Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 152,368
· Newest Member: luellasf69

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- Qofkii Somaliya ee is lahaa dowlad federal ah oo kumeel gaarkii ka baxday ayaa kuu dhisan oo dalkeenu waa xor,iyo qofkii ku fikir lahaa dowlad federal ah ayaa kuu dhisan iyo wax la mid ah oo aan been iskugu sheegeyno afka Somaliga ah ee aan wax iskugu qorno amaba aan ku wada hadalno waa meesheeda.

Waxaanse Somali badan u xaqiijineynaa dowladii federalka ee inoo dhisneyd rajadane laga qabay in ay ku bur burtay gacanta madaxweynaha Somaliya oo horey isagu gacanta ugu hayey xafiiska R/ wasaaraha siduu doonana ka yeeli jiray oo hada si toos ah ula wareegay gudoomiyahii baarlamaanka Prof Jawaari.

Hadaba waxaa macquul ah in ay dadka Somaliyeed is dhahaan madaxweyne,xukumad iyo baarlamaan ayaaba idiin dhisane xagey dowladii federalka ka bur burtay iyo wax la mid ah.

QODOBADA AY DOWLADA FEDERALKA U BUR BURTAY IYO QORSHAHA
SOMALIYA KU SOO FOOL LEH 2016 ILAA 2020 LAGA GAARAYO WAA SIDAN.

1 - Dadka Somaliyeed waan u soo Gaabinay oo sababta ay dowladii federalka u bur burtay oo ay hada kaliya u joogaan masuuliyiin magac u yaal ah waxaa ugu Wacan waxkasta oo galay gacanta madaxweynaha iyo kooxdiisa,arintaasne cidii rumeysan lahayn iyo cidii dano shaqsi iyo mid qabiil ka dooran laheyd qaran waa qof iyo garashadiis,waxaanse u xaqiijin eynaa inagoo ka duuleyno xaqiiqada iyo xogta horu dhac ah ee aanu ka heleyno dowladahii caalamka ee wadankaan quruxda badan iyagoo isticmaalaya dad Somaliyeed wadankeena gumeysiga geliyey ilaa lagu guuleysto in siyaasadii dalka Somaliya lagu maamuli lahaa laga hago dibada oo markasta siyaasad diyaarsan oo aysan Somali badankeed fahamsaneyn dusha sare looga keeno.

Waxaa laga yaabaa in ay dadka qaarkii dhawaan ka maqleen mediyaha madaxweyne Xasan Sheikh oo leh mar kale ayaan musharax ahey iyo wax la mid ah,wwaxaan 15 ka million ee Somalidaa ee la sheego in ay ku nool yahiin bariga Africa u xaqiijineynaa in uusan Xasan Sheikh Maxamud soo laaban doonin uusana aheyn musharax hal maalin ku riyoonayo in uu Isa soo sharaxo haduu waqtiga u haray dhameysto ayuuna nasiib leeyahay,waa xaqiiqo biyo kama DHIBCAAN ah jiritaanka arintaan.

Waxaanse isku dayeynaa bal in aan Somalida u iftiimino arimo kooban iyo shirar hoose oo u socda Qaramada Midoobay iyo dowladahii dhaqaalaha looga qatay barnaamijkii New Deal dhaqaalahaas oo ku jira Bank uu maamulo R /wasaaraha Ingiriiska amaba dowlada Ingiriiska.

1 - Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somaliya oo ku jahwareeray gudiyada joogtada ah ee maalinkasta laga soo magacaabayo xafiiska R/wasaaraha ee magacyada faraha badan loo bixiyo iyo shaqaalaha Somalida ah ee ka shaqeeya xafiiska wakiilka Qaramada Midoobay ee Somaliya oo wararka ay u gudbiyaan Nicols Kay u badnaa kuwo intooda badan sida la xaqiijiyey u badnaa kuwo ka turjumayey hadba shaqsiyaadka shaqaalaha ka ah ee Somalida ah iyo degaanadooda, waxaa dhamaantood laga joojiyey warbixintii amaba macluumaadkii Qaramada Midoobay u soo gudbin jirtay wakiilka Qaramada Midoobay ee Somaliya oo markii hore waxoogaa looga sheegi jiray hada kedib naftooda ayey been u sheegayaan wax badan arimaha Qaramada Midoobay iyo sida wax loo wado lama socon doonaan laakinse mushaarka iyo gunada ay qaataan in loo kordhiyo maahane lagama Jari doono,maadaama wadankooda dano fog laga leeyahay oo dal markaad dooneyso in aad gumeysi geliso qeyb ka mid ah bulshadaas ayaa damiir ka iyo dareenka laga qaadaa si waxkasta oo agtooda lagu sameynayo caadi ula noqoto,oo nolol wanaagsan la geliyaa kedibna wado cad looga tagaa ,Waana waxa hada meelo badan ku heysta Somali badankeed.

