Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Dal haduusan hogaamiye wadani ah amaba dowlad ilaalisa xaquuqda shacabka iyo madaxbanaanida wadankaas waxaa luma karaamada bulshada ku nool wadankaas siiba waxey dhibta ugu daran soo gaartaa dumarka, caruurta iyo waayeelka.

Hadaba bal waxaan isku dayi doonaa xaqiiqada maanta ka jira Gobolka Gedo iyo sida ay dowalada Ethiopia saraakiisha ka jooga gudaha Soomaaliya ugu ciyaarayaan mustaqbalka iyo rajadii dowladnimo umada Soomaaliyeed.Hadaba hadii aad tahay muwaadin Soomaaliyeed meeshaad doonto ugu noolaaw wadanka laakinse warbixinta aan ka soo diyaarinay gobolka Gedo waa mida inta abdanm dalka Soomaaliya ka jira laga soo bilaabo gobolada Waqooyi ilaa kuwa Koofureed gees ka gees.

Inaksta oo aan mid mid ugu hadli doono xaaalda guud ee uu wadankeena ku sugan yahay hadane bal aan dulmarno waxa maanta ka socda gobolka Gedo oo ay dowlada Ethiopia sheegtay iey duulaan ku tahay magaalada Baardheere.
waxaan aad uga xunahay in aan dhaleeceyno dowlada iyo ciidamada Ethiopia inta ay wiil Soomaaliyeed watato hayeeshee bal si degan u aqri qormadaan iyo xaqiiqada ka jirta gobolka Gedo.

1- Waxaa in mudo ah xaduuda ay dowlada Ethiopia la wadaagto dalka Somaliya gaar ahaan degmada Doolow ka jiray isbuucyadii tagay dhaqdhaqaaqo aysan Soomalaidu wax shaqo ah ku laheyn hayeeshee ah mid ka yimid dowalada Ethiopia oo uu qorshaheedu yahay sidii ay dhamaan koofurta Soomaaliya ula wareegi laheyd inta aan la gaarin doorashada 2016 ka ayaa waxey magaalada Doolow isku keentay ilaa 5 qof oo dhamaantood ka soo jeeda beesha Sade mareexaan oo uu midkasta sheeganayo in ay Ethiopia u qabaneyso magaalada Baardheere waxaana kooxahaas ka mid ah.

1- Gudoomiyaha gobolka Gedo ninka lagu magacaabo Maxamed Cabdi Kaliil 2- Maxamud Sayid Aden oo isagu sida la sheegay ku fikir ah maamulka Koofur Galbeed ee ay xaruntiisu tahay magaalada Baydhabo.3- Madaxweyne kuxigeenka Jubaland Fartaag oo isaguna aaminsan inuu maamulkiisu ka taliyo 3da gobol ee kala ah J/dhexe, Gedo iyo J/hoose.4-Nin magacioisa lagu sheegay Awlibaax 5- Nin kale oo isaguna hada ku sugan magaalada Baardheere laakinse aan tegin Doolow laakisne dowlada Ethiopia u qaabilsan arimaha Shabaab ee gobolka Gedo gacan saarne la leh dowlada Ethiopia laakinse ka tirsan kooxda Shabaab.

2- Waa qodobka labaade dhamaan ragaan marka laga soo tago iney ka soo jeedaan hal qabiil oo beelah aSoomaaliyeed ka mid ah , hadane dhamaantood ma jirto koox rasmi ahaan dowlada Ethiopia aaminsan tahay iney metelaan shacabka goibolka Gedo, waxaana arintaas sabab u ah.

Tusaale.

Bal u fiirso dhamaan ragaan xitaa marka lagu daro kuwa sheeganayo maamulka Jubaland waxey Ethiopia magaalda baardheere u qabaneysaa iyagoo kala socda si ay kooxkasta u qabsato xaafad ka mid ah magaalada Baardheere waayo hadey dowlada Ethiopia daacad ka tahay arintaan waxey taageeri laheyd mid ka mid ah ragaan ugu yaraan xitaa hadii laga hadlayo in Ethiopia ay dalka Soomaaliya ku joogto maagca Amisom iyo ogolaansho dowlada federaqlka ah waxey magaalada Baaedheere u qaban laheyd ninka sheeganayo inuu yahay gudoomiyaha gobolka Gedo Kaliil, laakinse dhibaatada wadankeena ka jirta waa in aysan dowlada Ethiopia aaminsaneyn dowlada federalka iyo madaxweynaha sheeganay inuu Soomaaliya ka yahay hogaamiye Xasan Sheikh.

