Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Magaalada Mogdishu iyo guud ahaan gayiga ay bariga Africa kaka nool yahiin inta ku hadasha afka Somaliya iyo weliba Somalidii u haajireen dalka dibadiisa ayaa aad u hadal haya mooshinka ka yaalo madaxweynaha Somaliya oo ay malaayiin Somaliyeed oo weliba ay u badan yahiin dad xilkas ah iyo kuwo horey dalka uga soo qabtay xilal muhiim ah qirsan yahiin,in uusan dalka Somaliya waqti xaadirkan ka jirin gole shacab oo adag lana xisaabtami kara madaxweynaha hada jira oo la rumeysan yahay in ay gacantiisa ku jirto amaba uu la wareegay dhamaan awoodii Hayaddaha sida midii fulinta iyo sharci dejinta intaba, marka laga reebo in golaha shacabka la marsiin jiray kaliya mooshinada uu madaxweynaha ka keeno hadba r/wasarahii uu isagu doonayo in shaqada laga ceyriyo sabab la,aan.

Hadaba tan iyo markii gacanta loo geliyey gudoonka baarlamanka mooshinkii cilmiyeysana ee ay madaxweynaha ka gudbiyeen mudanayaasha baarlamaanka qaarkood waxuu dib u soo celiyey karaamadii wax kaleba iska daaye in ay mudanayaasha baarlamaanku ka helaan ixtiraam aysan ka heli jirin xafiiska madaxweynaha waxeyna hada iskugu jiraan qaar loo furo albaabada amaba xarunta Villa Somaliya qaakoodna waxaa laga bixiyey safaro yar yarow ah oo aan sidaasi u buurneyn oo ay ku tageen gobolada dalka qaarkood halka kuwona loo sameeyey balanqaadyo aan intooda badan run noqon doonin marka laga reebo in ay waxoogaa dhaqaalo kooban ka helaan xafiiska madaxweynaha si uu culeyska mooshinka iskaka yareeyo, waxaadna moodaa in ay hada xildhibaanada qaarkood ku jiraan waxa la yiraahdo Honey Moon oo ah marka wiil iyo geber is guursadaan bisha ugu horeyso oo ay isku xiiso qabaan ayaa la yiraahdaa Honey-Moon.

Laakinse aduunyada waxaa jira fursad hadii ay mar ku soo marto hadaad ka faa'ideysan weysid adiga dib kuugu soo noqoneysa waana waxa maanta siyaasada wadanka ka heysta gudoonka barlamaanka oo uu ugu horeeyo Prof Jawaari hadii uu howsha iyo xilka qaran ee uu ku magacaaban yahay kitaabkana u maray inuu si Alla ka cabsi leh ugu adeegi doono dalka iyo dadka Somaliyeed shakigana uga saaro malaayinta Somaliyeed ee inadhooda ku arkey amaba xanta ku maqlay in uu madaxweynaha dhamaan la wareegay Hayaddahii dowlada oo ay kuwa ku magcaaban maqaar saar yahiin inuu arintan labo weji midood u yeelo inta aanan soo bandhigin dhawaan hadii mooshinkaan la meel marin waayo amaba wax macquul ah loo sheegi waayo shacabka Somaliyeed halka ay saldhigan donaan mudanayaal badan oo hada si hoose iskugu diyaarinaya iney iskaka tagaan caasimada Soomaaliya iyagoona saldhig ka dhigan doono 3 ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn dalka Somaliya midood.

1-Prof Jawaari isagaa laga doonayaa inuu si waadax ah u yiraahdo sharciga ayaa qofkasta ka weyn mooshinkii madaxweynahane waxaan u gudbiney maxkamada sare hadii ay doonaan madaxweynaha iyo kooxdiisa gudoomiyaha maxkamda sare oo ay horey u sheegeen in aan xilka qaran ee uu sheegto lagu amini karin intey laaluushaan isaguna Somalida hortooda intuu ka hadlo ha yiraahdo madaxweynahu danbi ma leh sidaasina mooshinka ku baaqdo iyadoo sharciga wadanka u yaalo leyska indha tirayo.