2 - Hada waxa ay caalamku ka hadlayaan waa labo qodob oo kaliya.
A) Ma jiraa amaba dalka Somaliya ma u dhisan yahay gole baarlamaan oo shaqeeya lana bad baadin karo inta laga helayo baarlamaan cusub oo gudoomiye,kuxigeeno iyo mudanayaal baarlamaan oo shaqeeya leh?

B)In sida dalka Afghanistan 10 magaalo oo dalka Somaliya ka mid ah siiba kuwa ugu dadka badan laga hirgalo xarumo ay maamuli doonto Qaramada Midoobay si loo soo doorto xildhibaano cusub kedibna iyaguna u soo doortaan madaxweyne Xamiid Karsaaykii Afghanistan oo kale ah iyadoo weliba farta loogu fiiqo qofkii ay dooran lahaayeen ,waayo waxaa la doonayaa in aysan wax talo ah ku yeelan howshaan masuuliyiinta hada fashilmay oo shacabka ayey ka mid noqon doonaan.

Waa labadan qodob kuwa hada miiska saaran waxeyna u badan tahay in dalka Somaliya la keeno ciidamo ka socda Qaramada Midoobay sidaasina iyadoo ay wadanka horey u joogeen 22 kun African ah dalka Somaliya noqdo wadankii ugu ciidamada badnaa ee ay dowlado badan isku heystaan waayo waxa hada loo cararayo waa sidii loo kala jiidan ka lahaa 84 million oo dolar oo doorasho in 2016 ka dhacdo Somaliya loogu talo galay si caalamka loogu sheego in barnaamijkii New Deal guuleystay.

Xalka xaguu ka dhaw yahay Somalida rajadeedana lagu soo celin karaa?

Xalka waxuu ka dhaw yahay ama aan ku soo koobeynaa 2 qodob.

1-Madaxweynaha oo ama dastuurka hada yaalo u hogaansamo oo ama is casilo ama mooshinkiisa cod la galiyo waayo caalamkii wey u cuntami la tahay dowlad uusan hogaamineyn madaxweyne militeri ah oo hadane xafiisyadii R/wasaaraha iyo kii gudoonka baarlamaanka la wareegay waana meeshaas waxa keenay in aan la aamini karin r/wasaaraha hada jira iyo gudoonka baarlamaanka Prof Jawaari.

2-In si deg deg ah shacabka Somaliyeed iyadoo aan waqti kale laga lumin si public ah meel fagaaro ah loogu cadeeyo in dowladii federalka fashilantay xalna looga baahan yahay Somalida ku nool dal iyo dibad,si ugu yaraan Somalidu isku wareystaan.

Isku soo duuboo %100 dalka Somaliya maanta dowlad rasmi ah kama jirto waxaana loo arkaa goob amaba maqaam ay madaxweynaha iyo kooxdiisa siiba Xarakada Dam Jadiid sidey doonaan ka yeelaan.

Ogow shabakadaan Hiran State sooma qorto warar lagu siiyey lacag sida ay u badan yahiin Somalida maanta wax qora, taas ayaana keentay iyadoo kaliya jirta amaba hawada ku jirta wax ka yar 3 sano iyo bar ay booqdaan macamiil gaaraysa 4.1 Million Unique Visit amaba dadka joogtada ugu xiran tan iyo markii ay hawada soo gashay meesha ugu hooseeya ka eeg tirada soo booqatay inta ay mareyso.

Hadaba dalka Somaliya waa in loo helo madaxweyne,Gudoomiye baarlamaan sharciga ilaaliya iyo r/wasaare markii uu madaxweyne yiraahdo wasiir hebel ceyrina ceyriya markuu yiraahdo midkaan magacaawna magacaaba hogaamiyaasha aanu wadankeena u dooran doono yeysan noqon shaqsiyaad sida madaxweynaha la leeyahay hanti qaran ayuu lunsaday iyo r/wasaare la leeyahay Badi Somaliya ayuu iibsaday,halka Prof Jawaarina la leeyahay mooshinkii madaxweynaha ayuu guri Baydhabo looga dhisayo ku bedeshay iyo wax la mid ah,walow gudoomiye kuxigeenada baarlamaanka hada jira aan lagu eedeyn wax is daba marin iyo sharci ku dumasho.dadtuurka dalka oo loo hogaansamo ayuu xalku ku jiraa sharcigii qabtay labadii R/wasaare ee ugu danbeeyey ilaa uu Xasan Sheikh ka qabto loogana yeero golaha shacabka mooshinkiisana cod la geliyo iyagu hadey doonaan ha cafiyaano amaba xilka haka xayuubiyaan, dowladnimo danbe yaan loo fadhiyin Somaliyey ee sida caalamku ugu tashanayo dalkeena ha loogu tashado oo wadanka ha laga daayo siyaasada maalin laha ah ee lagu maamulo.

Isha warka hiran State
webmaster@hiranstate.com
Admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.13 seconds
11,851,791 unique visits