Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Golaha wasiirada hada jira aya waxaa soo fuuley culeys la mid ah midka hada ka heysta madaxweynaha moshinka ka yaalo oo ay dhici karto inuu noqon doono midkii lagu firaaqeyn lahaa caasimada Somaliya hadii laga weeciyo sida ay rajeynayaan malayiin Soomaliyeed oo marqaati ka aheyd waxii la soo maray 25 tii sano ee ugu danbeysay ee uu wadankeenu noqday beylah.

Hadaba wararkii ugu danbeeyey ee anu ka heleyno xarunta Somaliya ee Mogdishu ayaa sheegayo in dhawan la kala dirayo golaha wasiirada sidey u dhan yahiin hayeeshee inta aan arintaas lagu dhiiran ayaa si loo mashquliyo wasiirada qaarkood maadaama la xaqiijiyey in ay xilalkooda waayi doonaan sidey u dhan yahiin lagu wargeliyey in uu midkasta kalsoni kala yimaado xildhibaanada ka soo jeeda beeshiisa,dabcan waxa loo diraya waa waxii ay Somalidu dhihi jirtay Sanbus Afargees ah waayo wasiir la go,amiyey inba uu xilkiisa wayi doono oo hadane dhinacii kale xildhibaano la doonayo in iyaga xilkooda loo magacaabo kalsooni kala imaada wey iska catahay natiijada ay la kulmayaan.

Waxaase muhiim ah in ay Somali badankeed fahmaan wadokasta oo loo maro siyaasada hada ka taagan wadanka iyo wasiiro kasta oo leysku shaandheeyo amaba moshinkasta oo r/wasare laga keeno waxbo kama bedeli doonto ilaa systemka dhan waxuu ka qaldan yahay dusha sare moshinka madaxweynaha la meel marinayo ayuu yiri mid ka mid ah siyaasiyiintii hore ee xilal kala duwanka soo qabtay dowladahii ay hogaminayeen Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo Aden Cade waxii ka danbeeyey markii ay Somaliya heshay xornimada kedib, mar la weydiiyey siyasigaas sida uu u arko xalada siyasadeed iyo moshinka madaxweynaha Somaliya ka yalo.

Dhalinyaro yar yar oo uu midkasta markuu 6 bilood wasiir ayaad tahay la yirahdo shaqada laga ceyriyo xal ma keeni doonto wax badan oo hada leyska indha tirayona ma sii shaqeyn doonaan,waxaanse ka hadleyno waa jiritaan umadeed iyo bad baado dal, waa in ay Somalida ehelka u ah sidii aanu u noqon laheyn wadan jira oo dhinackasta ka horumarsan iska iloobaan siyaasadaha ku dhisan xamaasada iyo danaha qabiilka, madaxweynaha markii la dooranayey qabiil ma geyn kursiga uu ku fadhiyo isaga iyo kooxdii ay saaxiibada ahayen ee hada doneyso iney xilka gudomiyaha ururka ka qadaan ayaa ka shaqeeyeen hadey istusiyeen in la jogo xiligii ay xilka gudomiyaha ururka ka qaadi lahayeen si ay jiritaanka ururka u dabaqabtan maxaad u maleyneysaa xilkii qaran miyuusan bad baado u baahneyn isaguba?

Isku soo duubo xaalada siyaasadeed ee Somaliya ma qurux badna waxaana waxkasta sii murjin dono moshinkan madaxweynaha ee iska yaalo xafiiska gudoonka baarlamaanka, wasiiro masaakiin ah ayaa xil ka qadistooda lagu mashqulayaa iyadoo system-ka dhan Upside Down yahay waa arin cajiib ah uu yiri mid ka mid ah wasiirada xukumada r/wasaare Cumar oo isagu siiba ogaa in lagu bedelayo shaqsi ka soo jeeda beeshiisa oo isagu xildhibaan ah hadane la yiri isaga ka keenso taageero (Wow).

Hadaba la soco hadba sida ay wax isku bedelaan walow inta badan wakiilada beesha caalamku sugayaan mudanayaashii ugu badnaa ee dhawaan qorsheynaya iney iskaka baxaan caasimada Mogdishu waa sida u qorsheysan hadii lagu fashilmo meel marinta moshinka madaxweynaha madaama calamku ahda ku dadaalayo si uusan u burburin golaha shacabka oo ah heykalka kaliya ee la hubo iney sii jireyso dowladnimada Somaliya intaba ay jiraan waxey iyaguna u guri donaan hadba meeshii ay tirada ugu badan ee mudanayashu adaan mana doneyno in aan hada ka hordhacno wax badan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
14,600,242 unique visits