Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 0

· Total Members: 152,368
· Newest Member: luellasf69

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Inta aanan bulshada Somaliyeed arimo badan u iftiimin waxaa muhiim ah in ay dadka Somaliyeed fahmaan heerka uu siyaasiyiin wadankeena marayo iyo sida uu caalamka markii ay dhawr sano ku meel mareen duudka u soo xijiyeen madaxweynaha uu waqtigiisa gabaabsiga yahay mooshinka aan weli dhinac u dhicina ka yaalo.

Dad badan oo aan xog ogaal aheyn aragyitooduna aysan dhaafsiisneyn siyaasada taalo gudaha wadanka,hadii si kale loo dhigan laga yaabo waxa madaxweynahii Somaliya inta caalamkii kale oo kulmay hogaamiye kastaba uu halkaas ka qudbeeyo oo labadii madaxweyne ee ka socotay wadamada afka Somaliya looga hadlo sida madaxweynaha Jabouti iyo kan Somaliya midna u qudbeeyey midna inta meel gooyni ah dhawr wadan oo kuwa Africa u badan intey meel gooyni ah la tageen iskuna masawireen kedibna lagu wargelin in uusan ku qornay qudbadii uu jeedin lahaa waayo shirka QM ayaa kii ujeedada gaarka ah laga lahaa laga soo hormariyey markii uu dhamaaday na wakiilka midowga Africa waxuuba 4 ma'am oo booqasho ku tagay aa sidii uu jaaliyada Somalida ee Mareykanka ula kulmi lahaa.

Dabcan dalka Somaliya ma ahan wadan xor ah xaqiiqadiina waxuu ku jiraa gumeysi aan la aqoon qaab looga faalo oo, Xasan Sh Maxamud na 3dii sano ee lagu mashquuliyo safarada dibada Dabcan maanta haduu yahay shaqsi damiir leh waxuu joogaa shaleyto.

Inagoo bulshada Somaliyeed qodob qodob ugu soo bandhigi doona dhawaan qorshaha loo dajiyey Somaliya waxii ka horeeya 2020,hal maalin qof damiir leh oo Soomaali ma aaminaan madaxweynaha Somaliya ayaa siyaasi ah amaba dalkaan u dhashay oo ka naxayo.

Hadaba dhawaan naga filo fashilka madaxweynaha iyo guul darada siyaasadeed ee caalamkii ha dhicin ha jabin lahaa dhawr sano ka hor waxa ay maanta ku sameeyeen to low kooxdiisa ma sii fashilin doonaan mise si dalka loo bad baadiyo inuu iscasilo ayey kula talinayaa doonaan?.

1-Hadaba qodobada aan warbixinteena danbe ku soo qaadaneynaa"sidaasina waxaa ugu muhiimsan shaqsiyaadkii qudbadii madaxweynaha magaciisa ka tir tirayo oo RW ku bedelay oo weliba sugeen ilaa wadamada deriska iyo kuwa Somaliya daneyn ay Xasan Sh danta ay ka lahaayeen ka dhameysan ayaan.

2 - Qodobada kale waxaa ka mid ah taliya kasta oo Somali ah oo loo magacaabo inuu hogaamiyo ciidamada XD Somaliyeed dhamaantood qudbadooda ugu horeysa waxey ku sheegaan in ay xilka iska casili doonaan hadaan meel la saarin mushaarka ciidamada dhamaan waxaan bulshada u soo bandhigi doonaa qudbadahii ay dhamaantood jeediyeen ragii xilka sare amaba hogaanka ciidanka loo dhiibay oo ay ugu danbeeya an taliyaha iyo kuxigeenkiis dhawaan lagu bedelay Indha qarso oo sheegay inuu iscasili doono hadii mushaarka ciidamada la bixin waayo,waa iska sheeko in ay sheeko baraley tahay waxey dad badan ku xaqiiqsan doonaan markaan Warbixin ka soo diyaarino ciidamo cusub oo ka socda Ugandha iyo Ethiopia qaabka ay wadankeena oo hada la ciir ciiraa ciidamo ajnabi ah afka uun aa laga sheegayaa maahane ciidamo Somaliyeed masuuliyiinta Wadaniga aheyd ee dhisi laheyd ma ahan kuwa hada jooga ee bal dhawaan Warbixin arintaan ku saabsan naga filo.

