Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 8

· Members Online: 0

· Total Members: 154,204
· Newest Member: shjitovaolia

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Magaalada Belet Weyne oo uu dhawaan gaaray Taliye kuxigeenka booliska Soomasliyeed Gene Mukhtaar X Afrax ayaa iyo wafti la socda ayey dad badna u moodeen inuu halkaasi u tagay sidii looga bad baadin lahaa xarumahii danta guud ee uu doonayey inuu iibsado ogudoomiyaha waqtigiis adhamaaday ee Hiiraan C/fataaxa Xasan Afrax oo ku talo jira inuu rag uu ku sheegay ganacsato ka iibsanayo xarumaha dowlada iyo goobaha danta guud oo ay ka mid yahiin xaruntii Wiill Waal ee Daraawiishta magaalada Belet Weyne iyo Xaruntii ADC-da.

Hadaba tan iyo markii uu gaaray General Mukhtaar X Afrax magaalada Belet Weyne sida ay hada wax u socdaan iyo sida ay shacabku u maleynayeen waa kaaf iyo kala dheeri.

Shacabku waxey moodeen amaba sugayeen iyagoo weliba hakiyey banaanbaxyo waaweyn oo looga
soo horjeedo gudoomiyaha waqtigiisa dhamaday ee Hiiraan, bal in ay dowladii ninkaas dhalinyaradaa horey u soo magacaawday ay hadana ka celiyaan inuusan iibsan xarumaha danta guud ayaa waxey shaki xoogan ka muujiyeen imaatinka General Mukhtaar X Afrax kedib markii uu maanta dhagax dhigay xarun cusub oo noqon doonta mida ay leeyahiin ciidanka Daraawiishta taasi oo laga hirgelin doono Janta Guundishe taasi oo ka dhigan in xaruntii hore iibkeeda ay dowlada dhexe raali uga tahay gudoomiyaha waqtigiisa dhamaaday.

General Mukhtaar oo ah shaqsi reer Hiiraan aad ugu weyn tan iyo waxii ka danbeeyey burburkii wadankana ka mid ahaa shaqsiyaadka faro ku tiriska ah ee aan dhax dabaalan siyaasadaha guracan ee inta badan wax loogu dhimai jiray bulshada Hiiraan, hadii uu dib ugu laabto magaalada Mogdishu isagoo aan shacabka u cadeyn in ay dowlada dhexe raali k atahay xarumaha danta guud ee la iibsanayo waxaan dhawaan soo bandhigi doonaa shaqsiyaadka kula jira gudoomiye C/fatax boobka lagu hayo goobaha danta guud iyo in uu arintaan qeyb ka yahay General Mukhtaar qudhiisa, walow dadka qaarkiis ay noo xaqiijiyeen in Generalka iyo gudoomiyaha waqtigiisa dhamaaday ay iskula jireen ururkii Burburay ee Dooxada Shabeelle ee uu horboodi jiray C/fatax Xasan Afrax walow uusan inta badan banaanka isa soo dhigi jirin uuna si hoose uga tirsanaa.

Hadaba dhawaan naga filo magacyada dadka iibsanayo ee lagu tilmaamay gaancsatada iyo shaqsiyaadka ku lugta leh min heer gobol ilaa dowlada dhexe, waxeyna arintaan u muuqataa iney tahay maahmaahdii Somaliyed ee aheyd Ratiga hore saanqaadkiisa ayuu kan danbane leeyahay maadaama madaxweynahii dhamaaba lagu heysto musuq maasuq maamuladii gobolada kuwii ku magacaawnaane wadadiisii ayey mareen malaha, hayeeshee waxaan qoraaladeena danbe la sugeynaa kaliya inta uu generalku dib ugu laabanayo Mogdoshu isagoo aan haba yaraatee ka hadlin Xarumaha iibka laguhayo.

Wararkii ugu danbeyeyna waxey sheegayaan in laga soo xigtay gudoomiyaha gobolka Hiiraan maadaama uu waqtigiisa dhamaaday dhawaana ay macquul tahay in si kumeel gaar ah maamul loogu soo magacaabo Hiiraan in uu doonayo si uu nolol ugu abuurto dibadaha inuu gacanta ku sii qaato waxkasta oo uu heli karo oo hanti ah, waa wararka xaqiiqada ah ee maanta yaalo magaalada Belet Weyne dhamaan toodna ragii sheeganayey masuuliyada wey kala tageen ninkasta danahiisa u gaarka ah ayuu raacday oo Hiiraan wax maamul ah kama jiro mark alaga reebo C/fataax Xasan afrax oo isbuuciiba hal mar inta la baxo lacag mediyaha lagu soo qoro isagoo goobo magaalada ka mid ah maraya, waayo waxaa Hiiraan gacanta ku haya amaanka shacabkuna la shaqeeyaan ciidamada XDS iyo Kuwa Amsiom Saraakiisha hogaamineysa maadaama uu waqtigoodii dhamaaday maamulka hada jira iyaguna wey ogyahiin jiritaanka arinatas oo shacab ay kala dhaxeyso wada shaqeyn ma jirto.


La soco wararkeena danbe

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
11,972,652 unique visits