Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Madaxweynaha Somaliya oo sida muuqato ka shalaaynayo waqtigii micno darada ahaa ee uga lumay labadii sano ee ugu danbeysay ee ay siyaasadiisu ku soo aruurtay r/wasaarahan rid kan saar waxaa hada ka yaala golaha shacabka mooshin ay dhici karto inuu noqdo kii uu ku bixi lahaa marka loo eego siyaasada Soomaaliya heerka ay maanta mareyso iyo weliba isqabqabsiga muuqda ee ka taagan qaabka ay u dhaceyso isku shaandheynta uu madaxweynahu doonayo in lagu sameeyo golaha wasiirada hada jira.

Markaad wax badan si dhab ah ugu guurgasho waa uun iska waqti dhameys iyo in aan diyaar loo aheyn in mudada hartay wadanka qaabab kale oo ay doorasho ku dhici karto loo diyaariyo, waxeysa u muuqataa in waqti ay tahayba mar uun golaha shacabku kalsoonida kala laaban doono madaxweynaha hada jira.

Waxyaabaha u muuqda in uu madaxweynaha xilkiisa ku weyndoono golaha shacabka waa labo arimood oo kaliya.

1- Fowdo iyo isqabqabsi ka dhalata isku shaandheynta la filayo in lagu sameeyo golaha wasiirada hada jira sidaasina u dhasho qilaaf amaba u xoogeyto mid aan weli banaanka imaan oo hada u dhaxeeya madaxweynaha iyo R/wasaaraha.

2-Maadaama gudoonka baarlamanka Soomaaliya horey ugu hiiliyeen labadii mooshin ee lagu riday r/wasaareyaashii ugu danbeeyey iyadoo uu weliba codsaday madaxweynaha in ragaas la dhaafiyo , waxaan maanta xitaa cunuga 5 jirkaa ee Somaliya ku nool laga dhaadhicin karin mooshinadii laga keenay r/wasaarayaasha gudoonka baarlamaanka wey meel mariyeen kan madaxweynaha hada jirana lama meel marin karo micnaheedu waxey u egaaneysaa in uu madaxweynaha dhamaan isku heysto hayadaha dowlada oo dhan isaga mooyiye inta kalena maqaar saar yahiin sidaasi daraadeed waa muhiim in aan shacabka waqti kale laga lumin oo uu meel maro mooshinkaan waa sida ay filanayaan amaba ay doonayaan Soomaalida nadiifkaa ee ay u muuqato dhibta shacabka Somaliyeed ku heysta wadankooda iyadoo weliba 4 sano ka hor loo sheegay in uu wadankooda u dhalatay dowlada aan kumeel gaar aheyn oo rasmi ah laakinse hada shakikeedu muuqdo in ay xitaa rasmi iska daaye xitaa kumeel gaarkii ka sii hoos martay.

Hayeeshee dad sharci yaqaan ah waxey qabaan maadama wax kaleba isa daaye lagu fashilmay mudo 4 sano ah in la dhiso maxkamadii dastuuriga aheyd ee hadii uu qilaaf yimaado loo noqon lahaa in aysan dhismina dadka sida gaar ah loogu eedeynayo oo masuuliyadeeda qadayo uu madaxweynaha ugu horeeyo iyadoo dib loo eegayo dastuurka ay hada ku shaqeyso dowlada jirta gudoonka baarlamaankuna isticmaalayo awoodiisa shaqo r/wasaarayaashii shaqada laga ceyriyey ee awooda loo sheegtay iyo madaxweynaha dhamaantood waa muwadiniin Somaliyeed waa in kuwii hore halkey mareen la marsiiyo madaxweynaha oo aan sharafta gudoonka baarlamanka meel looga dhicin bulshadana loo tusinin gudoon iyo baarlaman ku shaqeeya rabitaan shaqsi amaba madaxweyne iskana iloobay dantii guud ee caamka aheyd ee wadankeena lagu bad badin lahaa.

Sikasta oo ay ahaataba maanta shacabka Soomaaliyeed uma adkeysan karaan halmaalin oo micno daro ah oo dhaafta madaxweynaha Soomaaliya mooshinka ka yaalo ama isagu qabiil ha u bedelo amaba baarlamanku shaqada haka ceriyo waa muhiim in aan bulshada waqti laga lumin oo mooshinkaan ugu yaraan gudoonka baarlamaanku siiyaan madaxweynaha mudo uu isku difaaco kana soo jawaabo eedeynaha muqda ee loo heysto.

Waxaa macquul ah in ay dadka qaarkiis ku doodayaan mooshinka madaxweynaha ka yaalo masahlana waxeysa kuwa sidaa u fikiraya iska indha tirayaan dhibaatada baahsan ee intii uu xilkaan hayey madaxweyne Xasan Sheikh la kulmeen shacabka Somaliyeed.

