Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 8

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Dowlada fedralka oo dhaqanadii ay shacbaka Hiiraan ku heyn jirtay u wareejisay Gedo

Wararka MaantaKhamiis 24, Maarso 20119HSOL)- Dowlada federalka ciidan kama joogo gobolada dalka hayeeshee waxey maalinkasta sheegtaan guulaha ay shacabka gobolada dalka gaaraan iyagoo waligood wax mushaar ah siinin.horey waxey u sheegan jireen guulaha ay garaan ciidamda reer Hiiraan hada waxey cudurkii u wareejiyeen gobolka Gedo ayuu yiri sarkaal reer Hiiraan ah.

Dhawrkii sano ee ina dhaaftay waxaa gudaha Hiiraan ka socday dagaalo ay abaabulkooda lahaayeen dadka u dhashay Hiiraan qaarkood ha yeeshee hadii dagaladaasi lagu fashilmo kama hadli jirin dowlada federalka laakinse hadii lagu guuleysto waxey isla markii sheegtan guusha dagaalkaasi waxeyna xukumada Shiikh Shariif arimahaasi ku soo dhex jirtay mudo. dhawaantan ayey aheyd markii madaxweynah Somaliya idaacadaha ka sheegay in ciidamo dowlada taageersan ay dhaq dhaqaaq ka wadaan qeybo ka mid ah gobolada dalka, waayaabo Shiikhu sow ma ahan nindiinta wax ka yaqaana oo kala saari kara siyaasada iyo beenta uu ilaah xaaraantinimeyey ayuu yiri mid ka mid ah saraakiishii hore ciidamda xooga dalka oo ku sugnaa xiligaasi Hiiraan.

Runtii waxaa ayaan daro ah dowlad iyadii kala hadleysa oo iyagu idaacadaha u fadhisa oo kaliya iney ka sheegato guusha dagaalo aysan shaqo kulaheyn cida abaabulkeeda leh, waxuuna ninkaasi sargaalka ah yiri aloow yaa weydiiya saraakiisha dowlada u joogta Hiiraan magacyadooda Shiikh Shariif amaba Farmaajo lagama yaabo iney kuu sheegaan ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Inkasta oo mudo shacabka Hiiraan dagaalada ay dhaqaalahooda ku bixiyaan oo aysan wax mushaar ah kaka helin dowlada guushooda lala shegan jiray hadane cudurkii iyaga waa ka wareegay oo hada dowladu waxey sheeganeysaa dagaalada ka dhacayo gobolka Gedo kedib markii sargaal u hadlay reer Gedo sheegay in aysan waligoos helin ciidamdooda mushaar ay siisay dowlada laakinse uu aad ula yaaban yahay guusha ay shacabka Gedo gaareen oo ay sheeganayaan masuuliyiinta dowlada.

Waxkasta oo la sheegaba xaqiiqdooda dib baa loo ogaadaa gobolada dalka dowlada uma joogo hal askari oo ay mushaarsiiso laakinse waxaa beesha caalamka laga dhaadhiciyaa in dhawr kun oo ciidamada dowlada ah ay joogaan gobolada dhexe ee Somaliya iyo qaar ka mid ah gobolada Gedo, Bay iyo Bakool.

Xukumada aanu isbedelka ka dooneyno waa taas Somaliyeye ayuu hadalkiisa ku soo gaabiyey mid ka mid ah saraakiisha gobolka Gedo oo iyagu u dagaalamayo qadiyadooda.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
14,633,944 unique visits