Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 1
admin

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Xaalada siyaasadeed ee Villa Somaliya ayaa kacsan kedib markii madaxweynaha oo go,aansaday inuu iscasilo ay ka diideen qaar kooxdiisa ka tirsan taasi bedelkeedana la laaluusho gudoonka baarlamaanka Somaliya oo uu ugu horeeyo Prof Jawaari arintaan oo ay ku sheegeen in hadiiba la wada fashilmayo gudoonka baarlamanka la laaluusho iyadoo weliba si qarsoodi ah looga duubi doono walaa xildhibaan walaa gudoon baarlamaan marka la laaluushayo si caalamka loo tusiyo in uusan madaxweynaha kaliya aheyn cida fashilantay.

Xogtaan oo ah mid horudhac ah ayaa leysla gartay in sida madaxweynaha mustaqbalkiisii siyaasadeed loo baabiyey in mida gudoonka baarlamankaane amaba R/wasaarahane loo baabiyo si uu wadanku fowdo u galo.dabcan siyaasad kasta oo qatarteeda leh waa laga sugayey madaxweynaha iyo kooxdiisa waxeysa xaalada siyasadeed ee Soomliya qarso noqon doontaa madaxweynaha Somaliyana ilaa 2018 xoog xafiiska ku joogi doonaa marka ay gudoonka baarlamanka sidey kooxdaan ku hamineyso iyagoo aan xishooneyn dhaqaalo ku bixiyaan mooshinka hada ka yaalo oo xitaa la hubo in marka doodiisa la galo in ay madaxweynaha u diyaarsan tahay warqadiisii iscasilaada laakinse inta uusan iscasilin doonayo inuu saxada ka saaro ugu yaraan siyaasiyiin badan oo hada nadiif ah waa sida laga soo xigtay kooxda dad ka ag dhaw.

Hadaba maadaama aan hada wararka qarkood la sugi karin 24 saac kedib ayna siyaasada Villa Somaliya hada ku soo aruurtay in ay saacad saacad isku bedesho hada arintii waxaa lagu faataxeystay Laaluush meeshii ay la gaartaba.

Dalka Soomaaliya cidii horey u maqashay 25 kii sano ee inadhaaftay mashaqo iyo colaado ayaa ka dhacay haduusan si nabad ah xafiiska u baneyn madaxweynaha gudoonka baarlamaankane aysan meel marin mooshinka madaxweynaha mushkilada ka soo muuqata isbuucyada inagu soo aadan ayaan wax ka qori doonaa waa hadii la doonayo in wadanka dhan loo burburiyo madaxweynaha Somaliya oo isagu ah shaqsi.

Warar kale ayaa sheegayo in caawa rag uu ku jiro gudoomiyaha maxkamada sare dhinaca Villada looga gacan haatiyey waxii arintaas ka soo baxane wararkeena danbe ayaan ku soo qaadan doonaa.

Madaxweynaha Somaliya ayaa ku jira waqti aad u adag welina ma soo marin wasaqdaan siyaasadeed ee uu hada faraha kula jiro waxaase hubaal ah hadii sidii mooshinkii lagu riday labadii R/wasaare ee ugu danbeysay loo meel mariyey hadaan midkaan loo meel marin iyadoo caasimada Somaliya lagu kala tagay dhawaan waa la arki doonaa oo ay mudanaashu siyaabo kal duwan sidii xiligii kumeel gaarka ay u kal ajoogeen Baydhabo iyo Mogdishu in hada oo lagu jiro 2015-na marxaladaas mid ka daran uu wadanku lugaha la geli doono,wayo waxaa cadaaneyso in labadaas R/wasaare lagu bartilmaameed saday qaab qabiil dano gaar ah oo uu madaxweynaha watay iaydoo laaluush la isticmaalayo lagu riday.

Wadan la leeyahay aan Gudoonka baarlamaanka, R/wasaaraha iyo gudoonka maxkamada sare laaluushno kaliya si ay madaxweynaha wasaqda uu hada ku jiro uga harin siyaasadana halmar iskala baxaan doorashada soo socota rag badan waa fikir caawa xarunta Villa Somaliya yaala, laakisne aaway dalkii iyo dadkii Soomaaliyeed?

Isku soo duuboo madaxweynaha iyo kooxdiisa wadanka meeshuu hada joogo iyo ka xun ayey gaarsiin doonaan haduusan madaxweynaha iska iloobin talooyinka qalafsan ee ay ujeedinayaan kooxdiisa uuna eegin danta dumarka iyo caruurta Soomaaliyeed ee uu u dhaartay inuu noloshooda wax badan ka bedeli doono xili la dooranayey.


La soco wararkeena danbe

Isha warka Hiiraan state
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,589,205 unique visits