Madaxweyne Xasan wax kaleba iska daaye waxaa lagu xasuusan doonaa siyaasad xumo heerka uu ka gaaray sida uu Soomaalidii markeedii horeba la daalaa dhaceysay nolol maalmeedkooda u sii kala fogeeyeen mudadii yareyd ee ay isaga iyo kooxdiisu joogeen Mogdishu amaba ay sheeganayeen masuuliyada qaran.

Marka dadku maba garanayaan waxa ay soo kordhineyso xitaa hadii leyska daayo bilaha u haray madaxweynaha hada jira,meesha ay hada joogto arintu in ay ka sii xumaato ma ahane rajo lagama qabo in nidaam iyo hanaan dowladeed oo shaqeeya madaxweynaha iyo kooxdiisa la yimaadaan, hadii aysan gudoonka barlamaanku mooshinkaan meel saarina iyadoo aan waqti badan laga lumin shacabka si howlaha haray loo dhameystiro rajadu ma xuma.

Waxaa taas ka sii daran gole wasiiro oo dhawr maalmood gudahood leysku shaandheyn karo si horey loogu socdo ayaa waxaa waqti la gelinayaa bilooyin iyadoo ay weliba madaxweynahii iyo R/wasaarahii labo guri oo isku muuqda iyo labo xafiis oo iska soo horjeeda oo Viila Somaliya ku yaalo ku wada shaqeeyaan,maxaa naga qaldan?

Waxaa naga qaldan Leadership-ka dhan oo Somaliya min madaxweyne ilaa gudoomiye heer gobol ciladuna waa hogaanka Villa Somaliya maanta ka jira ilaa meesha qaabkasta oo looga saari karo looga saaro xaalku meesha uu hada joogo wuu ka sii xumaan doonaa waxkasta oo dib u dhac ah oo wadanka ku dhacana waxey dhibatatooda saameyn doontaa kuwa aan heli karin maalintii Qado ama Quraac amaba hadaan si kale u dhigno shacabka dan yarta ah ee Soomaaliyeed ee iskugu jira wax wadankooda gudahiisa qaxooti ku ah iyo kuwo qurbaha ku dhiban oo xabsiyada caalamka ka buuxa.

Oneway or another madaxweynaha Somaliya waa in uu baxaa si wadanka xal midkaan ka duwan loogu helo xilkana si kumeel gaar ah u sii hayo gudoonka baarlamaanka Soomaaliya oo ay Somalida qurbaha siiba kuwa kunool waqooyiga America oo uu dhawaan booqday ku tilmaameen siyaasi miisaan culus wax badana u soo joogay si wanaagsana u yaqaana dastuurka hada lagu dhaqmo.

Hadii kale baarlamaanka Somaliya ha sugaano inta ay madaxweynaha iyo kooxdiisu ka baabulayaan dagaal sokeeye iyadoo shaati qabiil loo gashanayo shacabka oo mooshinka madaxweynaha laga keenay laga dhigayo mid loogu danleeyahay qabiilka Hawiyaha iyadoo dadka wax magaratada ah lagu calool jilicsan doono wadanka Daarood ayaa la wareegayo iyo degaan hebel amaba qabiil hebel ayaa madaxweynaha kursiga ka tuurayo ileen madaxweynaha iyo kooxdiisa waxkasta tooda gaarka ah ayaa ugu muhiimsan jiritaanka umada Somaliyeed iyo in ay dadka Somaliyeed helaan dowlad xalaal ah oo shaqeysa dhibaatada iyo dulinimadana ka ilaalisa shacabka ay sheeganeyso iney madax u tahay qiimo uguma fadhiso. si loo gaaro himiladaas waa in madaxweynaha hada jiraa mooshinka ka yaalo la meel mariyaa si kuwa imaan doono tusaale ugu noqoto hadii kale maalinba koox horleh ayaa wadanka mashruuc la imaan doonaan kedibna magacii Soomaaliya iyo jiritaankiisa halkaas ayuu ku baabi doonaa waana sida uu cadowga dibada inooga yimid doonayey.

Xasan Sheikh isagaa wadanka laaluush iyo musuq maasuq baray mudanayasha baarlamaanka waxii ay ka qadan karaan oo dhaqaalo ah haka qaataano oo h adhahaano hadey doonaan iangaa ku difaaceyno laakisne waa in ay umada ka hor leexiyaan kooxdaan ma xishoodayaalka ah ee Villada jooga ayaa ugu abdan hadalka inta badan goobaha ay Somalidu ku doonaan markaad joogto uu maqlkoodu ku badan yahay dhagaha shacabka Somaliyeed ee rajo ka qaba in ay mar uun arkaan Somaliya oo nabad ah.

Ugu danbeyn madaxweynaha haduu siyaasi yahay kaliya waxuu dareemi lahaa mooshinkaan laga keenay dhawaca uu u geystay mustaqbalkiisa siyaasadeed.


Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com



Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.52 seconds
14,588,910 unique visits