Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 10

· Members Online: 1
stellarr16

· Total Members: 154,204
· Newest Member: shjitovaolia

Welcome

HS:-

Wararka MaantaHS:- M/weynaha Somaliya oo sanad ka hor ku haminayey inuu mudo dheer ku jiri doono siyaasada ayaa si kal iyo laab ah uga quustay meeshana iyadoo aysan qofna uusan qasbeynina uga baxaya siyaasada si weliba aad u fool xun kedib fashil dhinacyo badan oo hareeyey mudadii uu hogaanka dalka ku guuleystay.

Ma dooneyno in aanu ku mashquulno sida ay labagarab ugu kala jabeen xisbigii diiniga ahaa ee uu ka tirsanaa ee Dam Jadiid,hadane waxaa muhiim ah in aanu si horudhac ah ugu soo bandhigno qorshaha deg degtaa ee keenay inuu wax ka bedelo balan qaadyo kala duwan oo uu horey ugu sameeyey shaqsiyaad ka soo jeeda beeshiisa kuwaasi oo intooda badan hada u muuqda kuwo meesha ka baxay.

BALANQAADYADA UU HADA MEESHA KA SAARAY M/WEYNE XASAN SHEIKH WAXAA UGU MUHIIMSAN.

1 - Qorshe uu horey uga balan qaaday Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo uu madaxweynaha ka balan qaaday inuu u ololeynayo doono 2016 si uu xilka madaxweynaha ugu guuleysto hadii uu dareemo in ay meesha ka baxday fursad uu mar kale ku soo laaban doono.

Nasiib wanaag balanqaadka Xildhibaan C/qadir Cosoble waxaa laga yabaa in uu welito u moodo in ay sidii ay madaxweynaha isku ogaayeen tahay,hayeeshee marka loo eego halka ay hada wax u marayaan madaxweynaha Qorshaha dhaw iyo mid fogba uguma jirto in uu Xildhibaan C/qadir Cosoble iska daaye shaqsi ka soo jeeda isaga kedib beesha Abgaal uu wadanka hogaamiyo dhawaana,shaqsiga uu madaxweynaha u ololeynayo magaciisa iyo weliba wadanka uu ku nool yahay si Sarbeeb ah ayaan Somalida ugu soo bandhigeynaa.

Kaliya xildhibaan C/qaadir Cosoble maadaama ay isku fiican yahiin gudoomiyaha baarlamanka Prof Jawaari ayey hada madaxweynaha iyo kooxdiisu iyagoo weliba labo garab u kala safana doonayeen si culeyska siyaasadeed looga yareeyo madaxweynaha in loo isticmaalo arimo badan oo uu qaarkood wax ka qabtay.

Laakinse xaqiiqadu waa in madaxweynaha iyo kooxdiisu labo garab u kala safan yahiin oo ay kooxna u ololeynayaan shaqsiyaad ay adag tahay in ay dad badan maqlaan,halka koox yar oo madaxweynaha ku fikir ahne ay u ololeynayaan shaqsiga aan dhawaan si horu dhac ah amaba si xeeladeysan u soo bandhigi doono walow aysan jecleyn in laga hordhaco.

Isku soo duuboo madaxweyne Xasan Sheikh ma ahan musharax 2016 iyo waxii ka danbeeya hayeeshee Xildhibaan C/qaadir Cosoble sidii NGO oo kale ayaa hada la dabadhigay koox uu hor kacayo madaxweynaha Galmudug si rajo aan jirin loo geliyo xildhibaanka, waayo Dam Jadiid badankeed isku aragti kama ahan siyaasada guud ee dalka.

La soco wararkeena danbe

Isha warka hiran State

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.18 seconds
11,972,802 unique visits