Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Warar xaqiiqada u dhaw oo aanu ka heleyno saacadahii ugu danbeyey ayaa sheegaya in uu madaxweynaha Somaliya hada siyaasada u yahay kaligii kedib markii ay shirar hoose yeehseen ragii uu ku tiirsanaa ee intooda badan suuro geliyey inuu xilkaan ku guuleysto.

Sida aanu xogtaan ku heleyno leyslama gaari dono mooshinka baarlamaanka waxeyna doonayaan iney fursad uu madaxweynaha isku garto siiyaan marka hore ooay ogaadaan talaabada uu doonayo inuu mooshinkaan kaka hortago, kedibna hadii ay arkaan inuu weli xukunka isku dhejinayo u sheegaan iney iyagu la quman tahay inuu si sharaf leh isku casilo.

Warku waxuu intaas ku darayaa in ay istusiyeen inta badan raga ugu firfircoon ururka uu ka tirsan yahay madaxweynaha inuu mabaadiida ururku ka weyn yahay shaqsi sidaasi daraadeed Somaliweyn iyo caalamka oo kooxda madaxweynaha ku dhaleeceeyaan iney labo r/wasaare ku rideen dhaqaalo loogu qaban karay shacabka Somaliyeed wax badan in aysan hada u muuqan iney laaluush ku difaacaan madaxweynaha si uu xafiiska u sii hayo maadaam xili aad xasaasi ah lagu soo aadiyey mooshinkaan uuna wax badan ka duwan yahay kuwii lagu ridi jiray R/wasaarahaashii wadanka soo maray,maadaam ay hada fudud tahay inuu madaxweynaha baxo sidaasina ay howsha u sii wadaan golaha shacabka sii kumeel gaar ahne hogaanka wadanka u sii heyn doono gudoomiyaha baarlamaanka Somaliya Prof Jawaari.

Laakisne tiro yar ooka tirsan kooxda madaxweynaha oo ururka markiiuu guuleystay kedib ku soo biiray welina aan si fiican u qoyin waxey qabaan in dagaal iyo dhaqaalo intaba la isticmaalo oo shirqooolo lagu qaarajinayo xildhibanada iyogudoonka baarlamaanka laga shaqeeyo iyadoo mark ahowlahaas la fulinayo intooda badan lagu shirqoolayo madaxweynaha ayaa doonaya inuu idiin la hadlo, fikirkaasi oo ah mid aad u qaldan marnaba aan ka turjumeyn maslaxada umada Somaliyeed iyo bad baado qarantoona.

Sidoo kale marka lag alaga soo tago go,aanka dhawaan ay qaateen inta badan saaxiibada madaxweynaha ee ay xalka ugu arkaan inuu iscasilo waxey weli fursad u tahay xisbiga madaxweynaha maadaama ay qof cusub soo sharaxan karaan doorashada soo socota hadiise uu xilka si qaabdaran uga dago madaxweynaha waxey ku qasbanaan doonaan iney magaca ururka maalin cad ka kala cararaan iyag adhaxdooda iskaba daa shacbaka Somaliyeede.

Maskaxda caafimaadka qabto waxeysheegeysaa inuu madaxweynaha iscasilo siweliba sharaf leh shacabkii markii markii la doortay heesaha wadanigaa, baraanburka, gabayada, iyo caleemaha qoyan ku soodhaweyeyna uuhortooda inta raganimo sameeyooo qiro waxyaabahii ku fashilmay sidaas istiqaaladiisa ugu gudbiyo gudoonka baarlamaanka waayo xogta aanu heyno iska daa inuu laaluush isku difaacee nasiib ayuu leeyahay hadeysan maxkamadeyn dowlada dhalan doonto waxii ka danbeeya 2016.

