Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 1
admin

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Mooshinkii ay dhawaan ka gudbiyeen xildhibaanada baarlamaanka madaxweynaha Somaliya Xasan Sheikh Maxamud ayaa uguu danbeyn ku dhacay gacanta gudoonka maxkamada sare waana mooshinkii noociisa ah ee madaxweyne Somaliyeed laga keeno, oo iyadoo mususq maasuq lagu eedeynayo loo gudbiyoo maxkamad int ala xasuusto taariikhda Somaliya.

Madaxweynaha Somaliya oo magaalada Mogdishu maanta ka dhoofay isagoo ka xanaaqsan go,aan ay mooshinkiisa ka qaateen gudoonka baarlamaanka Somaliya ogaana in maxkamada sare loo gudbiyey ayaa waxuu ku sii hakaday wadanka Jabouti oo uu kula kulmay madaxweynaha wadankaas.

Sida aan xogta ku heyno gudoonka sare ee maxkamada ooisagu ahaa shaqsigii markii uu doorashada ku guuleystay madaxweynaha Somaliya Kitaabka ku dhaariyey ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo celiyo golaha shacabka isagoo weliba cadaalada iyo marxalada uu wadanku ku jiro eegayo.

Howshawey ka soo dhamaatay dhinacii gudoonka baarlamaanka hadii lagu eedeynayey in uu daahiyey mooshinka in maxkamada loo gudbiyo, hayeeshee arintaan ayaa waxey meesh aka saareyaa hamigii ahaa in uu madaxweynaha xildhibaanadii mooshinkaan keenay kula korkortamo in ay soo dhisaan r/wasaaare cusub iyo xukumad cusub.

Hadaba marka dib loogu laabto siyaasada Soomaaliya xiligii uu wasiirka cadaalada ahaa Faarax Cabdulqaadir waxaa la xasuustaa dagaalkii aan geedka loogu gaban ee ay ku hayeen madaxweynaha iyo kooxdiisa gudoomiyaha maxkamada sare, taasi oo markii uu maqlay madaxweynaha in kiiskiisa maxkamada sare oo uu gudoomiye ka yahay Ilka Xanaf loo gudbin doono waxyaabahii isla markii laga dhawaajiyey ayaa ahaa in uusan Ilka Xanaf istaahilin in loo geeyo dacwad madaxweyne iaygoo u arkey inuusan miisaankaas laheyn.

Waxeyse wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno magaalada Mogdishu ay sheegayaan in uu xaalku ku socdo waji ka duwan midii ay Somalidu maqlayeen lagana yaabo inuu madaxweynaha safarkiisa soo gaabiyo si uu dacwadaas iskaka difaaco.

Laakinse si karaamada loog aqaado Ilka Xanaf waxey madaxweynaha iyo kooxdiisu ku andacoonayaan in la laaluushi karo gudoomiyaha maxkamada sare. bal ka waran waxa hada laga hadlayo waa musuq maasuq welina in la isticmaalo lagama xishoonayo nolosha caadigaa ayuu u yahay madaxweynaha iyo kooxdiisa.

La soco wararkeena danbe

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,613,363 unique visits