2- In Prof Jawaari si raganimo leh u yiraahdo oo Somaliweyn intiiba dowladnimada aminsan magacaas waaba lagu kala tagay mar hore u sheegaan in aysan mooshinka madaxweynaha waxbo ka qaban karin ayna awooda barlamaanka iyo mida xukumada ay gacanta ugu jirto Xasan Sheikh iyaguna yahiin kaliya koox mushaarka iyo biilka ilmahooda oo kaliya u jooga halkaas, waayo waxa qormayo waa tariikh laga sheegeyn doono mustaqbalka maantana beri ma noqon doonto marka dib loo eego qaabkii xilalkooda looga qaaday labadii R/wasare ee ugu danbeysay sharcigii qabtay kuwaas haduu maanta qaban waayo Xasan Sheikh taasi micnaheedu waa in uusan wadanku laheyn sharci lagu shaqeeyo iyo gole baarlamaan oo xakameyn kara fowdada madaxweynaha ku hayo wadanka.

Amaba Mooshinka madaxweynahu laaluush ha isku difaaco wax sumcad siyaasadeed ah oo uu hada dhawranayo maba jirtee in kiiskiisa ay gudoonka baarlamanka horgeeyaan golaha shacabka wax ka dhaxeeya ma jirto, waayo in maanta markii la soo gaaray mooshinka madaxweynaha laga dhigo mid qabiil oo xildhibaanada tashuush lagu furo shaley markii labada R/wasare xilka laga qaadayeyna loo arkey kuwo ay is qabteen kaliya madaxweynaha waxaasi mahan arinka turjumeysa siyaasada dhabta ah ee la doonayey in lagu bad baadiyo dalka iyo dadka.

Hadaba dhawaan hadii mooshinkaan laga weeciyo sida sharciga qabo naga filo sida ay mudanayaasha qaarkood iyagoo aan weliba mediyaha ka sheegin uga guuri donaan caasimada Soomaaliya waxii markaas ka danbeeya marka uu mooshinka burburo heerka hose amaba qiimo darada ku dhici doonto gudoonka baarlamanka siiba Prof Jawari oo hada la madadaalinayo madaxweynahuna ku mashquulin doono dhawr safar oo ku xigi doono midka uu hada ugu maqan yahay UAE kedib, waayo madaxweynaha wuu ogyahay in uu wadanka iyo dadka Somaliyeed ka galay danbiyo waaweyn iyo qiyaano qaran waxuuna hada ku mashquulsan yahay sidii uu u heli lahaa dowlad magan galyo siyaasadeed siisa laakinse ujedkiisa ugu weyn hada waa sidii uu halmar u fashilin lahaa golaha shacabka marba hadii uu isagu xilka baneynayo si uusan fursad ugu helin gudomiyaha baarlamanka inuu wadanka ka noqodo madaxweyne kumeel gaar ah mudo bil ah marka uu xilka ka dego madaxweynaha hada jira amaba ay golaha shacabku xilka kaka qaadan mooshinka hada ka yaalo.

Sido kale madaxweynaha waxuu ogaaday oo uu xaqiiqsaday in ay diyaar tahay tiradii xilka ka qaadi laheyd oo rasmi ah xildhibaanada xafiiskiisa ku noqnoqonayana ay kaliya halkaas u joogaan sidii ay dhaqaalo ugu heli lahayeen nin weyn wadkiisa waa yaqanaa arintaas ayaana ugu weyn inuu madaxweynaha dib u dhac badan geliyo mooshinka ka yaalo xili uu raadis ugu jiro wadankii uu ka heli lahaa magangalyo siyaasadeed.

