Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 0

· Total Members: 154,205
· Newest Member: Robertfueh

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Inkasta oo aysan dad badan weli si dhab ah u ogeyn arimo badan oo aan weli banaanka imaan hadane waxaa hubanti ah hadey ogaan lahaayeen mustaqbalka siyaasadeed ee madaxweynaha Somaliya siduu mugdi xoogan ugu jiro qaarkood xili horey ayey kuwooda rajada ka leh mustaqbalka siyaasada wadanka ka fogaan lahaayeen siiba kuwa hada isku arka in ay madaxweynaha Somaliya saaxiibo dhaw la yahiin.

Inkasta oo uu u muuqdo gudoomiyaha baarlamaanka Prof Jawaari shaqsi waqtigii ugu danbeeyey ay siweyn uga hoos baxday siyaasada una muuqdo shaqsi ka tagay dhax dhaxaadnimadii oo isagoo gudoomiye u ah 275 mudane hadane isku dhiibay xafiiska madaxweynaha,hadane Wararkii I ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno xarunta Villa Somaliya amaba xafiiska madaxweynaha waxey sheegayaan in uu madaxweynaha ka tanaasuli mid ka mid ah 2 dii qodob ee miiska u saarnaa udub dhaxaad kana u ahaa siyaasadiisa waxaana qodobadaas ka mid ahaa.

1-In aan haba yaraan ee la dhisin gudiyada doorashooyinka iyo maxkamadii dastuuriga aheyd ee la doonayey in la dhiso 2013 iyo 2014 intii u dhaxeysa si uu mudo kordhin 1 sano ah u helo.

2 - Qodobka labaad waxuu ahaa ugu yaraan in doorasho la qabto 2017 horaanteeda oo halkii bisha 8aad 2016 la qaban lahaa waxuu ugu yaraan doonayey in ilaa March 2017 laga dhigo.

Hadaba labadan ee kor ku xusnay waxaa Gabi ahaan uu ka quustay madaxweynaha midka 1aad ee ahaa mudo kordhin kedib markii lagu soo ee deeyey amaba laga keenay mooshin taariikhda Somaliya galay ilaa maantana ay ku mideyn yahiin xildhibaanadii ugu badnaa ee ka tirsan golaha shacabka.

HADABA WAA MAXAA SABABTA UGU WEYN EE LOO DIIDAY IN LAGU DHAQMO DASTUURKA EE MOOSHINKA MADAXWEYNAHA MAJA MADA LOOGU GUDBIN WAAYEY AMAZE GOLAHA SHACABKA HADII UU M/WEYNAHA TAAGEERO KA HEYSTO XILDHIBAANO BADAN WAXA DASTUURKA IN LAGU DHAQMO LOOGA MEER MWERAYO WAA.

1-Madaxweynaha Somaliya golaha shacabka hadii mooshinkiisa la geeyo o loo codeeyo %100 waxaa u diyaar in ay ridaan xildhibaano kor u dhaafay 194 mudane baarlamaan ah,waana Qodobkaan midka ugu muhiimsan ee welwelka ugu weyn geliyey madaxweynaha.

2 - Arinta kale ee iyaduna rajo beel ka gelisay waa in uusan mooshinkaan Prof Jawaari in uu waqtiga u dheereeyo madaxweynaha o uu Meer meeriyo xildhibaanada Mooshinka keenay waa macquul, hayeeshee isagu awood uma lahan uu ku laalo waana mida keentay in madaxweynaha rajo beel ka muujiyo mid ka mid ah qodobada uu ku taamayey.

Warar kalena waxey sheegayaan in uusan weli ka quusin inuu mar kale Isa soo sharaxo waaba hadiiba maba muuqatee lagu heshiiyo amaba la iclaamiyay doorasho 2016.

Si kasta oo ay ahaataba fashilka siyaasadeed ee madaxweynaha ku dhacay waxaa ka sii xumaan doono midka gudoomiyaha baarlamaanka Prof Jawaari ku dhici doono hadaan sharcigii horey u qabtay labadii R/wasaare ee xilka looga qaaday uusan Xasan Sheikhna qaban oo ugu yaraan golaha shacabka la horgeyn,waayo shacabka Somaliyeed caruur maahan waxii la doono loo sheegayo welina lama maqal mooshin uu gudoonkii baarlamaanka leeyahay dastuurka laguma dhaqmayey ee sidii laba beelood oo is dagaalay ayaa xaalada master lagu dhameyn ayaa,waa yaabeen madaxweyne golahiina shacabka ee soo doortay awoodi waayey inuu hortago oo hadii ay jiraan xildhibaano mooshinkaan ka difaaco kuna kalsoon yahay ku dhiirado inuu hortago baarlamaanka dacwadaas loo heystana halkaas iskaka difaaco sidaasne cod loogu qaado maxaa ku jabaan?

Hadii uusan intaas awoodi Karina miyeysan xalku aheyn inuu iscasilo ileen shaqsi dalka iyo dadka ka muhiimsan?

Isku soo duuboo sida ay dad badan iska dhaadhicinaan walaa madaxweyne,R/wasaare iyo gudoomiye baarlamaan amaba wax aan socon doonin leysku mashquuliyo iyo gole wasiiro ayaa la soo dhisayaa iyo wax la mid ah system ka dhan kor ayuu ka qaldan yahay sida kaliya ee kalsoonida shacabka Somaliyeed ee aaminsan in uusan dalkooda xor aheyn waa in lagu dhaqmo dastuurka mooshinkaan loo gudbiyo maxkamad ama dib loogu celiyo golaha shacabka.

Waa meesha uu mooshinkaan ku dhamaan doono marka dhawr bilood oo kale laga lumiyo shacabka Somaliyeed.

La soco wararkeena danbe kolba Xasan wuu socday dalka iyo dadka Somaliyeed haloo naxo inta ay goori goori tahay hadii kale dhawaan waxaa la arki doonaa Prof Jawaari iyo labadiisa ku xigeen oo iyaguna idaacadaha iskaka jawaabay oo qoraalo iska soo horjeeda mediyaha soo gelin doono waana burburkii baarlamaanka iyo xukumada hada jirto.

Arinta hada waxey ka dhaw tahay madaxweynaha oo talo lagu siiyo inuu eedeynaa loo heysto iska difaaco golaha shacabka a hor tago iyo inuu iscasilo wanaag iyo karaamad badan Somali uguma harin waa xaqiiqo jirto arintaas oo ma ahan wax Somaliweyn loo sheegayo hada.

Isha warka Hiiraan State

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.16 seconds
11,972,950 unique visits