Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 8

· Members Online: 0

· Total Members: 152,875
· Newest Member: Aidkguzc

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Inkasta oo ay aad u adkaan doonto kulamo danbe oo baarlamaan oo ay golaha shacabku iskugu yimaadaan xildhibaanada maadama aysan heysan gudon baarlamaan adag oo howshiisa daacad u gudan kara, hadane wararkii ugu danbeyey ee aanu ka heleyno xafiiska madaxweynaha Somaliya ayaa sheegaya inuu amar ku bixiyey in aan marnaba xildhibanada isaga ka so horjeeda mooshinkooda lagu soo qori karin idaacada Radio Mogdishu kaliyana kuwa isaga taageersan bayaankooda lagu soo qoro weyna hirgashay hada arintaas.

Sidoo kale waxaa lagu amray in aysan wararka gudoonka barlamzanka soo deyn hadii aysan aheyn kuwo madaxweynaha niyada u dhisaya iyadoo ujeedka ugu weyn ee uu madaxweynahu ka leeyahay tahay in uu buuqii uu ka qaaday mooshink au wareego qilaafka dhax curta golaha shacabka.

Si aanba mar danbe leyskugu imaan fadhiyo danbe waxaa magaalada Mogdishu ka socda amaba caadi ka noqotay qorsheyaal is dulsaaran hadaanse soo koobno labo ka mid ah waa sidan.

1- Dhinac waxaa ka socda boob xoogan oo dhinaca guryahay ah kuwaasi oo laga boobayo beelaha Daarood oo uu meesh aug abaxo magaca mooshinka idaacadahuna kaliya uga hadlaan dhulal la kala dhacay iyadoarimaha qaarkood la qabyaaladeynayo.

2- Dhinacna waxaaka socda qorshe Prof Jawaari oo intii mooshinkaan ka yiilay madaxweynaha isagu muhiim u aha siyaasada wadanka hada siba aysanba xildhibano danbe iskugu imaan qimaha xafiiska madaxweynaha xildhibaan kasto la siinayo caawa waxey cago cageyneysaa 20 ilaa 30 kun si xildhibaanada kaliya aysan u tagin fadhiyada oo ku mashquulaan xildhibaanada mooshinka keenay.

Madaxweynaha ayaa hadii uu moshinkan meel mari waayola xaqiijiyey in aysan isaga iyo kooxdiisu 2018 ka hor meeln au socon ayn akulamdan uu Jawaari caalamka ku qaldayo ee uu leeyahay wadankeena ayaa ku filan qilaafyada jira iyo hayado maareyn karo ayaan leenahay iyo wax la mid ah hada ma muuqato waayo idaacadii qarankana waa laga xirtay o waadba aragteen o qoraalkii mooshinka kooxda keentay soo saareen lama soo gelin kuwa afka madaxweynaha ku hadlayana iyagoo labo xildhibaan ah sida Qadiijo Diiriye iyo xildhibaan kale ayaa ha sawir oo laga qaaday dadka loog adhigaye boqolaal sawiro bal booqo Radio Mogdishu.

Isku soo duubo wadanka Somaliya laaluusha xafiiska madaxweynaha agtiisa ceeb xiligii uu ka aha amab lala dhuuman jiray waa laga soo gudbay dhawaan naga filo warar sugan oo aanu ka heleyno Villada waxeysa su'aal k ataagan tahay Prof Jawaari wadank ama u hiiliyey mise god dheer ayuu ku riday rajadii 2016 ka?

Waxaa taas ka sii daran Cumar Cabdirashiid oo ay siyaabo kala duwan ula xariirayeen shaqsiyaad isku arka ineyba isaga wax ka dhigeen sidey jaran jaro uga dhiganayaan si ay meesha ug abaxdo mooshinka madaxweynaha kedibna Mogdishu fowdo laga bilaabo si loo yiraahdo doorasho hada iyo wax u dhaw lagama hadli karo.

Isha warka Hiiraan State

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.10 seconds
11,862,166 unique visits