Waxaase muhim ah hadii uu mooshinkaan oo hada meel fiican soo gaaray uu ku burburo gacanta gudoonka baarlamaanka in aysan masuuliyiinta hada xilka gudoonka baarlamanka ku magacaaban sidey u dhan yahiin sida Prof Jawaari iyo labadiisa kuxigeen waa fursadii ugu danbeysay ee soo mari doonta waxana la arkidoonaa iyagoo lumiyey tiradii ugu badneyd ee mudanayaasha baarlamaanka wax karamad ahne aan ku laheyn shacabka Somaliyeed dhexdooda tiiyo ay Prof Jawaari u dheer tahay in madaxweyne Xasan Sheikh isagoo taagan ku kordhisay maamulka Kofur galbeed hadane isagoo taagan lagu kor dhisayo soo xulista xildhibaanada maamulkaas inagoo og inuusan wax awood ah ku laheyn arintaas maadaama intii uu safarka ku joogay waqooyiga Ameeriga siiba wadanka Kanada loo heshiiyey hadane mooshinka madaxweynaha inuu sida uu iskaka haayo isagoo aan go,aan raganimo leh ka garin inuu gacantiisa ku baabo ayaa lala damacsan yahay kedibna isagey ka shaqeysan doonaan, intaba mooshinkaan madaxweynaha yaalo amaba laga doodayo wey jiri doonta karamada baarlamaanka mudanyaashuna kii tageersan mooshinkaan iyo kii aan tageersaneynba waxey sharaftooda ku jirtaa iyaga iyo dhamaan gudoonka baarlamanka in ay mooshinkaan madaxweynaha meel marsiiyaan maadaama calamkii iyo Soomaaliweyn loo marsiiyey iyagoo aan caruur aheyn xildhibaano iyo gudoon baarlaman laaluush ku noolayaal ah waa in ay ugu yaraan kolba waqtigu waaba dhamaan rabaaye isticmaalan xikmadii ay Soomaalidu ku hal qabsan jirtay ee Waari Meyside war haka haro si madaxweynayaasha Xasan Sheikh ka danbeeya tusaale fiican ugu noqoto inba inta mooshin laga keeno hadane golaha shacabku ka doodaan sidaas xilkooda looga qaadi karo, dan yaana shacabkaan dhibana mudada fog ugu jirto in la meel mariyo mooshinka ka yaalomadaxweynaha.

Isku soo duuboo gudoonka barlamanka iyagaa daahinaya mahane Xasan Sheikh sida aanu xog ku heleyno siyaasada Somaliya wuu ka rajo dhigay.

La soco wararkeena danbe iyo hadii mooshinkaan laga weeciyo hadafkiisa magaalada loo diyaariyey xildhibaanada ugu badan golaha shacabka ee ay fariisin ka dhigan doonaan mudada uga hartay waqtigooda iyo sida markey xildhibaanadaa gus uguuraan magaaladaas ay beesha caalamkuna uga guuri donaan caasimada Somaliya ee Mogdishu ayna meesha dhan uga bixi doonto kuturi kuteen hada lagu hayo Mogdishu sida madaxweynaha ayaa la kulmay xildhibaanada Hawiye iyo mooshinka wey ka laabanayaan iyo wax la mid ah waxaasi oo dhan waxey qeyb ka tahay fashilka siyaasadeed ee dalka Somaliya ka heysta madaxweynaha hada jira waayo xildhibaanadii mooshinka keenay warkooda wey cadeeyeen gudoonka barlamaanka ayuuna gacantiisa ku jiraa isaga ayaana laga doonayaa inuu meel mariyo.

Soomaali hada uma xiiso qabto siyaasado beeleed qaran ayaa laga hadlayaa shaleyba markii mooshinka xilka looga qaadayey labada r/wasaare laga soo abaabulayey xafiiska madaxweynaha qabiil iyo qurun lagama hadleyn midkanina waa la mid waana muhiim in la meel mariyo ayaa laga soo xigtay mid ka mid ah golaha wasiirada hada jira oo u arki doono cadaalad daro weyn in labo R/wasaare lagu rido rabitaanka madaxweyne Xasan Sheikh hadana kiisa leyskaka hayo xafiiska gudoonka baarlamaanka.

" Adeer meeshii ay mar kale Somaliweyn ku kal tagi laheyd hada ayaa la jogaa waa in 3 arimood midkood Somalida loo sheego. 1- Mooshinkii waa laga laabtay oo waxuu qabtaa moshin inta aan ka soo jeedin qabiilka Hawiyaha.2-Mooshinkii maxkamda sare ayaa loo gudbiyey iyadaana laga doonayaa iney dib ugu soo celiso golaha shacabka madaama aysan jirin maxkamadii dastuuriga aheyd. 3-Mooshinkii golaha shacabka ayaa la geeyey halkaas ayaana cod loogu qaaday madaxweynaha. intaas waxii ka dhaxeeya waa waqti lumis xildhibaano qabiil qabiil u kala safana ma jirto dhamaantood mooshinka ayey ku jiraan marka ciladu sida uu sawir gacmeedka uga sameeyey Prof Jawari farshaxaniistaha weyn ee Somaliyeed Amiin Caamir ayaa run noqondoonto oo cadaalada ayey gudoonka baarlamaanka ka dagi doonaan amaba mooshinkaas umada Somaliyeed waqti kale lagama lumin doono marka uu madaxweynaha soo laabto inta uusan safar kale ugu kicitimin wadanka Taliyaniga ayaa go,an laga gaari doona" sidaasina waxaa yiri General ka mid ah kuwa ugu sareeya Ciidamada Xooga Dalka Somaaliya oo aanu ka gaabsanay in aanu xusno magaciisa.

