Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 6

· Members Online: 0

· Total Members: 152,372
· Newest Member: Barniqirk

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Kulankan oo ay ka qeyb galeen qurbo joog, odayasha dhaqanka gobolka Hiiraan,waxgarad qeybahiisa kala duwan, ururka dhalinyarada Gobolka Hiiraan iyo Haween ayaa maanta lagu qabtay Hoolka shirka dib u heshisiinta iyo Aayahakatalinta bushada Hiiraan oo ay Magaalada Baladweyne ka hirgaliyeen qurbajoogta Hiiraan.

Dhamaan ka qeybgalayaahii ku sugnaa shirka ayaa soo jeediyay in ay haboon tahay amaba la joogo waqtigii dhulweynaha Hiiraan loo sameynlahaa maamul u gaar ah maadaama aan hada loo baahneyn in taariikhda Hiiraan la baro Somaliweyn iyo shacabka Hiiraan intaba dhianckastana.

Guudoomiyaha qurbo joogta Hiiraan Tawane Sabriye ayaa kulanka ka sheegay in ay haboon tahay in dhulweynaha Hiiraan loo dhiso maamul u gaar ah sida qorshahu yahay islamarkaana aan loo baahneyn in uu meel kale raaco isagoo sheegay in dadka reer Hiiraan looga baahan yahay in ay Aayahooda ka Tashadaan.

Nabadoon Farax Raage oo ka mid ah odayasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ee ka qeyb galay kulan ayaa sheegay in ay soo dhaweynayan dhismaha maamul ay shacabka Hiiraan yeeshaan kuna yimaada rabitaankooda taasoo buu yiri ah howl bilaaw fiican u ah mustaqbalka bulashada Hiiraan.Sidoo kale waxgaradka iyo dhalinyarada iskugu timid madasha shirka ayaa dhamaantood hoosta ka xariiqay in.....

Marka laga soo tago kulamada joogtada ah ee ka socda Hiiraan hadane hadal heynta ugu badan ee 24 kii saac ee ugu danbeysay ayaa aheyd dhulalka danta guud ee uu burburinta ku hayo gudomiyaha uu waqtigiisa dhamaaday ee Hiiraan walow uu sheegay in uu arintaan u sameynayo madaxweynaha Somaliya oo uu lacag deyn ah ku leeyahay awadeed, dabcan dadka maanta shirka ay waxgaradka iskugu yimideen waxaa ku jiray waxgarad dhawaan Mogdishu ka yimid oo aminsanaa fikir ka duwanaa midka ay maanta qateen marba hadey indhahooda ku arkayaan nin dhalinyaraa oo xeradii Darawiishta iyo xaruntii ADC leh waxaan ka iibinayaa ganacsato si aan u soo ceshto lacag deyn ah oo aan ku leeyahay madaxweynaha Somaliya, taasi oo ay waxgaradku u qaateen musuq maasuqii amaba lunsashada hantida qaran ee madaxweynaha mooshinka looga keenay in ay hada kedib rumeysanayaan waayo madaxweynaha C/fataax Xasan Afrax lacagta deyntaa ee u sheegayo inuu ku leeyahay madaxweynaha waa tii saxiixii isku darta Jowhar iyo Hiiraan loo balan qaaday oo markii uu Hiiraan yimid arkeyna rabitaanka shacabka lafahiisa u baqay.

Ina Xasan Afrax oo ogaaday in Hiiraan iyo Sh/dhexe oo leysku daro ay maanta marxalada lagu jiro kun jeer ka fudud tahay Puntland iyo Somaliland oo leysku daro, ayaa waxuu maalintii shaleyto aheyd bartiisa Facebook soo dhigay ereyo uu qurbajogta ku weydiisanayo talo iyo sidii u wax yeeli lahaa waayo Xasan Sheikh iyo isagu midba midka kale ayuu qatalayaa oo Xasan Sheikhna waxuu doonayaa isagoo iska indhatiraya xaqiiqada iyo rabitaanka beesha Xawaadle talooyinka waxgaradka, aqoonyahanada, culimada iyo dhalinyarada oo ah in aysan Hiiraan ilaa xaquuqda kaka maqan dowlada dhexe meel laga saarayo in horey loo dulmayna loo qiro, in aysan dhegna jalaq u siineyn Xasan Sheikh iyo siyaasadiisa Dam-Jadiid.

