Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 1
ArthurCom

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Heshiis ku cusub dhegaha bulshada Soomaaliyeed oo laga yaabo in ay dhawaan wada gaaraan xarakada Shabaab iyo dadka degaanka Halgan ee dhawaanlagu xasuuqay duleedka magaalada,kedib markii ay ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom ay lumiyeen kalsoonida shacabka deegaanka.

Waa markii ugu horeysay ee ay dadka degaanka meel Somaliya ka mid ah xiriirka u jaraan ciidamada Amisom intey dad ku xasuuqaan wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno maagaalada Halgan ayaa sheegaya iney shacabku go,aan ku gaareen xitaa hadii ay dhamaantood halmaalin xasuuqeyso Shabaab aysan dhib u arkin taasi bedelkeedana halkii ay ciidamada Ethiopia markasta dadka Soomaaliyeed ugu cagajugleyn lahaayeen Shabaab ayaan idiinka celinaa bedelkeeda magaalada Halgan ayaa noqotay meeshii ugu horeysay ee ay shacabkoodu ka dhiidhiyaan dilalka waxgalka ah loogu geysto wadanka Somaliya.

Sidoo kale magaalada Bulo Burde waxaa ka socda iyo magaalada Buq Aqable oo ay dhawaan la wareegeen ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom ayaa iygauna laga yaaba in ay caqabadaha ay kala kulmeen magaalada Halgan oo ku taalo dhul buuraley ah iyaguna halkaas ka bilaabaan kacdoon.

Mid ka mid ah dadka degaanka ayaa yiri Amisom iyagaa dad ay ka dhigaan Shabaab gawaaridooda ku wataan dadkana xasuuqa maalmaha inagu soo aadana iyagoo Shabaab iska dhigayo ayey dad ku xasuuqi doonaan Halgan waa xeeraladaha ay meelo badan oo dalka ka mid ah uga howlgalaan hayeeshee mar danbe dhalinayro Somaliyeed oo Shabaab la baxay ayaan idiinka difaaceynaa dadkeena laguma xasuuqi doono Shabaabka ayaaba naloo qaatay iaygaa wadada Bulo Burde iyo Belet Weyne xireen iyagaana hada si rasmi ah u furi doono ayuuna hadal kooban ku yiri.

Isku soo duuboo arintaan magaalada Halgan ka dhacday waxey guul u tahay Shacabka Soomaaliyeed oo dhan marka dhinaca kale laga eegane waxey u sahleysa iney Xarakada Shabaab shacabka Soomaaliyeed sida kuwan soo dhaweyn doonaan mark aya isbarbardhigaan dhibaatada ay dalka Soomaaliya ku hayaan ciidamada Amisom oo iyagu ka socda dowlado masiixi ah oo dadka Soomaaliyeed caqiidadooda ku nacaya.

Guul iyo gobanimo shacabka Halgan hadeysan wax dhib ah u geysaneyn Shacabka,wadanka dowlad kama jirto waa muhiim in Somalida dhaxdeeda laga saaro shakiga ah ciidamo Shisheeye ah ayaa wiil Somaliyeed oo la baxay xarakada Shabaab kaa difaacaya ciidamo shisheeye bahdilka ay dadka Soomaaliyeed u geystaan iyo niyad jabka ayaa waxkasta bulshada ugu daran dhibta ay mararka qaarkood kala kulmaan xarakada Shabaab.

Hadaba la soco wararkeena danbe iyo ciidamada Amsiom oo mar kale dib ugu soo aruuri doono kaliya magaalooyinka waaweyn Shabaab oo qaldkooda iyokacdoonka had asocd aka faaideysaneysa ayaa heshiisyo wax ku ool ah shacabka deegaanada ay ku sugan yahiin la geli doonta iyagoo weliba kasban doono si ay meesh auga baxdo ciidamadan Shisheeye ee malaayiinta dolar ku qaata Shabaab ayuaa Somaliya ka xoreyneynaa dhinaca kalena shacabkii xasuuqaya.

Intii labo kooxood ku kumaadi lahaayeen Shabaab ayaa la qaatay kuwan ciidamada Shisheeye la baxay isku diinba ma nahin dalkeena hanooga baxaano ayaa laga xogtay mid mid ah dadka degaanka.


Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.42 seconds
14,589,334 unique visits