Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Sida aanu ku heleyno warar sugan xarunta Villa Soomaaliya madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud waxey siyaasada Somaliya ka mareysaa hada meehsii ugu danbeysay oo uu soo istaago qof ku fashilmay siyaasada Soomaaliya.

Inkasta oo ay ku adkaan doonto in uu sii sheegto xilka madaxweynaha Somaliya waxii ka danbeeya dhawaan marka looga yeero maxkamada sare kedib markii ay mudanayash abaarlamaanka Soomaaliya ku tilaameen qaainul wadan ayey hadane waxey wararka qaarkood sheegayan in uu waxoogaa isgiijinayo laakinse go,aankiisa kama danbeysta ah yahay inuu iscasili doono sida ay dad badan oo telefono u direen aadna u garanayo berisamaadkiina ay saaxiibo ahaayeen kula taliyeen halka siyasiyiin kala duwana ay mediyaha u marsiiyeen fariinta dhabta ah in ay muhiim taahy inuu wadnaka u tanaasulo.

Hadaanse waxoogaa ka bidhaamino safarkii dhawaan Safiirkii hore ee Kenya oo ah muwaadin Somaliyeed looga celiyey magaalda Belet Weyne waxaan tan iyo markii ay dhacdadaan ku dhacday Safiir Maxamed Cali America aanu siyaabo kala duwan ula xariirnay Hiiraan dadkuna layaab ayey arintaas ku noqotay waxeyna isweydiiyeen xiliga Hiiraan in muwaadin Somaliyeed loo diido ay gaareen raga masuuliyada sheeganayo, hayeeshee %100 waxey arintii dabada la gashay madaxweynaha Soomaaliya oo sida laga soo xigtay xarunta Villada tan iyo markii lag akeenay Mooshinka xaaladiisa siyaasadeed siweyn isku bedeshay una muuqda hada kedib in uusan waxbo dhawran doonin.

Marka aad Hiiraan joogto waxey dad badan moodaan in uu siyasad ahaan ula dagaalsan yahay qaar ka mid ah beelaha Somaliyeed l;aakisne mark aSomalida kale meel leyska dhigo oo weliba Hawiyaha kale meel leyska dhigo madaxweyne Xasan sheikh dagaalka uu kula jiro qeyb ka mid ah beesha Abgaal marka laga hadlayo dhinaca siyasada Qolooyinka ay ka soo jeedaan Safiir Ameerica iyo Qolooyinka ay ka soo jeedaan Sheikh Shariif iyo Cabdulqaadir Cosoble ma dooneyno in aanu dad isku qabiil ah arimahooda ku mashquulno oo aanu hoos u sii kala qaadno laakisne maalin cad ayey xilka madaxweynaha in laga qaado la gaashan lahaayeen mudanayaasha hada madaxweynaha ka keenay mooshinka hadey ogyahiin qorshaha uu madaxweynaha u degsaday qoladaas.

Safiir America iyo wiilkasta amaba geberkasta oo Somaliyeed ma mudna in laga celiyo magaalo Soomaaliyeed in muwaaadin Somaliyeed uusan si xor ah u booqan karin magaalo Somaliyeed laguna dhibo sidii nin wadan kale booqday waxaa ugu wacan siyaasada madaxweynaha hada moioshinka ka yaalo oo ku dhisan kooxeysi kuwaasi oo dal iyo dad amab dantii guud meel iska dhigay.

Isku soo duuboo qofka Soomaaligaa ee maanta qaangaarkaa ee weli doonaya in loo sheego heerka uu fashilka siyasadeed ee madaxweynaha Soomaaliya gaaray amaba waa qof dhimirka looga jiro ama waa qof ku nool goob ay ku badan yahiin taagerayasha madaxweynaha.

Dalka Somaliya laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta Xasan Sheikh iyo kooxdiisa ka hor iyadoo weliba la soo maray colaado aad u xumaa weli lama maqal madaxweyne mooshinkaan oo kale laga keenay amaba heerkaan la egyahay musuq maasuqiisa, waxaa taasi ka sii daran qofkasta oo muwaadin somaliyee dah oo afka kal fura waxuu leeyahay ma waxuu garan waayey intii uu gartay Cabdulaahi Yusuf oo weliba Alla ha u naxariistee lagu tirin jiray dadka ugu madax adkaa bulshada Somaliyeed aadna u xukun jeclaa oo isagumarkii uu arkey dabeysha meesha ay u socoto intii aanb amaxkamad leysla aadin kursigiisa ka tanaasulay.

weliba Madaxweynaha hada jira waxaa mudo lagu xasuusan doonaa wadanka sidoow iskugu dhaxyaaciyey oo uu u kala qoqobay, weliba dadka aragtida fog waxey leeyahiin Ilaahey shacabka Soomaaliyeed wuu jecel yahay hadey mudanayaasha baarlamaanka mooshin ka keeneen oo ay durbaba ku guuleysteen iney caalamku hakiyaan deeqahii la siin jiray dowlada uu garwadeenka ka yahay Xasan Sheikh Maxmud.

La soco warakeena danbe iyo siyaasadaha aan micnaha badan ku fadhiyin ee uu dad shaqsiyaad ah u isticmaalayo madaxweynahii dhawr sano ka hor lagu hami weynaa inuu wadnakaan horumar gaarsiin doono.

Safiir Americo waxan leenahay shacabka Hiiraan waxbo kuuma dhimin oo hadeysan ku dooneyn masuuliyiin maamulka ka tirsan Ilaa Matabaan kuuguma imaateen dhibaatada ugu weyn waa madaxweynaha Somaliya oo ay kalsoonidii ka lumtay mooshinkaan had ka yaalane dadk aqarkiis waxey leeyahiin maskaxiyan wuuqadan waayey maadama gudoonka baarlamaanka sheegeen in mooshinkaan loo marayo sharciga wadanka u degsan kaasi oo madaxweynaha Soomaaliya mustaqbalkiisii siyaasadeed mugdi xoogan geliyey dhawaana waxuu ku qasban yahay weliba maalmo gudahood inuu iscasilo amaba u diyaar garoobo inuu iska difaaco dacwada marka leysla aado maxkamada sare.

Sida sharcigaa marka madaxweyne looga yeero maxkamad oo uu isdifaacayo waa inuu masuuliyada wareejiyo inta ay dacwadaas socoto waayo markaas waxa la maxkamadeynayo waa shaqsi sida uu markii uu dhawaan Holland u aaday maxkamada caalamigaa madaxweynaha Kernya xilka ugu wareejiyey kuxigeenkisa hada waa inuu si kumeel gaar ah ugu wareejiyo Gudoonka baarlamaanka maadama aysan Somaliya qabin nidaam ku dhisan madaxweyne iyo kuxigeen.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,579,692 unique visits