Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 4

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaBaaq Ku Socda Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan

Kadib kulan qadka telefoonka ah oo aay iskugu yimideen qurba Joogta Hiiraan ayaa kaga hadlay hadalkii kasoo yeeray Gudoomiyaha Hiiraan Mudane Abdifatah, ayagoona baaq kasoo saaray kulankii maanta eey isku yimideen qurba Joogta Hiiraan ee dhamaan daafaha dunidda.

Bulshadda Reer Hiiraan iyo Qurba Joogtoodaba mar hore ayeey waxeey si qayaxan uga horyimideen isku darka labada gobol, sidaas darteed adigoon cidna kala tashan ayaad aqalka Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ku saxiisdey in leeysku daro Goboladda Hiiraan iyo Shabeeladda Dhexe.

Guddoomiye, sharciga Dastuurka Kumeelgaarka ah ee dalka ka jira ayaa u ogol reer Hiiraan ineey ayahooda ka tashtaan maamul gaar ahna noqon karaan sidaas darteedna waxaa mudo taala gogoshii lagu meel mari lahaana qorshaas adigoo ka mid ahaa siyaasiyintiintii wax ka furey gogoshaas, Si kastaba ha ahaatee, waxa hadda dardar ku socda qurshihii maamul u gaar ah loogu sameey lahaay gobol weeynaha Hiiraan cid is hortaagi kartaana ma jirto.

Waa dhalanteed inaad maalin walba aad ku hadaaqdo isku darka Hiiraan iyo Shabeellada dhexe oo eeysan jirin cid kugu taageersani. Cid kaa qaadaneeysana ma jirto inaad handadaad iyo cagajugleen aad danaahaada gaar ahaaneeyd uga fushato reer Hiiraan.

Mar haddaad ka hor timid rabitaanka reer Hiiraan, waxaan kugula talinneynaa adigoo fiirinaa maslaxada guud iyo xasiloonida gobolka inaad iska casisho xilka guddoomiyenimada ee markiisii horeba waqtigiisa dhamaday. Haddii eey taasi dhici weeyso adigaa mas'uuliyadeeda qaadi doona haddii dagaal sokeeye oow ka bilaawdo gobolka Hiiraan.

Qurba Joogta Hiiraan

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.17 seconds
14,580,914 unique visits