Isku soo duuboo madaxweynaha Somaliya oo tan iyo markii ay shacabka Puntland banaanabax ay ku dhigeen magaalada Garoowe wejigana kab ugu qaraaceen wacad ku maray inta waqtigiis aka haray inuu Puntland iyoshacabkooda gaarsiin doono meel aysan ka soo waaqsan calashaa Burburiyo,Ilaahey waa caadile maanta isagey heysataa waayo waxani waa aduunyo shaley ninkii wax heysta ayaa maanta waayi karo Xasan Sheikhne wanaag uguma harin Somaliweyn oo maanta xitaa qabiilka hoose ee uu ka dhashay ayaa og inuu wadanka horumarkiis aku ciyaaray dib u dhac aan marnaba la filaneyna geliyey taasina waxaa ugu wacan amaba ay ka mid tahay heerka aygarsiisan tahay kooxo diimeedyada sanadahii tagay wadanka hogaaminayey oo iyag akaliya iney noolaadaan maahan aysan umuuqan dal iyo dad taas ayaan keenay in ay maanta dal iyodibad soo dhaweeyaan shacabka Soomaaliyeed oo aanu siyaabo kala duwan ula xiriirnay 24 kii saac ee ugu danbeysay mooshinka madaxweynaha waanu waaynay qof leh yaanmadaxweyaha xilka laga qadin iyo mooshinka dib haloo dhigo, waxeyna weliba dadka badankiis ku faraxsanaan lahaayeen inta uusan madaxweynaha fursad u helin inuu hanti badan ka aruursado wadanka banka dhexena dhaqalaha yaalo kala bixin inb amooshinkiisa la boobsiiyo.

La soco wararkeena danbe iyo halka ay ku soo afjarantay siyaasadii madaxweynaha Somaliya Xasan Sheikh Maxamud oo hada lee dareemay xanuunka ay leetahay xilk aqaadista iyo mooshinada laga keeno masuuliyiinta qaranka siib aR/wasaarayaashii ugu danbeeyey ee wadanka soo maray mudadii uu xilkaan hayey oo shaqada loog aceyriyey si qeyrulmasuulnimo ah,golah ashacabkana sharaf ayey u tahay in ay ugu danbeyn xilka ka qadaan madaxweynaha ugu hadalka macaanaa ee wadanka soo mara ,laakisne ugu qiyaanada badnaa ee wadanka laharay Xasan Sheikh Maxamud Gulusow.

Arinta kale ee u baahan ineydad badan fahmaan waa in ay mooshinkaan doonayaan dadka ugu dhaw dhianca siyaasada siiba saaxiibada madaxweynaha Somaliya inta aanba loo gudbin kuwa maamul goboleedyada iyo musharaxiinta u tartameysa doorashada soo socota.

Maxaase dhicikara hadii madaxweynaha inta xeelado kaladuwan isticmaalo uu ka bad baadomooshinkaan?

Madaxweynaah waxaa ka go,an haduumooshinkaan ka bad baado inuu xilkaan heyn doono ugu yaraan ilaa 2017 amab augu badnaan 2018 mooshinkaan ayaana meesh asoogalay mahane qorshahiisa bilaaw iyo dhamaad hadey noqon laheyd ciidamo beeleed amab adhaqalao wuu u diyaar garoobay waxuuna dhawaan isku magacaabay taliyaha guud ee ciidamada Somaliya.

Maxaa dhici kara hadii mooshinkaan golah ashacabka ka yaalo uu meel maro?

Faa'idada ugu weyn waxaa helaya shacabka Somaliyeed ooka bad baadayo dagaalo sokeeye.sidookale waxaa waqtigaba h adheeraadee dib lo sixi karaa qaladaadka muuqada iyodib u dhaca baahsan ee wadanka ku dhacay. waxaa fursad loo heli karaa 2016 in uu wadanku yeesho hogaamiye wadani ah oo Somaliweyn isma necba ismana dagaalsan kaliya waxey doonayaan good Leadership iyag amideeya cadowga dibadana ka celiya Biyo Nadiif ah, waxbarsho bilashaah, iyo dhismaha adeega guud in looqabto kaliya doonaya shaqsigaasne Somali waa ku jiraa waxey ku xiran tahay Ilaahey oo iswaafajiya calafka hogaamiyaasha iyo baahida loo qabo in ay xiligeeda ku sooaado.

Hadab ahadii aad tahay muwaadin Somaliyeed oo doonaya inuu isbedel dhab la yimaado iska xaadiri caasimada Somaliya amaba degaankii aad ka soojeeday madaxweynaha hada jira Is casilaad ama mooshin baarlaman ayuuku baxayaa dhawaan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,613,856 unique visits