Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Dad badan ayaa laga yaabaa iney la yabaan in aanu si horudhac ah ula talino madaxweynaha cusub ee mustaqbalka bedeli doona midka uu hada mooshinka ka yaalo oo ay mudanayaasha baarlamanka iyo beesha caalamku aadka ugu dhegen yahiin Xasan Sheikh Maxamud.

Hadaba cidii qiyaali ku taageeri laheyd iyo qofkii qabiil ku taageeri lahaa madaxweyne Xasan Sheikh si uu kursigaan meertadaa ee Somaliweyn oo dhan ka dhaxeeya iskugu sii dhejin lahaa waa meesheeda, hayeeshee hadii aan markasto madaxweynaha xaaladiisa siyaasadeed wax ka qorno waxaa nala moodayaa in aanu isaga shaqsiyan mucaarad ku nahay sidii ay horeyba ugu moodeen in aanu si shaqsi ah ugu soo horjeednay labadii R/wasaare ee xilka laga qaaday Saacid iyo C/weli oo aanu xiligaas inagoo ka duuleyno siyaasadahii caalamka ka jiray aanu bulshada u soo bandhignay shacabka Soomaaliyeed xiligaasina ay golaha shacabka u sahlaneyd in ay meesha ka baxaan R/wasaarayaasha ayna muhiim aheyd in madaxweynaha xukunka lagu ilaaliyo maadaama waqtigaasi ay golaha shacabka iyo Somali badankeed hamigoodu ka weynaa R/wasaare baxayo oo ay ku dadaalayeen sidii wadanka ay doorasho cod iyo qof ah uga dhacdo.

nasiib wanaag 4 sano kedib maanta waxuu madaxweynahii dartiis loo riday labo xukumad la soo fadhiistay doorasho ma dhici karto waqti ay xeero iyo faldhaan kala dhaceen. hayeeshee tan iyo markii uu mooshinkaan xaqa ah ee xaqiiqada wadanka ka jirta ka turjumayo uu banaanka u soo baxay cidii rumeysan laheyd iyo cidii calool adeyg muujin laheydba madaxweynaha Soomaaliya waxaa la soo gaaray waqtigii uu bixi lahaa Somalina wey ka dhegersan tahay inuusan heysan lataliyaal dalka iyo dadka u naxayo xitaa hadii mar kale fursad la siiyo oo siyaasadiisu ma dhaafsiisna dano xoogeed hadii wadanka loo naxayo last minute doorasho ma dhaceyso meel fagaaro ah lagama yiraahdeen oo waxey kula talin lahaayeen inuu iscasilo maadaama uu ku fashilmay dhamaan 10 kii qodob ee uu dowladiisa uga dhigay tiirarka ugu muhiimsan ayna ugu muhiinsaneyd doorasho xor ah iney wadanka ka dhacdo mana dhicin taas.

Hadaba waxaan si horudhac ah kula talineynaa musharaxiinta inta aysan doorashada madaxweynahinada Soomaaliya gelin bal in ay iska soo dhisaan dhinaca gudi gaar ah oo waxkasta kala taliya taladooduna ka turjumeyso hadba marxalada markaasi lagu jiro iyo danta caamka ah ee umada Soomaaliyeed, waayo waxaan ognahay oo marqaati ma doonto ah inta goobood amaba magaalo oo ay madaxweynaha iyo saaxiibadiisa gaar ah amaba kooxdiisa colaad iyo dagaalo la siyaasadeeyey ka fuliyeen oo aanu xogtooda heyno waxey mudnaan lahaayeen iska daa xil laga qadee in la soo maxkamadeeyo waayo halkii ay wadanka bad baadin lahaayeen waxey gacmaha la galeen dhiig.

Dad badana dhawaan wey arki donaan habdhaqanka madaxweynaha iyo kooxdiisa oo inta wadanka ka saaraan caruurtooda iyo xaasaskooda caasimada Somaliya masuuliyinta ka soo horjeeda siyaasadooda ku bartilmaameedsan doono xitaa aqli ay ku tanaasulaan oo ay dhaqaalahii ay wadanka ka dhaceen ugu raaxeystaan ma yaqaanan waxaana intooda badan ku dhici doono waxii ku dhacay Generalkii wadanka Chile oo ku yaala South America ku dhacay ninkii lagu magacaabi jiray General Binojef oo xili uu dhawaan wadankaas marti gelinayey ciyaarahii koobka America garoonkii ay ka dhaceysay ciyaarta Finalka lagu sheegay in ay xukumadii xiligaasi jirtay halkii lagu ciyaari lahaa kubad u aheyd xabsi dadka lagu xareeyo ugu danbeyna isagoo dhintay weli xumaantiisa laga sheekeeyo.

Xumaani ma harto wanaagna ka sii daran marka ugu yaraan raga iyo dumarka doorashada soo socota isku soo taagi doono bal adigoo kaligaa ah Somali ha soo hor istaagin ee dhinaca talada quburo kaa shaafisa oo qaladkaada deg deg kuugu sheegi kara sameyso hadii kale ina Culusow oo bulshadii af macaan eber ugu dhigay, laakinse sidow u hadlaa iyo ficiladiisa ay kaaf iyo kala dheer aheyd ha noqonina.

Sidoo kale musharaxiinta waa muhiim iney talada wadanka intey dib ugu laabtaan la toos toosiyaan gudoonka baarlamaanka hada jira iyagoow awooda wadanka dhawrka bilood ee inagu soo aadan gacanta u geli doonaa waxii mooshinkaan madaxweynaha lagu ridayo ka danbeeya, si kumeel gaar ahne wxaa mudo cayiman wadanka u hogaamin doono Prof Jawaari haduu sharta madaxweynaha iyo kooxdiisa oo aan waxbo dhowraneyn ka bad baado.

Meel ka sahlan in madaxweyahan xilka laga qaado kedibna baarlamaanka hada jira koleyto waa hayadda kaliya ee sharcigaa ee xukumadana ansaxisay madaxweynaha ay hada xilka ka qaadaysana soo dooratay doorasho halkaas ayey ka dhaw tahay caalamkana arintaas kama qarsoona maamulada goboladuna wey ogyahiin in aan si kale Xasan Sheikh kursiga looga qaadi karin mooshin maahane waayo waa Millionare hanti badan heysta si sahlana qalalaaso uga abuuri kara caasimada Somaliya isagoo kaar qabiil isticmaalayo inkastoo haduu filamkaas la yimaado ay uun sii fogeyn doonto mustaqbalkiisa siyaasadeed oo god dheer ku sii dhaca, waayo hada weli ceymo ayuu leeyahay haduu sii sharaf leh isku casilo meesha ay Soomaalidu hada ugu yeerayaan Xasan Qoslaaye ugu yaraan magaca ugu xun ee ay ugu yeeri karaan waa Xasan Aboor iyo wax la mid ah,maadaama ay shacabkii waxii cawimaad uu Turkigu Soomaaliya keenay ay maanta gaajo ka joogaan.

La soco wararkeena danbe iyo doorashada madaxtinimada Somaliya oo dhawaan uu ololaheedu ka bilaabmayo dal iyo dibad.

ISha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.22 seconds
14,569,518 unique visits