Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Wararka naga soo gaaraya abaabulka xoogan ee ay ku doonayaan mudanayaasha baarlamaanka federalka Somaliya in ay xilka ug aqaadaan madaxweynaha Somaliya Xasan Sheikh Maxamud oo nasiib u yeeshay inuu bulshada hogaamiyo mudo 4 sano ah oo ugu danbeyn waxii laga filayey iyo wax u dhaw aan wdanka gaarsiin marka laga reebo dibu dhac xoogan iyo waqti badan oo shacabka ka lumay maahane.

Hadaba tan iyo markii ay soo baxeen in madaxweynaha Somaliya ay xilka ka qaadayaan golaha shacabka waxaa jiray dareen culus oo miisaankiisa leh siweyna dal iyo dibad looga dareemay madaama mooshinkaan uu yahay midkii ugu miisaan cuslaa ee waayadan soo maray dalka Somaliya wax badana ka duwan kuwii aanu arki jirnay ee xilalka looga qaadi jiray hadba r/wasaarahii uu codsado madaxweyne Xasan Sheikh oo ay meesha u aheyd maqaaxi uu isagu leeyahay waxii ka horeeyey mooshinka hada ka yaalo.

Wararkii ugu danbeyey iyo qaabka uu madaxweynaha Somaliya xilkiisa ku weynayo amaba mudanayaasha baarlamaanka codka kalsoonida ugala noqonayaan waa labo qodob oo kaliya, xitaa mid 3aad kuma jiro.

1- Mudanayaasha baarlamaanka ayaa xilka madaxweynaha uga qaadayo qaab la mid ah sidii ay xiligii ay dowladii kumeel gaarka aheyd ee ku sugneyd magaalada Baydhabo R/wasaarahii xiligaasi jiray oo uu mooshin ka yiilay mudanayaal kor u dhaafayo 200 u sheegeen iney ka difaacayaan mooshinkaan kaliya si ay dhaqaalo uga helaan laakinse ujeedadoodu waxey uun aheyn in ay ridaan iyagoo dhaqaalo xoogan ka helay ugu danbeyna dadkii ugu horeyey ee codka kalsoonida kala laabtay waxey noqdeen mudanayaashii lahaa waanu kaa difaaceynaa mooshinka, xiligaasi oo uu madaxweynaha hada jira uu ka mid ahaa shacabka Soomaaliyeed,mudo dhawr sano ah kedib maanta oo la marayo 2015 tiradii ugu badneyd ee ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka oo 24 kii saac ee ugu danbeysay siyaabo kala duwan ku wada xariirayey waxey isla garteen in uusan madaxweynahan istaahilin in xilka laga qaado isagoo sidan ah waxuuna madaxweynaha maalmaha soo socda mediyaha ku arki doonaa amaba ka maqli doonaa mudanayaal badan oo aan caadi aheyn oo leh mooshinka waqtigiisa lama joogo si ay dhaqaalo xoogan uga helaan iyagoo u sheegaya iney mooshinkaan ka difaaci doonaan, laakinse sida aan xogta rasmigaa ku heyno tiradii madaxweynaha Soomaaliya xilka ka qaadi laheyd iyagoo weliba Somaliweyn oo dhan beelahooda ka kooban waa diyaar waxii iska warsuuq ah iyo rag iska dhicin amaba urur diimeedyo xukunka iney ku sii nagaadaan doonaya waa gooynideeda, waxaan ka hadleyno waa xaqiiqada caasimada Somaliya taalo maanta caalamkana wey la socdaan in uu madaxweynaha Somaliya dhawaan xafiiska baneynayo hadii uu wadanka u daneyn lahaa oo uu si tartiib ah u bixi lahaa si waxii ka qaldamay u saxaan dowlada midaan ku xigta iyo hadii uu bilaha inagu aadan si uu u helo fursad uu wadanka waxii dhaqaalo ka yaalo ugala baxo maalinba siyaasado hor leh keeno si uu waqtiga u dheereysto waxaan ka hadleyno waa Facts not wararka fadhi ku dirirka, madaxweynaha Somaliyana caad kama saarno oo wuu ogyahay in ay buuxsantay tiradii xilka ka qaadi laheyd oo awoodaas fulin laheyd.

2-Si xilka madaxweynaha Soomaaliya u noqdo doorashada soo socoya mid ay u tartami karaan Soomaaliweyn oo dhan meeshana looga saaro nidaamkii qaldanaa ee ay Somalida ku soo dhaqmeysay tan iyo 2000-kii ee ahaa in xilka madaxweynaha, R/wasaaraha iyo gudoonka barlamaanka ku imaan jireen amaba lagu dooran jiray qaab qabiil oo ay micnaheedu aheyd nin Bay iyo Bakool ku dhashay inuusan noqon karin wax ka badan gudoomiye baarlamaan, hada kedib cunsuriyadaas waxey u muuqataa in ay meesha ka bixi doonto si talada dalka iyo hogaankiisa ugu sinaadaan muwaadinkasta Somaliyeed meelkasta wadanka ha uga noolaadee,waxaana masuuliyiinta u tartami doonto xilkaan lagu soo dooran doonaa waxqabadkiisa, kartidiisa iyo sida uu wadani masuuliyad qaran lagu aamini karo u yahay halkii qabiil iyo qurun loo eegi jiray markii hore 15 kii sano ee ugu danbeysay.

