Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Wararkaka caawa naga soo gaaraya Xaruntii hore loo dhihi jiray Villa Somaliya haatana loogu yeero xarunta lugooyada umada Soomaaliyeed saldhigna u ah madaxweynaha Somaliya ayaa sheegaya in uu diyaariyey madaxweynaha Somaliya warqadiisii Iscasilaada taasi oo dhawaan meesh aka saareysa inuu hortago maxkamada sare iyo golaha shacabka toona.

Inkasta oo ay aad u adagtahay go,aankaan uu qaatay madaxweynaha hadane in ay si horudhac ah u maqlaan dadka qaarkiis hadane warar xaqiiqada u dhaw ayaa sheegaya inuu go,aankaan qaatay kedib markii uu arkey qaarkoodna maqlay rag saaxiibadiis ah oo mooshinkaan si hoose uga qeybqaadanayo halka kuwii uu aad ugu kalsoonaa ay dhaqaalo yar oo ay ka sameeysteen mudadii uu jooga dalka kala baxayaan wadanka taasi oo tan iyo markii uu yimid mooshinka hada ka yaala mashquul ka dhigay shirkadaha Xawaaladaha oo halkii lacagta dibada laga soo diri jiray hada Mogdishu si xoowli ah looga saarayo taasi oo madaxweynaha dareensiisay inuu goobta kali ku yahay go,aankaane qaatay.

Wararka qaarkood waxey xaqiijinayaan in aysan xitaa rabin madaxweynaha saaxiibadiis in xilka sidaan loog aqaadee ay doonayan in si uusan mustaqbalka danbe weligiis u haweysan siyaasada Soomaaliya si fiican loo wasaqeeyo oo uu xafiiska baneeyo isagoo danbiile ah taasi oo hada u muuqata inuu madaxweynaha ka hortagayo iney ku dhacdo arintaas foosha xun.


MArka lag asoo tago Iscasilaada madaxweynaha ee aanu caawa helnay in ay jirto iyo inaysan jirin hada micno ma sameyneyso maadaama madaxweynahii maxkamad laga aadayo wey iska catahay in aysan u harin rajo weyn oo siyaasadeed ee uu mustaqbalka Malaayin Somaliyeed inuu hogaamiye u yahay sheegan karo,laakisn ewaxaa jiro shirar hoose oo uu la leeyahay xaasaskiisa iyo caruurtiisa si mustaqbalk aaan meelkasta oo ay tagaan iyo Somalida ay la kulmi doonaan ugu dhega hadlin oo aysan u dhihin waa caruurtii madaxweynahii wadanka dhacay iyo kii maxkamada la soo taagay taasi oo hamigooda shaqsiyadeed iyo waxii ay ku riyoonayeen markii uu doorashada ku guuleystay meesha ka saareysa farxadiina murugo isku bedeleyso.

Sikasta oo ahaataba madaxweynaha Soomaaliya sidaan warar sugan ku heleyno isaga qudhiisa madaxtinimada Somaliya ee uu hada ku magacaaban yahay in aysan sii jireyn aad ayuu u dareemay waana go,aan geesinimoleh haduu maalmaha inagu soo aadan baajiyomooshinkii lag akeenay golaha shacabka iyo somaliweyn hortoodana inta ka qudbeeyo halkaas istiqaaladiisa ku dhiiba Ilaaheyna danbi dhaaf weydiisto shacabka Somaliyeed iyo dalkaba danbi weyn ayuu ka kala wadankiina farah aayuu ka bixiyey ilaa ay ciidamada Jabouti maanta qireen in ay wadanka joogaan ciidamo Ethiopian ah aan ka tirsaneyn Amisom oo dhawaan dagaalo ku qaaday Baadheere, Halgan oo lag asoo saaray iyo qeybo ka tirsan gobolka Bay.

waxaa taasi u dheer shacabka bahdilka mudadii uu xulkaan qabtay ku siyaasaday iyosida xishood la,aantu ku jirto oo uu mark auu mediyaha yimaado hadalo qurqurxan oo aan qalbiga jirin bulshada ugu sheegayo xili uu dalkii iyodadkii laga qoqobay.

La soco jiritaanka Icasilaadaan walow ay gudoonka baarlamanka ilaa ay wax muuqda ka arkayaan howshooda iyaga iyo maxkamada sare wataan oo ay soo gabo gabeyn doonaan maalmaha inagu soo aadan arinta madaxweynaha oo lag ayaabo inuu ka gaabsado inuu maxkamada hortago sidaasina baarlamaanka loogu gudbiyo waxii ka horeeya 25 bishaanina ama madaxweynahu ha iscasilo ama Mooshinak ha meel maree waxaa si kumeel gaar ah ay ugubadan tahay inuu wadanka mudo cayiman u hogaamin doono gudoonka sare baarlamanka sida sharcigu qabo.


Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.20 seconds
14,614,589 unique visits