Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Magaalada Belet Weyne oo ah xarunta dhulweynaha Hiiraan ayaa waxaa dhawaan ka furmaya shirweynahii dib u heshiisiinta iyo Ayaha bulshoweynta Hiiraan kaasi oo ay furitaankiisa isku diyaarinayaan waxgaradka dhalinyarada, qurbajoogta iyo weliba aqoonyahano ku nool gudaha wadanka iyo dibadiisaba.

Ciidamada Migowga Africa ee Amsiom ee ku sugan Hiiraan oo shirkaan bilaaw ilaa dhamaad la socday guulo wax ku ool ahne laga gaaray iyadoo shirkaan oo aan noociisa horey loo arag ay dhaqaalahiisa iyo socodsiintiisa ay fududeynayeen qurbajoogta Hiiraan kuwaasi oo sida laga dheehan karo amaba aan warbixin sugan ku heleyno dhawaan qorsheynaya sidii magaalda Belet Weyne loogu soo gabo gabeyn lahaa wajiga koowaad ee shirka oo ay ujeedadiisa ugu weyn tahay marka hore dib u heshiisiin wajigiisa labaadne tahay sidii ay bulshada Hiiraan u yeelan laheyd maamul goboleed ay iyagu raali ka yahiin qaabka uu noqonayana loo marayo rabitaanka shacabka si ay halkaas bulshadu ugu doortaan hadba aqoonyahankii amaba intii isku soo taagta sidii ay bulshada u hogaamin lahaayeen mustaqbalka.


Magaalada Belet Weyne oo dhawr bilood ka hor ay qurbajoogta iska laheyd abaabulka shirkaan ay ka dhiseen hool weyn oo shirarka ah ayaa waxaa dhawaan marka uu shirku bilaawdo waxaa lagu wadaa iney xiritaankiisa ka soo qeybgalaan siyaasiyiinta Hiiraan siiba xildhibaanada iyo waxgaradka reer Hiiraan ee iyagu daneynaya sidii ay reer Hiiraan u noqon lahaayeen umad jirta.

Dhawaan ayey aheyd markii ay magaalada Belet Weyne gaareen wafti uu hogaaminayey gudoomiyaha Qurbajoogta Hiiraan Nabadoon Tawane Sabriye kaasi oo ay safarka ku wehliyeen qaar ka mid ah qurbajoogta Hiiraan.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo Haweeneydii uu ka geeriyooday Cabdikariin Farax Laqanyo oo magaalada Mogdishu been ugu soo sheegeen Xasan Sheikh iyagoo qandaraas kula soo galay in la siin doono 500 kun marka ay Hiiraan tagaane dad badan xirxiri doonaan sidii iyagoo ismooda iney wax awood ah gacantooda ku jirto,in ay wax awood ah Hiiraan ku leeyahiin amaba ay beesha Xawaadle sidan sahlan ku iibsan karaan iyo in kale isbuucyada inagu aadan dhegta kor ha u hayaan Somaliweyn.

Waa nin iyo naag hada waxii ka horeyey qiyaali ku noolaa, laakinse dhawaan run badan oo ka qarsoon hadeysanba naftooda ku waayin arki doona.

Maanta ayey aheyd kedib markii dad shacab ah oo ka dhoofaya garoonka diyaarada magaalada Belet Weyne diideen iney bixiyaan canshuur la siin jiray naagtii uu ka geeriyooday Cabdikariin Farax Laqanyo dhawaana waxaa laga yabaa inba gebi ahaan la joojiyo bixinta canshuurta laga qaado dadka shacabka ah ee ka soo xaroota garoonka, maadaama horey loogu guuleystay in laga gooyo canshuurtii Kalabeyr ka soo geli jirtay, waxeyna maxbuus ku yahiin guriga ay magaalada Belet Weyne ka dagan yahiin.

Saraakiisha Amisom ee ka howlgala Hiiraan wey ogyahiin ineysan jirin cid hor istaagi karto shirweyne ay bulshada Hiiraan aayahooda kaka tashanayaan oo weliba dib u heshiisiin ah oo mustaqbalka bulshada ka turjumayo.

Dhawaan hadii aad maqashaan habeen madow ayey magaalada Belet Weyne iskaka carareen ama kacdoon lama filaan ah ayaa inta habeen madow guriga loogu galay lagu qaarajiyey gudoomiyaha waqtigiisa dhamaaday iyo naagtii uu ka geeriyooday Amb Laqanyo xogta aanu heyno mabeeneysaneyno, hayeeshee isaga iyo Xasan Sheikh ayaa dalka Somaliya masuuliyad danbe sheeganaya lama maqli doono filmkooda Hiiraan ayuu ku soo gabo gaboobayaa.

Hiiraan dadku ilaa xad wey dulqaataan nidaam iyo kal adanbeyn ayaana qiimo weyn ugu fadhiso kooxo badan oo siyaasado guran la yimid magaalada Belet Weynane wey jireen midkasta waxaa looga saaray markii ay shacabku dal iyo dib hal mar is abaabuleen amaba ay xumaantooda faraha ka batatay dib u dhac muuqadana bulshada u geysteen.