Sida muuqata hada xaalku waxuu marayaa hal qof amaba madaxweynaha Somaliya oo hada fudud inuu is casilo sida uu isaguba jeclaan lahaa marka danaha urur diimedka uu ka tirsan yahay meel leyska dhigo laakiinse waxaa la gaari doonaa hadii mooshinkaan iska sii heystaan gudoonka barlamanka xili silama filaan ah uu golaha shacabku ku burburo oo la waayo 2016-ka meel wax laga bilaabo hadiise madaxweynaha xilka laga qaado si kumeel gaar ahne hogaanka wadanka ugu wareego gudoomiyaha baarlamaanka waa fikir caafimaad qabo wadankiina waxuu u muuqanayaa mid leh gole shacab oo go,aan ka gaari kara waxii iyaga dhaxdooda ah kedibna madaxweyne kumeel gaar ah mudo 30 maalmood ah iyo xukumad kooban lagu soo dhisohowsha mudada ka hartayna iyagu dhameeyansoona diyaariyan qaabka uga haboon ee ay doorasho ku dhici karto. hadiise mooshinkaan sidan ku fashilmo wax aan ceeb aheyn oo gudoonka baarlamanka ka soo gaaraya ma jir donto labo magaalo oo ay xildhibaanadu kala tagaane waa dib u dhac xoogan oo aan laga soo kabsan doonin taariikh xumadaasne waxa masuuliyadeeda qaadan doono madaxda uu hada gacantooda ku jiro mooshinka siiba gudoonka barlamaanka waa muhiim in la helo go,aan qaban karo shaqsikasta wala madaxweyne sida uu sharciga u qabto dhalinayrada oo ay hadaba xabsiyada Somaliya uga buuxaan iyagoo qaarkood danbiyo yar yar lagu heysto.

Ma aheyn wax lagu farxo in Xasan u wadankaan quruxda badan ee ay dadkiisu bad baado u baahan yahiin xilkaan culus loogu dorto isagoo xubin ka ahaa urur diimeed marba hadii uu wadanka afar sano kedib uu halkaan ku danbeynayo, walow ay waxkasta ku jirto gacanta Allaah hadane meesha laga filayey dowladii xilkaan loo dortay 2012 iyo heerka uu wadankeena marayo iyo sida uu faraha ugu sii baxayo maalinba maalinta ka danbeysa waxey noqon doontaa arin laga sheegeyn doono mudo fog.

Somali badankeed dib ha ugu laabteen qoraaladii aanu ka qori jiray Mooshinkii laga Keenay labadii r/ wasaare ee ugu danbeysay Saacid iyo C/Weli waxey shabakadaan si toos xiligaas wax ugu qoreysay in ay fudud yahiin iney iyaga baxaan markii ay isku dhaceen madaxweynaha hada uu ka yaalo Mooshinka Xasan Sheikh,waayo wacyiga siyaasadeed ee xiligaasi jiray ayaan suurogelineyn inuu madaxweynaha baxo , hayeeshee maadaama uu mudi 3 sano ah kedib iyadoo shaqadii daraadii looga ceyriyey labo R/wasaare sheegay in aysan doorasho dhaceyn 2016 bulshadana waqti badan ka lumiyey maanta maalin ay kaka haboon tahay in mooshinkaan hada yaalo ay meel mariyaan gudoonka baarlamaanka ma jirto.

Waxaan ka hadleyno waa nidaam dowladeed iyo qaran Somaliyeed oo xalaal ah musuq maasuqana ka maran yahay si loogu helo dalkeena HOOYO waana howsha maanta hor taalo gudoonka baarlamaanka hadiiba ay cadaalad Somaliya ka jirto amaba hadaan hada ka hor lagu dhiiran hada la doonayo in la sameeyo waa in sidii loo meel mariyey Mooshinkii Saacid iyo C/Weli midka ka yaalo Xasan Sheikh loo meel mariyo.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com



Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,589,376 unique visits