Qof aan maanta la socon siyaasada guud ee wadanka una mooda in madaxweynaha sinaba uga bad baadayo mooshinka hada ka yaalo halkii uu waqti kulumin lahaa ka hadalka madaxweyne 4 sano oo fursad ah bulshada ka lumiyey waxaa loo qaatay iney ka hadlaan halkeey ku jirtaa danta dalka qaabkeese ugu haboon ee doorasho ugu yaraan micno u sameyneyso bulshada Soomaaliyeed looga hirgelin karaa dalka. sidee loola shaqeyn karaa gudoonka baarlamaanka marka xilka laga qaado madaxweynaha ma waxuu xilka heynayaa xiliga uu sharciga u ogolyahay ee 30 ka maalmood ah,maadaama uusan jirin waqti hada ay golaha shacabka madaxweyne kumeel gaar ah ku dooran karaan isagaa inta doorasho laga gaarayo agoust/2016 xilkaan sii heynayo iyo qodobo kale oo bulshada muhiim u ah si looga soo gabsado waqtigii faraha badnaa ee dalka iyo dadka Somaliyeed ka lumay. mudanayaasha sharafta lehna madaxweynaha hada jira dhaqaalo xoogan ayuu heystaa waxii ay ka qaadan karaan haka qaateen isaguba waxuu ku fikirayey intii uusan soo bixin mooshinkaan in mushaarka laga jaro si doorashada soo socota loo gaaro iyagoo deymo fara badan lagu leeyahay farqahane la heysto sidii kuwii ka horeyey hayeesheene dal dhan oo ay ku nool yahiin dhawr iyo toban million ayaa dayacan si dhaqso leh ha u soo afjareen arinta madaxweynaha Somaliya ayaa laga hayaa in ay tiri hooyo dhawaan ay ciidamada Amsom ku dileen caruur ay dhashay magaalada Marka.

Isku soo duuboo dalka Soomaaliya waxuu lugaha la galayaa dhawaan isbedelo muuqda oo dhinaca hogaanka ah waxeyna u badan tahay %99.9 in uu wadanka si kumeel gaar ah u hogaamin doono gudoomiyaha baarlamaanka hadii uu madaxweynaha gursiga isku dhejin lahaa si uu wadanka waqti kale uga lumiyo iyo hadii kale sharaftuse waa si uusan dhaawac siyaasadeed xoogan u soo gaarin xisbigiisa amaba ururka uu ka tirsan yahay oo ay dhismahiisa geliyeen juhdi badan rag iyo dumar Somaliyeed si ay doorashooyinka soo socda iskugu soo sharaxaan waa inuu si sharaf leh xafiiska u baneeyo oo uu istiqaalo dhiibo si looga bad baado aduunyaduna marqaati uga noqon jaraa'idyada caalamkuna bogooda hore ugu soo qorin madaxweynahii Somaliya oo ay shaqada ka ceyriyeen mudanayaasha baarlamaanka federalka Somaliya .

la soco wararkeena danbe iyo qaabka ay noqon doonto dowlada ay Somaliweyn sugayaan waxii ka dambeeya xil ka qaadista madaxweynaha Soomaaliya Prof Hasan Sheikh Mahamud inagoona warbixinkooban sidii caadada aheyd ee marka uu hogaamiye Soomaaliyeed meesha ka baxo ka diyaarin jirnay halka midka imandoono aanu saadaal ka bixin jirnay, waxii ka daneeya bishani aanu kujirno 25 keeda amaba ugu badnaan 28 keeda oo ah xiliga siweyn loo saadaalinayo in uu madaxweynaha hada jira kursiga baneyn doono mooshin iyo istiqaalo amaba iscasilaad midkood.

Hadii ay Somali badankeed maalmaha inagu soo aadan mediyaha ka arkaan xildhibaano amaba siyaasiyiin idaacadaha inta soo istaago iska dhigaya iney taageersan yahiin madaxweynaha Somaliya yaan run la moodin ujeedadu siyaasadaha hada socda qof iyo koox wey ka qoto dheer tahay madaxweynaha isagaa fudud ee dalka iyo dadka inuu fursad siiyo ayaan ka rajeyneynaa dhawaan oo uu go,aan geesinimo leh qaato waxaa yiri mid ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee aan ka mid aheyn kuwii mooshinka keenay ee aan weli go,aan ka qaadan arintaan,hayeeshe xal u arka in uu madaxweynaha xafiiska baneeyo inta aanba mooshin leyskla gaarin waayopmooshin micnahiisu waa xil ka qaadis.

Waan ognahay qofka hogaamiyaha marka uu arko inuu kursigii uu ku fadhiyey arko inuu qalqiil ku jiro waxuu waqti badan kaka lumaa amaba maskaxdiisu ku mashquushaa xiligii sii wanaagsanaa iyo safaradii uu geli jiray iyo Roogii gaduudnaa ee garoonyada caalaiga ah loo dhigi jiray gawaaridii leys dabadhigi jiray iyo kwuiiuu isagu sida gaar ah u isticmaali jiray iyo wax la mid ah, kedib hogaamiyaasha xun xun ee aan dalk iyodadkooda u anxeyn waxaa calaamad u ah in iyagoo waqtigii soo maray dib u gocanaya si ay waqtiga u dheereystaan kursiga siyaasada isku dhejiya.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,613,059 unique visits