Sidoo kale ma aaminsana wax la yiraahdo maamulka Jubaland oo ma dooneyso dowlada Ethiopia in ay maamulkaas isku balaariyaan meel ka baxsan Jubada Hoose waana heshiis hoose oo ka dhaxeeya dowladaha Kenya iyo Ethiopia in aysan ciidamada Kenya soo dhaafin meel ka baxsan magaalada Ksimaayo maadaama ay ujeedadoodu aheyd dekeda Ksimaayo iney qabsadaan.

Sidoo kale dowlada Ethiopia maba aaminsana ninka la yiraahdo Awlibaax meel uu dalka Soomaaliya ka taliyo iyo cida uu wakiil ka yahay sidaasi ay tahay waxey u watataa uun sidii ay ugu tusinlaheyd kuwa kale in ay isagaas la mid yahiin.

Sidoo kale dowlada Ethiopia marka ay duulaanka ku qaadeyso magaalada Baarhdeere markii ay u jirsato ilaa 3 KM waxaa dhamaaan ka baxayo kooxda Shabaab ee magaalada heysata oo waxaa u jooga shgaaqsiyaad Shabaab ka tirsan oo iyada u jooga halkaas.

Layaabka ugu weyn waa in aysan jirin koox ku socota magaca ciidamada dowlada Soomaaliya hadii aad dooneyso in aad arintaas xaqiiqsato baarinatan ku sameeya hadii aad tahiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo doonaya iney ogaadaan waxa dalkooda ka socda.

Xasan Sheikh iyo masuuliyiinta Villa Soomaaliya joogta godob xoogan ayey ka galeen shacbaka Soomaaliyeed maadaama aysan umadana ka hor leexaneyn aysana ugu yaraan xakameyn karin ciidamadan shisheeye iyo dowladahan deriskaa ee wadankeena halaaga ku wada.

Bal waxaad isweydiisaa maxaa dhamaan ragaan aan kor ku soo sheegnay looga waayey iney isku tanaasulaan oo ay Ethiopianka ku dhahaan ama gobolka Gedo maamulka Juba u qabta amaba dowlada Federalka taageera halkii ay 5 nin oo isku qabiil ah oo uu midkasta doonayo inuu marka magaalda la galo xaafad kamid ah Baardheere mediyaha intuu soo waco iska dhigi lahaa iney iyagu heystaan oo shacbaka loo jahwareerinayaa?

Waxaa taasi ka sii daran Xasan Sheikh iyo kuwa Mogdishu jooga waxey ka hadlayaan nidaam federal ah iyo maamul goboleedyo iyo hadal aan Mogdishu dhaafsiisneyn ilaa ay shacabka ku nool inta u dhaxeyso Laawyacado ilaa Raaskaambooni qofkasta oo hadla halkii uu ka dhihi lahaa dowladeen ka yiraahdo dowlada Mogdishu, ereyga ah in loogu yeero dowlada federalka dowlada Mogdishu so ma ahan mid gar ah maadaama aysanba ka warheyn nolosha dhabta ah ee shacabkaas oo ay ku kooban tahay Mogdishu oo kaliya.

Waxaad arkeysaa iyagoo shir jaraaid Mogdishu ku qabanayo oo leh gobol hebel waa sidaa iyo sidaas ayaan yeeleynaa Bal waayaabe dowladnimadu ma magaca oo kaliya in laga sheegtobaa?

Bal u fiirso marka laga soo tago gobolka Gedo waxey gogol naabdeed taalaa Hiiraan gaar ahaan magaalada Belet Weyne mudo labo bilood ah ilaa ahda wax taageero ah oo dhinaca dowalda ah ma jirot marka laga reebo in idaacadaha kaliya laga yiraahdo waxaan maamul u sameyneynaa amaba isku dareynaa Hiiraan iyo gobol hebel.

Hadaba ninka amaba dowlada gogol nabadeed oo ay dad Soomaaliyeed ku wada hadlayaan dhaqaalo ku taageeri weysay amaba madaxweyne ay shaqadiisu noqotay halkii uu shirarka noocaan ah dhiiragelin lahaa taasi bedelkeeda ciidamadii dowlada ee ay Soomaali ku faani jireen ee loogu yeeri jiray Aarkii Africa maanta mushaar u waayey wax kale oo laga sugi lahaa iyadaanba jirine, maxaa shacbaka Soomaaliyeed u dan ah?

Jawaabta waayaha iyo waqtiga ayaa ka jawaabi doono.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,633,348 unique visits