Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 8

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Madaxweynaha Somaliya Ayaa codsi u diray gudoonka baarlamaanka kaasi oo uu uga codsaday sidii uu golaha shacabka u hortagi lahaa si uu iskaka yareeyo cadaadis siyaasadeed oo uga imaanayo dowlado waaweyn oo arimaha Somaliya daneeya.

Dhawaan ayey aheyd markii uu madaxweynaha Somaliya kual kulmay xerada Xalane wafti reer Galbeed ah una sheegeen in uusan mooshinka ka yaalo u isticmaali karin dhaqaalo amaba laaluush xiligaasi waxii ka danbeeyey ayuu ogaaday in ay isaga iyo caalamka kala tageen iyadoo weliba loola dhaqmay sidii madaxweynayaashii kumeel gaarka ahaa oo kale.

Dhinaca kale hadii uu madaxweynaha si sharaf leh isku casili waayo walow isagu jeclaa ayna ka diideen qaar ka mid ah urur diimeedka Dhiiga cusub amaba Somalidu ugu yeeraan Dam-Jadiid oo aan weli si fiicna u qoyin hadane tan iyo markii lag akeenay mooshinka iyo waxii ka danbeeyey waxaa gaaray dhaawac siyaasadeedkii ugu xumaa ebed soo gaaray hogaamiye Somaliyeed waxey mudanayasha mooshinka keenay meesha dhan ka saareen amaba madaxweynaha ku rideen rajo beel siyaasadeed aad u weyn xili ay adagtahay inuu haweysto doorashada soo socota inuu tartankeeda ka qeybgalo maadaama uu ku dhaxjiro siyaasado aan laga sheekeyn karin.

Maxaa dhici kara hadii mooshinkaan uu mari waayo baarlamaanka oo laaluushb loo isticmaalo?

Wararka aanu heleyno waxaa ka go,an xildhibaanada badankood kuwaasi oo iskugu jira kuwii horey u difaaci jiray R/wasaarahii ugu danbeeyey iyo kuwa hada ku dhagan madaxweynaha ee mooshinka ka keenay kuwooda ugu firfircoon hadi ila garsab maro dastuurka in ay dhamantood siyaabo kala duwan ugu bixi doonaan Mogdishu kedibna ay magaalo aan hada la shaacin magaceeda iyagoo garab ka helaya beesha caalamka iyo maamulada gobolada qaarkood ay saldhig ka dhigan doonaan sidasina dowladnimadii Xasan Sheikh ku burburi doonto mooshin la'aan.

Waxaad moodaa dadka qarkiis isku shaandheyn iyo dhawr wasiir oo xilka laga qaado oo kuwo kale lagu maslaxeeyo ayey ka hadlayaan oo danta guud ayey iska indhatirayaan laakinse madaxweyanaha iyo kooxdiisa mar hore ayaa laga shaqeystay intii ay ku mashquulsanaayeen boobka hantida wadanka dhawaane haduu iscasili waayo amaba mooshinka ka yaalo laga meermeero baarlamanka oo inta kala jabay kooxba meel ka qeylineyso waa la arki doonaa.

Isku soo duuboo xaalada siyasadeed ee wadankeena ma ahan mid qurux badan halkii burbur iyo fowdo uu wadanku dib u geli lahaane waxaa quman inuu madaxweynaha isagaa fudude inta ay goori goor tahay iscasilo waayo xildhinadan kudhagan madaxweynaha tiradey doonaan ha ahadeen waxaa ka go,an aduunyada l akaashan lahaayeenaa iyo baarlamanku labo u kala jabi lahaayba iney madaxweynaha marsiiyaan meeshii ay mareen labadii R/wasaare ee ugu danbeysay.

Weliba xildhibaanada caawa shirka Jaraa'id ku qabtay Mogdishu waxow ilaahey uga soo qaday Xasan Sheikh wey ka qaateen laakisne go,aankoodu waa sidiisii in ay dhawaan mediyaha imaanayaan mudanayaal abdan oo iska dhigaya iney la safan yahiin madaxweynaha laakisne xilak ka xayuubin doona marka dhabta loo tago waxaan arintaas kaka hadalnay qoraaladeenii ugu horeyey markii ay banaanka u soo baxday mooshinkaan laga keenay madaxweynaha.

Waxii fowdo ah waa gooyni laakinse mustaqbalka siyaasadeed ee madaxweyne Xasan Sheikh ma qurux badna waxeyna u badan tahay in buugaag abdan lag aqori doono walow ay dad badan qabaan waxyabo badan oo qaladaad ah oo wadanka ka dhacay ilaah ka sokow inuu sabab u ahaa ilaa manta u yahay Farax Cabdulqaadir oo ay shaqsiga ay malaayiin Somaliyeeed aaminsan yahiin inuu wadankaan xakumo Xasan Sheikhna yahay maagc u yaal lagu meel marayo walow ay hada miraheedii guranayo siyaasadahii guracnaa ee ay madaxweynaha iyo kooxdiisuy wadanka ku hayeen 4tii sano ee ugu danbeysay.walow ay mudanayaasha badankood hada isgaabinayaan marka dhabta loo tagse ay meesha ka saari doonaan iyagoo weliba waxoogaa dhaqaalo ah ka helay madaxweynaha iyo kooxdiisa arintuna ay noqon doonto ka qaad kana codey.

Waxeysa su'aal aad muhiim u ah bulshada Somaliyeed ka taagan tahay goorta Laaluushkaan aan lalal gabaneyn ee hada wadankeena caadiga ka noqday laga suulin doonaa wadanka?

La soco wararkeena danbe dhawrka saac ee inagu soo aadan maadaama ay hada saacad saacad arintu isku bedeshay.

isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

#1 | VioletteBui63 on August 18 2015 20:16:08

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,633,394 unique visits