Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Inkasta oo aysan idaacada qaranka bulshada u soo gudbin safarkii uu maanta wadanka dib ugu soo laabtay gudoomiyaha baarlamaanka federalka Somaliya, wax yar kedibna markii uu mooshinka laga keenay madaxweynaha ay warsaxaafadeed ka soo saareen gudoonka baarlamaanka inta la soo geliyey idaacada qaranka hadane wax ka yar 4 daqiiqo kedib dib looga saaray, sidaasina markii ay mediyaha soo daabaceen dib loogu soo celiyey.

Waxaa macquul ah dad badan in ay isweydiinayaan maxaa Idaacad dhan oo huwan magaca iyo astaanta qaran ku xambaarayo iney u janjeersato amaba kaliya buun buuniso fikradaha madaxweynaha xili ay horey gacanta madaxweynaha ugu jirtay amaba xoog kula wareegay awoodii dhameyd ee xukumada ilaa dharaar cad shaqadooda laga ceyriyo mudo labo sano gudahood labo r/wsaare.

Somalida waxey ku maah maahdaa ninkii Jimco dhiman rabo Khamiistaa la celceliyaa dadka gacanta ku haya amaba maamula howlaha idaacada waxaa loo qaatay iney magaca ka bedelaan hadii kale waxaa imaan doonto in dowlada cusub marka ay timaado meesha dhan laga saaro waxiiba qaabka qaldan kula shaqeyn jiray.

Weliba hadey isku dayaan iney qariyaan wararka hayada sharci dejinta ee ah mida ugu sareysa wadanka wakiilna ka ah shacabka Somaliyeed.

Hadaanse dib ugu laabano heerka uu marayo mooshinkii madaxweynaha Soomaaliya kayiilay ee uu maanta inuu sharci yahay ku tilmaamay gudoonka barlamaanka waxuu maryaa amaba hada loo gudbay dhinacii sharciyada oo waxey gudoonka baarlamaanka maalmaha soo socda kulamada ugu horeeya ka doodi doonaan mooshinkaan kedibna waxaa mudo cayiman la siin doonaa mudo gaaban oo uu isku difaaco madaxweynaha kedibna sidaas ayaa codka kalsoonida loogu qaadi doonaa walow aaan maalinta codka kalsoonida loo qaadayo la ogeyn.

Isku soo duuboo wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno Somaliyana waxey sheegayaan in uu mooshinka madaxweynaha gaaray heer caalami ah uuna mooshinkaan ka duwan yahay wax badan mooshinadii ay Soomaali badankeed maqli jireen uuna madaxweyaha Somaliya oo tan iyo markii uu xilka madaxweynaha Soomaaliya ku guuleystay aan weligiis arkin culeys siyaasadeed heerkaan la eg inuu isagu ciduu doono xilka ka qaado ciduu doonana mooshin ka keeno sidaasina ku ceyriyey labo R/wsaare oo uu midkasta haayey xilka sanad.

Sida muuqata dhawaan marka xilka laga qaado madaxweynaha amaba sida aan warar horudhac ah ku heleyno Iscasilo waxaa dib u soo laaban doono karaamadii lagu yaqiinay golaha shacabka oo tan iyo 1960 heerar kala duwan soo maray maanta soo gaaray in uu madaxweynaha hada jira Xasan Sheikh Maxamud uu noqdo madaxweynahii uu horeyey ebed Mooshin laga keeno inta la xasuusto taariikhda Somaliya.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com


Hadaba waa kuma hogaamiyahah ay Soomaali dooneyso waxii ka danbeeya 2016

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.13 seconds
14,579,270 unique visits