Waxyaabaha aadka cajiibka u ah oo ay indhahooda ku arkeen qurbajoogta Hiiraan waxaa ugu weyn kuwii masuuliyada sheeganayey ayaa mooryaan ah shacabkii ayaa dad dowlad ah oo nidaam iyo kala danbeyn doonaya u ek waana waxa ay aadka ula yaabeen xitaa ma ahan qurbajoogta kaliya ciidamada Amisom ee Jabouti ayaa la yaaban, waana waxa uu wadanku la dagi waayey mudada fog.

Isku soo duuboo waxaa dhawaan magaalada Belet Weyne ka furmayo shirweynahii dib u heshiisiinta iyo Aayokatalinta bulshada Hiiraan kaasi oo ay horey u diideen Xasan Sheikh iyo kooxdiisa iney taageeraan wanaaga shirkaas iyo dib u heshiisiinta guud ee ay bulshada Hiiraan ku haminayaan, iayduna waxaa qorshahu yahay in lagula dhaqmo ninkii wanaagaaga wanaag iyo xumaantiisa labadaba diid.

Waxyaabahii aadka u xiisaha badnaa maanta markii ay diideeen shacabku iney bixiyaan canshuuta markii ay ka dhoofayeen garoonka diyaaradaha waxaa ugu weynaa markii ay dhamaantood shacabkii ka dhoofayey sheegeen in aysan Cabdifatax Xasan Afrax u aqoonsaneyn inuu Hiiraan ka yahay gudoomiye uuna waqtigiisa dhamaaday mar hore loona baahan yahay inuu been beenta uu Mogdishu kala yimid kala tago Hiiraan inta ay bulshada Hiiraan ka soo dhisanayaan maamul ilaa heer dowlad goboleed ahne uu la mid yahay shacabka, cida kaliya ee ay shacabku la shaqeeyaane ay tahay saraakiisha ciidamada xooga dalka iyo kuwa ciidamada Amisom oo ah masuuliyiin ay qiimo ugu fadhiso nabada, halka gudoomiyaha waqtigiisa dhamaaday uu caawa aad uga murugeysnaa hadii ay isa soo tarto in ay shacabku diidaan iney bixiyaan canshuurta garoonka dhibaatada ka soo gaari karto xaaskii uu ka geeriyooday Amb Laqanyo oo iyadu ah haweeney aan xishoon oo dhawr bilood ka hor inta Hiiraan laga ceyriyey Mogdishu lagu furay hadane Hiiraan u timid kaliya sidii ay uga fushan laheyd mashruuc uu madaxweynaha uu mooshinka ka yaalo u soo dhiibay laakinse Hiiraan ma noqon doonto markii ugu horeysay oo Naagtaan oo kale lagu dilo.

1989 kii ayey aheyd markii magaalada Bulo Burde lagu dilay naag ay xumaanteeda bulshadu isku sheegeen kedibna markii ay magaaalada soo galeen ciidamadii USC intey qabteen iyadoo ku heysa war Col Faarax Gubadley ii geeya iyadoo nool la daldalay dharaar cad, haweeneydaas oo markaan baaritaan ku sameynay magaceeda naloogu sheegay (Saynab Dheer) oo magaalada Bulo Burde caan ka aheyd sida ay inoo xaqiijiyeen dad xiligaas ku noolaa magaalada oo aad loogu kalsoonaan karo hadalkooda, xili ay saadaal ka bixinayeen meesha ay ku danbeyn doonto naagtan uu hada Hiiraan geeyey Cabdifataax Xasan Afrax ayna inta ay goori goor tahay inta hada gacanteeda ku jiro intey qaatato meeshii ay kunoolaan jirtay dib ugu laabato.

Hadey ogtahay qorshaha lala....... yahay bil xaqiiqo dharaar cad ayey Hiiraan iskaka tagi laheyd iyadoo caafimaad qabto bal dadka Hiiraan h aweydiiso oo ha dhahdo Hiiraan hada ka hor naag ma lagu dilay Bulo Burde maxaase lagu dilay kedibna wax badan ayaa u soo bixi doona, hadii ay jeceshahay iney Hiiraan ku noolaato dhib looma arko laakisne waxaa loo qaatay riyo maalmeedkii ay horey ugu soo nooleyd iney joojiso oo a yhada kedib xaqiiqada kula noolaato bulshada,waayo shacabka Hiiraan hadey mar dal iyo dibad iyadoo xumaantaada laga hadlayo ay xitaa dad aan weligaa ku arag xumaantaada maqlaan kaliya waqtiguba ha dheeraadee qofkaas meel xun ayuu ku danbeeyaa waana wax horey loo soo arkey ma ahan wax Hiiraan hada ku ugub ah.

La soco wararkeena danbe iyo shirkweynaha Bulshoweynta Hiiraan

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com







Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
14,579,604 unique visits