inuuba ka awood badan yahay R wasaaraha, nasiib wanaag waxaa xiligii xukumadahii tan ka horeeyey jireen sidan oo kale iskaka dhaadhiciyey binuu R wasaarah aka awood badan yahay Faarax Cabdulqaadir oo ahaa wasiirkii Cadaalada, hadane waxaa fikirkaas qabo wasiirka Amniga iyo Xeer Ilaaliyaha qaranka dowladey xaal qaado.

La soco qeybteena labaad iyo sida uu wasiirka Amniga u doonayo sidii uu ula kulmi lahaa xildhibaanada beesha uu ka soo jeedo inta aan la gaarin hadiiba ay dhacdo in la sameeyo isku shaandheyn.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,589,132 unique visits