Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 9

· Members Online: 0

· Total Members: 152,822
· Newest Member: Adorpjwo

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Tan iyo waxii ka danbeeyey markii ay Barnaamij ka baxay TV-GA Universal ka sheegeen labo ka mid ah xildhibaanada ugu miisaanka culus mudanayaasha baarlamaanka federalka ee mooshinka ka keenay madaxweynaha kuwaasi oo iyagoo ka duulayo waaya aragnimadooda iyo cimriga ay jiraan iyo aqoonta ay u leeyahiin faraqa u dhaxeeya dowlad iyo dowlad la aan, ayaa hadane marka xaalada laga eego dhinaca kale waxey sheegeen in uusan dalka Somaliya aheyn dal xog ah taasi oo markii horeba la wada ogaa kaliyana la doonayey in ay shacabka u cadeeyaan mudanayaasha baarlamaanka in uu dalkooda ku jiro gumeysi.

Hadaba waxii ka danbeeyey wareysiga xildhibaan Maxamed Cabdi Yusuf iyo Cabdi Xaashi oo ay Xasan Sheikh iyo kooxdiisa albaabada iskugu dhufteen xarigna u geysteen wariyaashii daadihinayay barnaamijka DOOD wadaag,waxaa soo baxay heerka uu wadankeena ka liito hanaan ka dowladnimo.

Laakinse waxey wax kasta isbedeleen kedib markii si dalka iyo dadka Somaliyeed loo bad baadiyo ay garab xoogan ka heleen xildhibaanadii mooshinka ka keenay madaxweynaha labada gudoomiye ku xigeen oo iyagu sida warar sugan lagu helayo siweyn u taageerayo sidii mooshinkaan ama loo horgeyn lahaa maxkamad amaba madaxweynahu u hor imaan lahaa golaha shacabka.

Gudoomiye kuxigeenada baarlamaanka siweyn ayey uga soo horjeedaan siyaasada gudoomiye Jawaari oo ay u arkaan shaqsi mooshinka madaxweynaha ka dhignaya mashruuc uu ku naaxo halkii uu sharciga u hogaan Sami lahaa,taasi oo markii ay arkeen shacuurta shacabka Somaliyeed ee uu wadankooda ku jiro gumeysiga ku qasbay in ay qaataan go,aan ka duwan midka Prof Jawaari, maxaa yeelay sida ay hada wax u socdaan waxey ceeb ku tahay madaxweynaha oo ay Jawaari iyo Cumar Cabdirashiid u heshiiyey si mooshinkaan uga dhigtaan mashruuc iyadoo looga dhigayo madaxweynaha in looga difacayo xildhibaanada Mooshinka ka keenay isaga.

Dabcan wadankii dhamaa wax ka kala socda ma jirto Somalidiina maalinba maalinta ka danbeysa niyad beel iyo rajo xumo iyo hadalo aan qalbigooda u rooneyn ayaa dhegahood ku dhacayo sida in uu wadankooda gumeysi ku jiro oo ah niyad jab bulsho ku dhaco midka ugu weyn,waayo hadey maalinba wax cusub dhegahaadu maqlaan sida dalka Ethiopia ayaa laga xakumaa,Badi ragii iibsaday shaleyto ayaa wadankii maanta r/wasaare iyo wasiiro ka ah,calanka Somaliya in la bedelo ayaa la doonayaa,dalkii gumeysi ayuu ku jiraa oo waxaa maamula Ethiopia iyo Kenya markii ay xildhibaano baarlamaan sheegaan in aysan wax kaleba iska daaye awoodi karin in ay gudaha u galaan amaba ogaadaan waxa ka socda xerada Xalane iyo wax la mid ah maxuu qiimo ku fadhiyaa masuuliyada iyo xilka qaran ee uu sheeganayo madaxweynaha hada jira iyo kuwa ku Fikirka ah?