Ina Xasan Afraxne waxuu isaguna aaminsan yahay maadaama uu arkey in aysan beesha Xawaadle in uu hadlay iyo in kale aysanba kala jecleyn marka uu mediyaha ka hadlayo,maadaama ay horey u barteen hada markasta uu mediyaha ka hadlo reer Sh/dhexe ayaa u jawaabo waayo isagey isku cusub yahiin karaamada ayaana kaka dhici doonto sida maalinkasta marka uu mediyaha ka hadlo isku leeyahiin u jawaabaa, isaguna muhiimadiisa dhan waa siduu ku heli lahaa 500 kun oo balanqaad ah oo sida u sheegay shirkad Xawaalad ah uu dhigay Xasan Sheikh kedib markii ninka dhan ee wadanka ayaan madaxweyne ka ahey leh uu iska dhadhiciyey in uu wiilkaan yar beesha Xawaadle iyo Hiiraan oo dhan iibsan karo hadii lacagtaas loo balan qaado sidaasina isku darka Hiiraan iyo Sh/dhexe looga saxiixo, laakinse ina Xasan Afrax isagoo og inuu waqtigiisii gudomiyanimada mar hore dhamaday talada Hiiraane ay ilaah ka sokow gacantooda ku jirto saraakiisha ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa Amsiom guriga uu B/weyne kaka nool yahayne uu ku heysto kaliya dhawr qoray oo uu isku waardiyeeyo ereyadan ayuu Faceboka soo dhigay waxuuna yiri.

" Markaan dhinackasta ka xisaabtamay waxaa ii soo baxday in aan magaca Hiiraan aanan Haadaan/Qardheer ka tuurin.Xawaadlow lacag balan qaad ah oo dhinaca madaxweynaha ah oo aanan weli badankeed helina waa jirtaa.shacabka Hiiraane in aan xiligaan lagu jiro kala guurka ma doonayo in aan qalbigooda wax iyaga dhibayo sameeyo mar danbe ee bal ma idiinka suurobi kartaa in aad maalmo kooban ii camirtaan si aan dhaqaalahaas u helo kedibna anigaaba idiinka tagayee oo hortiina ka leexanayo oo dibadaha....

Ilaahow yaan Somaliweyn loo soo qorin waxii loogu jawaabay,kedibna waaka markaas waxii ka danbeeyey iibka ku bilaabay dhismayaashii danta guud sida Xeradii Darawiishta, Xaruntii ADC, Schoolkii Ahmed Warsame 0o ku yaalo xaafada Howl-Wadaag, Xaruntii ADC Bulo Burde iyo dhismayaal badan oo ay ka mid tahay dhismo magaceeda naloogu sheegay Saraha Qasaaray oo ku yaalada duleedka kore ee magaalada Bulo Burde.

Isku soo duubo gudoomiyaha waqtigiisa dhamaaday reer Hiiraan weyba ogyahiin heerka uu mooryaanimo ka joogo oneday-na wuu ogyahay in waxii uu mudadii joogay sameeyey maxkamad lagu soo saari doono,waxaase la yaab leh madaxweynaha hada uu baarlamanka u heysto musuq maasuqa ee ninkaan 500 oo kun wadanka aad aragteen sida ay shacabkiisu u dhiban yahiin u balan qaaday lacag intaas la eg oo bulshada loogu dhisi karo ilaa 10 ceel biyood wanaagsan amaba dhul ilaa 2 ilaa 3 KM wado ah amaba wax looga qaban karo mudo sanad ah isbitaalka Bulo Burde amaba midka Belet Weyne, amaba hadaan si kale u dhigno xitaa magaladii uu ku dhashay ee Jalalaqsi oo aan wax xarun caafimaad ah laheyn inuu u dhiso xarun yar oo hooyada iyo dhalanka ah.