3-Qofkii rumeysan lahaa iyo kii Qoraalkaan dhisan lahaa amaba hadaan si kale u dhigo dalka dhan loo burburin lahaa madaxweynaha hada jira iyo hadii kaleba wadankeena hadaan si deg deg ah loo helin family, koox amaba qoys madaxweynaha fashilkiisa siyaasadeed halkaan ku joojiyo amaba uusan isagu maanta is garan oo uusan meeshu hada joogo isku casilin dantiisa ayaa quusin doonta,waayo shaley Shiikh Shariif waxaa waxkasta looga saxiixday Roadmap isagoo markasta lagu lahaa Somalidii oon is wareysaneyno adigaa soo laaban doonee fuli mashruuca Roedmapka iyo kii Kampala Acord ugu danbeyna meeshii uu maray waa la ogaa,hada Xasan Sheikh waa isagane si yaab leh loogu isticmaalay nidaam federal ah oo aan dadka rabitaankooda la weydiin maantane rag uu horboodayeen safiirka Mareykanka u fadhiyo Somaliya oo xili hore halkaas la sii geystay ayaa suuro geliyey in RW Shar'marke lagu bedelo isaga oo uu bedeli Isa qudbeeyo waayo hada waxkasta wabiil ayey dabada la gashay weliba RW markii uu Mogdishu ka dhoofo yey hadal ay dad tar fami karaan ayuu qudbadiisa ku yiri mar uu federalka ka hadlayey waxuuna yiri Waxaa kaliya ee maamuladii federalka ka haray Hiiraan iyo Sh/dhexe waayo Daarood oo dhan gobolka Banaadir meesha dhan waa ka saareen waxeyna meel dhigto en xisaabtiisa iney ku danbeyn doonto 4.5.

Dabcan hadane waxaa lagu mashquulin doonaa reer Hiiraan oo iyagu aysanba maanta jirin cid ay ka yeelayaan ilaa 8dii gobol ee lagu curiyey Jamhuuriyada Somaliya dalkii la dhihi oo ay maanta ka danbeyso Hiiraan intii kalena ay noqdeen maamul goboleedyo In 18 kii dowladii Kacaan ka ee iyadoo beelo gaar ah loogu daneyn ayey midkasta laga dhigay 2 ilaa 3 gobol in Hiiraan oo aan weli xaqeedii helin lala sumo iyagaa oo 3 gobol laga dhigo sidaasina dalku ku yeesho 21 gobol.

Hadii taas la diido reer Hiiraan in 8dii gobol ee ugu horeysay dowlada soo socda lagu qeybsado wadankuna 8 State noqdo wax ka hooseeya oo ay aqbalayaan ma jirto marka Xasan Sh caaradi uu ka soo qaaday New York meel kale oo uu la aado oo uu warkiisa hada ka socdo ma leh waxuu kala dul dhici doonaa shacabka......ileen Sanbuus Afar gees ah oo federal la yiraahdo ayaa loo soo dhiibay aqli uu dadka ku kasbado shirar dib u heshiisiin ah ku qabtaane lama barin mediyaha ayaana u ah Aalada shacab aan meeshay joogaan loogu tageyn in hawada lagala hadlo kaliya.

Isku soo duuboo dhawaan si aad xog ogaal u noqoto hadii aad tahay qof rajo ka leh siyaasada Somaliya amaba shacab aan la socon siyaasada caalamka wararkeena danbe la soco.

Isha warka Hiiraan State
Webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

#1 | miedniczek on July 16 2019 01:05:24
od czego siwieja wlosyjak wybielic zeby https://bola-stawy.pl/co-pomaga-na-bolace-stawy/ co na stawy kolanowe

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.12 seconds
11,851,804 unique visits