Maxaase Xasan u diiday haduu wadani yahay amaba isku kalsoon yahay oo uu taageero uu isku difaaci karo heysto inuu golaha shacabka hortago oo mooshinkiisa cod la geliyo oo ay difaacaan xildhibaanada la leeyahay wey taageersan yahiin iyo kuwo leh mooshinkii waanu ka laabanay, halka Prof Jawaari oo ay xitaa maanta ogyahiin 3 jirka Somalidaa ee qurbaha ku dhashay inuu waxa uu Mogdishu ku hayo aheyn madaxweynaha oo uu mooshinkiisa difacayo oo ay tahay ku Tunashi sharcigii la doonayey inuu ku Dhaqankiisa isagu bilaabo uu ku tumanayo si uu wadanku fowdo lugaha ula galo.

Waxaa arintaas ka baxsan oo iyaduna aan meesha ka marneyn waxa keenay in ay xildhibaanada Mooshinka ka keenay madaxweynaha ka tayo wanaagsanaadaan kuwa taageersan madaxweynaha waxaa sabab u ah 3 qodob.

1 - Xildhibaanada Mooshinka keenay waa dad u badan aqoonyahano rag iyo dumarba iskugu jiro Xasan Sheikh been tii Sana horey u soo arkey in uusan dalka iyo dadka Somaliyed wax dan ah u heyn oo uu yahay nin uusan hadafkiisa dhaafsiisneyn fikir koox yar oo daneystayaalyaal ah laguna magacaabo Dam Jadiid.

2 - Xildhibaanada Mooshinka ka keenay madaxweynaha waa kuwii difaacayey isaga markii labada mooshin lagu riday labadii R /wasaare hadana u arka in la joogo waqtigii Xasan Sheikh maadaama uu fashilmay intii uu iscasili lahaa ilaa arintiisa ama maxkamad ay soo celiso amaba ay cod geliyaan golaha shacabkuna mooshinkiisa Prof Jawaari iyo Cumar Cabdirashiid ayaa mashruuc ka dhigan doono waayo Xasan Sheikh in baraha ay Somalidu ku kulmaan looga sheekeysto inuu yahay madaxweynahii ugu xumaa ee dalka Somaliya soo mara isagaa heerkaas is gaarsiiyey,hogaamiyaha Wadaniga ah waxaa lagu yaqaanaa marka uu taageero shacab heysto waa inuu dalka ugu adeego taageeradaas marka uu waayona xafiiska baneeyo si uusan dalku fowdo lugaha ula gelin.

Xasan Sheikh haduu riyo aan jirin ku heyn lahaa Mogdishu iyo hadii uu is garan lahaaba Somali badankeed siyaasadiisa waa Naceen ee armaa loo qaatay inuu mooshinkaan wadada uu ku socdo hada ka bedelo oo uu isagu intuu sharciga u hogaansamo baarlamaanka hortago ama mooshinkiisa loo codeeyo xal kale ma jiree.

Waxaa taasi ka sii daran hadii sidan lagu sii jiro ma jiri doonto kulan danbe oo uu shir gudoomin doono Prof Jawaari waayo waxuu ka tagay amaba lumiyey maqaamka gudoomiyenimo shakina kuma jiro in kulamada ugu horeeyo lagu oorin doono inagoo weliba xog ogaal u ah mowqifka rasmigaa ee labada gudoomiye ku xigeen Jeylaani iyo Cawad meesha uu jiro iyo wadada uu Prof Jawaari ku socdo in ay tahay kaaf iyo kala dheeri.

Isku soo duuboo madaxweynaha waxaa loo qaatay intii uusan wadanku faraha ka bixin iscasilo waxii ay wadanka ka dhaceen isaga iyo kooxdiisa maxishoodayaasha ahne horey u sii qaataan sidaasne hogaamiye wadani ah iyo doorasho xalaal ah sidii lagu heli lahaa looga howlgalo dalka dowlad kama jirto ee yaan shacabka Somaliyeed la rajo tiirin waxii 2012,2013,2014 iyo 2015 oo hada gebo gebo mareysa la qaban waayey dhawr bilood iyo isbuucyo laguma qaban karo waxaa loo baahan yahay in laga fekero mustaqbalka caruurta Somaliyeed si looga hotagane waa in dalka loo helo hogaamiye wadani ah.

La soco wararkeena danbe.

Isha warka Hiiraan State

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.11 seconds
11,861,376 unique visits