Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 1
adamss69

· Total Members: 154,205
· Newest Member: Robertfueh

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:-Waxaa si xowli ah uga socda dal iyo dibad amaba aad u soo xoogeys anaya shacabka Soomaaliyeed ee taageeraya in la meel mariyo mooshinka madaxweynaha Somaliya ee fashilmay Xasan Sheikh Maxamud.

Marka laga soo tago rabitaanka shacabka ee ah in la meel mariyo mooshinka ayaa hadane waxaa jira dadaalo xoogan iyo shirar hoose oo u socda inta badan mudanayaasha baarlamaanka oo ay weliba hada si xoogan ugu soo biirayaan xildhibaano cusub iyo qaar ka mid ah gudoonka sare ee baarlamaanka oo ka turjumayo rabitaanka shacabka Somaliyeed.

Inkasta oo aanan dooneyn in aan wax badan ka hor dhacno waxaa halis ku dhaw inba la waayo kulan danbe oo ay xildhibaanadu iskugu yimaadaan hada kedib si taasi looga hortago waxaa laga fursan waayey in sidii horey loogu meel mariyey mooshinadii laga keenay labadii R/Wasaare ee ugu danbeysay kan madaxweynahane loo meel mariyo maadaama aysan jiri doonin in uu mar danbe madaxweynaha ka qudbeeyo golaha shacabka oo uu ka qudbeynayn jiray marka la soo xirayo iyo marka la furayo hadase uu mooshin ka yaalo oo uusan hortagi karin golaha shacabka hortooda.

Inkasta oo markii uu dhawaan ku soo fashilmay shirkii QM madaxweynaha oo ay xitaa jaaliyada Somaliyeed ee Mareykanka ka waayey soo dhaweyn,halkii markii hore ilaa wadanka Canada looga imaan jiray marka uu Mareykanka tago hada film-kaas Somali waa soo duuduubeen oo fashilkiisa siyaasadeed waxuu marayaa heer aan caadi aheyn.

Hayeeshee markii uu Mogdishu ku laabtay waxuu ku qara baxay amaba albaabada iskugu dhuftay xafiiskiisa TV-ga Universal ee Mogdishu oo ay dhawaan DOOD ka baxday ka sheegeen labo xildhibaan oo la dhihi karo waa kuwii ugu Dada weynaa baarlamaanka hada jira in uusan dalka Somaliya laheyn dowlad wadankuna ku jiro gumeysi,taasi oo ugu danbeyn xildhibaanada aanu ka hadleyno badankood isla Garteen in mooshinka madaxweynaha la meel mariyo wadankana uu ka weyn yahay damaca hal qof amaba koox daneystayaal ah.

Wararkii ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno caasimada Somaliyana waxey sheegayaan in ay xaalada aad ugu xuntahay dowladaha shisheeyaha ah ee dalka jooga lana baxay beesha caalamka,maadaama shacabka Somaliyeed dal iyo dibad hadal hayaan mooshinka madaxweynaha oo hadii uu ugu yaraan iscasili waayo uu dalku lugaha ka gali doono dagaalo sokeeye oo uu masuuliyadiisa qaadi doono madaxweynaha iyo xulufadiisa walow uu 24 kii saac ee kasta is bed bedelayo gudoomiyaha baarlamaanka Prof Jawaari hadane waxaa ilaah mahadii ah ku xigeenadiisa oo aan marnaba ku fikir aheyn aadna ugu macquulsan siweyna ugu dhega nugul halka uu u badan yahay Fikirka xildhibaanada oo ah in la kala saaro danta dalka iyo mooshinka Xasan Sheikh.

Isku soo duuboo hadii uu maanta qof Somali ah siyaasada ka joogo shalaay waa madaxweyne Xasan Sheikh oo dib u gocanayo 3dii sano ee uu naftiisa beenta u sheegay waqtigana ka lumiyey shacabka Somaliyeed ee dhiban,Dabcan waxaa la dhihi karaa waa madaxweynahii ugu xumaa ee soo mara dalka Somaliya tan iyo 1960 oo ah markii uu xornimada isugu qaatay wadanka isagu Se iskuna arko weli oo riyo ayuu ku jiraa.

Waayo Xaduudahii dalka waa dayacay.Goboladii dalka qaarkood isagoo taagan ayaa la qaatay.wax siyaasad ah oo dalka iyo dadka lagu samata bixin karo xalkeedii ma hayo in TV-yada Somalida ee runta ka sheega dowladiisa albaabada iskugu dhufo maahane.

Mooshinkii qarnigan madaxweyne Somaliyeed laga keeno oo markaan aad uga xoog badan sidii hore maadaama xildhibaanadii isaga dhaqaalaha kula joogay ay hada dareemeen in uu wadanku qatar xoogan ku jiro jiritaankiisa wax badana leys kaka daba imaan doono xalkana hada ku soo aruuray in la meel mariyo mooshinka ka yaalo madaxweynaha iyo inuu isagu is garto isna casilo.

Walow uu doonayo madaxweynaha in la sameeyo isku shaandheynta golaha wasiirada inta aan la gaarin dhamaadka bishan golaha wasiiradana laga dhigo intooda badan xildhibaanada Mooshinka wado,ileen kuwii dhaqaalaha kula joogay ee taageerayey miisaankooda siyaasadeed wuu arkey hadey noqon lahaayeen xildhibaano amaba wasiirada qaarkood.

Warar 99% leysku haleyn karo oo aanu ka heleyno ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegayo in ay dhamaantood si jamac ah golaha wasiirada hada jiri xilalkooda loogu magacaabi doono shaqsiyaad cusub,halkii markii hore qorshahu ahaa in kaliya xilka laga qaado ilaa 10 wasiir oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arimaha dibada,arimaha gudaha,amniga, batroolka,caafimaadka,haweenka iyo dhawr wasiir oo kale,laakinse waxaa hadane leysla gartay in RW maahane dhamaan golaha hada jiro meesha dhan laga saaro,weliba wasiirada aan Carabta ku dhufan ay iyagu shaqsiyaadkii lagu bedeli lahaa mudo 2 bilood ka hor ayey madaxweynaha u diyaarsanayeen oo mooshinka ayaa ka soo dhax galay.

Arinta kale ee iyaduna lagu dadaal ay ayaa ah wasiirada xilalkooda weyn ayo waa kuwa loo sheegay in aysan ka mid aheyn isku shaandheynta soo socota waayo sidii taliyaha ciidanka XDS Indha Qarso ayaa la doonayaa in xilka si deg deg ah looga qaado ugu yaraan u maqlaan maalmaha ugu danbeeya waayo qaarkood waxaa la diiday aa in ay qeyb ka noqdaan mucaaradayaan madaxweynaha uga imaanayo mudanayaasha Mooshinka wado in ay dhiiragelin aan oo ay la saftaan.

La soco hadba heerka uu marayo Mooshinka madaxweynaha iyo golaha cusub ee wasiirada soo socda, inagoo ka ilaalin doono borobagaando xaqiiqada iyo meeshay wax marayaane bulshada u soo gudbin doono,maadaama ay hada muuqato in ay siweyn iskugu xirmeen qurbajoogta Somaliyeed shacabka gudaha iyo xildhibaanada Mooshinka ka keenay madaxweynaha oo aan la dheyelsan karin mooshinkaan oo ay tiro yar oo Somalida ka mid ah u moodaan inuu Xasan Sheikh ka bad baadi doono.

Isha warka Hiiraan State
Webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.19 seconds
11,973,244 unique visits