Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Mooshinkii madaxweynaha Somaliya laga keenay dhawaan ay u gudbay qaab dastuuri ah in lagu dhameeyo si aan loogu tuman sharci yar ee markii horeba la soo dhoodhoobay ee uu wadanku lahaa.

Hadaba kulmao joogta ah oo siyaabo kala duwan uga dhacaya caasimada Somaliya siiba kuwii ugu danbeeyey ee dhax maray xildhibaanada baarlamanka ee madaxweynaha mooshinka ka keenay iyo wakiilada beesha caalamka ayaa u muuqda mid ku soo dhamaaday sidey doonayan xildhibaanadii mooshinkaan keenay kedib markii ay caalmak sida warar sugan aanu ku heleyno us heegeen in uusan mooshinkaan waxbo ka duwaneyn kii horey xilalka looga qaaday masuuliyiintii ka horey madaxweynaha.

Sidoo kale waxaa si horudhac ah xildhibaandu u sharaxeen in marka uu madaxdweynaha Somaliya Xasan Sheikh Maxamud Iscasilo amaba xilka ay golaha shacabku k axayuubiyaan uu wadanka si kumeel gaar ah mudo 30 maalmood ah u hogaankiisa ula wareegayo gudoonka baarlamaanka mudadaas kedibna hadii madaxweyne dhameystira mudada yar ee xukumada hada jirta u hartay lagu soo dooran doono,hadii ay mudanaayaasha barlamanka u gartaan inuu mudadaas si kumeel gaar ah xilka u sii hayo gudoomiyaha baarlamanka xilka gudooniyaha baarlamaankana uu la wareego kuxigeenkiisana iyaduna waa qodob kale oo ahda miiska u saaran mudanayasha maadaama ay marba marka ka danbeysa ay meesha ka sii baxeyso rajadii aheyd inuu mudada u hartay madaxweynaha hada jira dhameysto ayba meesha ka baxeyso sida muuqata.

Sida ay xaaladu u socoto waxaa howsha gudoomiyaha baarlamanka la wareegi doono kuxigeenkiisa 1aad halka ay u abdan tahay mudada xukuamda u hartay in uu xilkaan sii heyn doono Prof Jawaari hadii loo baahdane madaxweyne mudadaas dhameystira lagu soodooran doono mudo 30 cisho ah gudaheed.

Wararkii ugu danbeeyey ee anau ka heleyno caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in mooshinkii madaxweynaha loo gudbinayo maxkamada sare, maxaase dhici kara hadii maxkamada sare loo gudbiyo?

Hadii maxkamada sare loo gudbiyo waxaa macquul ah in uu waqtigu dheeraado maadaama madaxweynaha Somaliya laga doonayo inuu iska difaaco dacwada ay ka soo gudbiyeen mudanayasha baarlamanka, inta ay dacwadaasi dhianc u dhaceyso amaba dib loogu soo celinayo golaha shacbaka iney ka doodaane madaxweynaha masuuliyad qaran ma sheegan karo.

In maxkamada sare mooshinka madaxweynaha loo gudbiyo amaba golaha shacabku mooshinkaan ka doodo sidaasina xilka uga qaadaan waxaa kun jeer ka wanaagsan inuu isagu iscasilo oo uu isagoo nadiif ah oo aan waxbo loo heysan baarlamankuna u cadeyeen in aan danbi lagu soo oogi doonin hadii shaqada si sharaf leh uga tago uu xilka madaxweynaha sidaas ugu dego hadii uu doonaan wadankiisa dhinac ka joogo hadiikalena aduunyada degaan iyo nolol u raadsado kuna noolaado dhaqaalahii uu wadanka in loogu qabto ka cuuriyaamiyey ee hada gacantiisa ku jira.

Isku soo duuboo rajada uu madaxweyne Somaliyeed ku siiahaan karo isbuucyad inagu soo aadan tiil ilaahey iyo nasiibka qofka waa meesheeda laakinse aad ayey u adag tahay inuu dalka Somaliya Xasan Sheikh ka sii ahaado amaba loogu yeero Titlle-ka Somali President amaba madaxweynaha Somaliya.

Waan dareemi karnaa marka uu qof masuul ah ku fadhiyo xil qaran dadka waxuu ugu jecel yahay qofka isagoo kalsoonida shacabka Soomaliyeed lumiyey ku yiraahdo madaxweyne ayaad sii ahaaneysaa oo beentaas iyo rajo aan jirin geliya si ay waqtiga ugu lumiyaan amaba hadalkaas uga dhigtaan af gobaadsi,hayeeshee mooshinka ka yaalo madaxweynaha Soomaaliya dal iyo dibad ayaa meelaha ay Somalidu ku badan yahiin looga doodaa Somali badankeedna xitaa hadii uu madaxweynaha yiraahdo Dalka iyo dadka Somaliyeed jano ayaan gelinayaa kama yeelayaan hadii isagoo mooshinkaan laga keenay safar dibadaane aado wey ku adkaan doontaa inuu soodhaweyn kala kulmo jaaliyadaha dibada oo hore xiligiila doortay si weyn meelkasta oo uu booqdo ugu soo dhaweyn jiray,maadaama uu ku magacaawnaa xil qaran amaba hogaankii dalka.

Mid ka mid ah dadka ay aadka uga soo gaartay dhibaatada mudadii uu xilkaan hayey madaxweynaha kuna waayey caruur badan qaraxyadii wadanka ka dhacay ayaa laga soo xigtay in ay tiri" Xasan Sheikh inaga waanba ku gablanay mudadii uujoogay qaraxyadii wadanka ka dhacay ee kuwa ay weli u nool yahiin caruutooda iyo laabdii dhashay uusan mustaqbalka uga ciyaarin ee xafiiska si sharaf leh isagoo danta dalka iyo dadka eegayo ha u tanaasulo si horey loogu socdo yuusan isku dhejin xafiiskaan looga horeyey maamulkiisa loogana danbeyn doono"ayaana hadalkeeda ku soo gunaanaday.


Hadaba hadaan nuxurka soo koobno siyasadii wadanka Soomaaliya oo maalinba meel soo joogtay maanta waxey ku soo aruurtay in uu madaxweynaha Somaliya xilka uu hayo ug adagi doono iscasilaad amaba ay ka xayuubin doonaan golaha shacabka qodobada hada miiska u saaran mudanayaasha baarlamankane waa labadaan qodob.

1- Gudoonka baarlamaanka oo mudo 30 maalmood ah masuuliyada siihaynaya lagana yaabo inuu dhameysan doono mudada ka hartay dowlada hada jirto xilka uu ahda ku magacaaban yahayne uu si kumeel gaar ah ugu wareego kuxigeenkiisa halkaasne laga amba qaado amaba laga shaqeeyo qaabka ugu haboon ee ay wadanka doorasho uga dhici karto.

2- In mudada uuxilkaan hayo gudoomiyaha baarlamaanka Somaliya Prof Jawaari ee 30 ka maalmood ah maadaama ay golaha shacbaka awood u leeyahiin qibradoodiina leeyahiin iney ku soodoortaan madaxweyne kumeel gaar ah oo masuuliyada sii haya waqtiga u haray dowlada hada jirta oo ku ekaa bisha 8aad ee sanadka soo socdsa ee 2016-ka arintaasne ay beesha caalamku kala shaqeyso golaha shacabka malina uu madaxweynaha ilaa ugu badnaa 90 maalmood amaba arintaas laga howgalo inta ka dhiman sanadka,waa sida ay ku taliyeen quburo sharci yaqaan ah.

La soco wararkeena danbe,

Ish awarka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,600,266 unique visits