Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 1

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

NewsHS:- Waxaa maanta la sheegay in uu magaalada Mogdishu ka furmay shir xal loogu raadinayey mooshinkii dalka Somaliya ka noqday mashruuca ee ay inta badan mudanayaasha baarlamaanka madaxweynaha ku soo oo geen inuu yahay qaainul wadan,sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in arintiisa iyadoo lagu dhaqmayo dastuurka hada jira loo gudbiyo maxkamad amaba la horkeeno golaha shacabka si cod loogu qaado.

Hadaba maadaama uu hareer maray gudoomiyaha baarlamaanka sharcigii taasi bedelkeedana sheegay in xaalmastuur arinta lagu dhameeyo,ayaa waxaa arintaas ka biyo diiday xildhibaanadii mooshinka ka keenay madaxweynaha.

Kedib markii aan u guur galnay xaalada shirka iyo Villa Hargeysa waxaa shirka jooga oo kaliya Prof Jawaari oo wakiil ka ah madaxweynaha mudanayaashii mooshinka keenayna ka aamin baxeen Prof Jawaari iyo mudanayaal markii horeba madaxweynaha ku fikir ahaa iyo R/wasaaraha oo dhinacna kala shaqeynaya xildhibaanada Mooshinka keenay dhinaca kalena wal wal ka qaba in ay xukumada bur buro maahane ma jirto haba yaraatee xildhibaanadii madaxweynaha mooshinka ka keenay midkoodna shirk ma fadhiyo.

Hadaba maxey tahay ujeedka shirkaan laga leeyahay maadaama ay meesha ka baxday kalsoonidii lagu qabay gudoonka baarlamaanka?

Arinta ugu weyn waa in uusan shirarkii golaha shacabku aysan dib u furmeyn ilaa dastuurka lagu dhaqmo oo mooshinkaan laga daayo danaha shaqsigaa lana horeeyo golaha shacabka loona codeeyo,xal kale oo madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka u furana ma jirto waa sida ay shacabka Somaliyeed oo horey looga soo lumiyey 3 sano qabaan amaba aaminsan yahiin.

Weliba sidaan xog rasmi ah ku heleyno waxaa aad u adkaatay inta ay madaxweynaha ku dhagan yahiin xildhibaanada Mooshinka keenay in aan lagu dhiiran karin isku shaandheyn oo inta wasiirada hada jira shaqada looga ceyriyo kuwa mooshinka keenay lagu bedelo, taasi oo ay diidan yahiin xildhibaanada Mooshinka madaxweynaha keenay oo ah kuwa sidey u dhan yahiin go,aan geesinimo leh ku taagan una arka xalku in uusan ku jirin isku shaandheyn ee uu ku jiro madaxweynaha oo iscasilo.

Waxaa hubanti ah in ay 24 Saac ee inagu soo aadan hadii uu gudoonka baarlamaanka ka been sheego shirka iyo qaabka uu u socdo oo uu umada Somaliyeed uga dhigo shir ay ku wada dhan yahiin xildhibaanadii mooshinka keenay, waxaan shacabka u soo bandhigi doonaa xaqiiqada shirkaas oo ujeedka ugu weyn yahay kaliya maadaama dhawaan la qorsheynayo in shirkii golaha shacabku dib u furmo uusana furitaankiisa ka qudbayn karin madaxweynaha mooshinka ka yaalo waxaa Mogdishu ka socda haduusan madaxweynaha iscasilin amaba uusan golaha shacabka hortagin dowladnimada Somaliya waxey qarka u saaran tahay bur bur masuuliyadana waxaa qaadi doono gudoomiyaha baarlamaanka Prof Jawaari oo isagu si aad ah ugu tumanayo sharcigii lagu dhaqmayey weyna adag tagay in loo ixtiraamo inuu tahay gudoomiyaha rasmigaa ee golaha shacabka,shirarka soo socdana waxey ku dhamaan doonaan buuq iyo fowdo.

La soco hadba meesha uu marayo mooshinkii madaxweynaha ee mashruuc ii faanoole oo kale ka noqday Mogdishu.

Isha warka Hiiraan State

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.64 seconds
14,905,610 unique visits