Aloow yaa maanta yiraahdo shacabka Shabelaha Dhexe dad wanagsan ayaad tahiin reer Hiiraana idiinma necba iney wax idiinku darsadaan ee meesha ay siyaasadu ka halowday waa madaxweynahan aan dan reer Hiiraan iyo mid Shabelaha dhexe intaba ma wado inta ay goori goor tahay Shir ku qabsada Magaalada Balcad halkaasne Banadir State uga dhawaaqa reer Hiiraana gooynidooda ayey howshooda u wataan sida Isaaq iyo Majeerteen Puntland iyo Somaliland u smaeynsteen, maamul la yiraahdo Banaadir State iyo mid la yiraahdo Hiiraan State iyadoo ay leeyahiin labada shacab lagana gudbay siyaasada qariban iyo damaca waalan ee Dam Jadiid inta labada maamul gudiyo iska dhex doortaan iskaashi dhinacyo badan haka wada hadleen mustaqbalka sida arimaha amniga, dhaqaalaha,ganacsiga xorta ah maadama ay Sh dhexe leetahay Bad aad u baaxad weyn reer Hiiraane yahiin shacab aan la dheyelsan karin ganacsigooda iyo Market-ka yaalo.

Waa talada ugu fiican hadaad maanta talo naga qaadaneysaan, waayo Waa gabeenkii xaleyto ahaa oo tagay hadii ayba dhacdo maba muuqato ifafalaheediiye inaysan shaqeyneyn sida u Xasan Sheikh doonayo inuu hada wax u socodsiiyo waayo,1-waxgaradka Hiiraan oo ay gogol nabadeed u taalo Hiiraan mudo 6 bilood ah ayuu taageeri waayey tiisana looma fadhiyo in la taageero, waxow rabo Mogdishu haka sheego.

2- Waa habeenkii Xaleyto ahaa oo tagay in Hiiraan iyo Jowhar ay Xasan Sheikh iyo Dam Jadiid maamul jacbur ah oo ay gorgortan ku galaan 2016 ka oo ay xildhibaanada deegaankaas ka imaanaya ay Xawaadle iyaga u soo xulaan.

3-Hadii ay dhacdo inba siday rabaan noqoto Xasan Sheikh iyo kooxdiisa waa habeenkii Xaleyto ahaa in Abgaal oo xilka madaxweynaha Somaliya gursigiisa ku fadhiyaan Hiiraan iyo Shabelaha dhexe ay ku hogaamiyaan beesha Xawaadle oo ay madaxweyne ka noqdaan maamulkaas, waxii iska riyo maalmeed ah waa goyni.

4-Ilaa dib u eegid deg deg ah ay madaxweynaha iyo beeshiisu ku sameeyaan sadbursigaan xad hdaafka ah iyo cadaalad darada muuqata ileen dadku caruur maahane,guraasta amaba xilalka dowlada dhexe qaabka uu ula dhaqmay reer Hiiraan oo ay Xawaadle ugu horeeyaan oo uu Abgaalne siiyey 87 Jago oo uu ku jiro xilka madaxweynaha Somaliya, Xawaadlana 2 ila ugu badnaan 3 jago oo uu marka uu weliba doonayo inuu mid cusub siiyo mid ay horey u heysteen ka qaadayo, marka Somalidu waxey ku maah maahda nin aad joogiisa aragtay Jiif looguma daro nin xilkii qaran cadaalad daro ilaa herkaas ah reer adeerkiis iyo reer Abtigiis oo uu weliba kuwii uu ku soo dhax barbaaray sidan nacsnimada iyo doqonimada leh ula dagaalayo waa ayo qofka maanta ka dhageysanayo amaba ka soo hoos qaadayo warkiisa.

Waxa aan u leenahay Banadir State Abgaalow sameysta isagaas ayey sharaftiina ku jirtaahe Xawaadle waa qabiil weyn idinkuna waxaad tahiin qabiil weyn Ilaah aya weyne, Xasan Sheikh ka horna deriswanaagu waa jiray hada kedibna wuu jiri doonaa, hadii kale maalinkasta sidaad jeceshahiin isku sheega.

Waxaa hubanti ah hadii uusan Xasan Sheikh gursiga madaxweynaha ee uu ku fadhiyo uusan ku colaadin laheyn beesha Xawaadle maanta marka ay baashani maqlaan Hiiraan iyo Shabelaha dhexe ayaa la mideynayaa in ay iyagu Shabelaha dhexe idiinku imaan lahaayeen oo ay weliba na hogaamiya idiin dhihi lahaayeen, waxaase jirta maahmaah caan ka ah Hiiraan oo leh Dudumi in la dugaashado iyo in.......iskuma gasho, Inta kale Xasan Sheikh ayaa Hiiraan ku soo koree weydiiya waxa laga wado.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com


Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.15 seconds
11,852,111 unique visits