Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 7

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

NewsHS:- Dalka Somaliya waa wax iska caadi ah marka uu masuul booqanayo qeyb ka mid ah Somaliya gaar ahaan goobaha lagu tilmaamo in ay dowlada hada jirta hoos tagaan sida Hiiraan oo kale in aan sax badan laga sii fekerin inta aan ka booqan.

Sida aanu ku heleyno warar sugan waxaa dhawaan booqasho ka duwan kuwii hore oo ay Somali badan maqli jireen in uu madaxweynaha Somaliya ku tagay Hiiraan.

Safarkan wuu ka duwan yahay kuwii hore waxuuse soo dhaweyn fiican la kulmi doonaa haduu ka bad baado qodobadan amaba ugu yaraan xal u sii raadiyo inta uusan u baqoolin halkaas amaba qodobada qaarkood ku dhiiran ugu yaraan marka uu soo gabo gabeeyey booqashada

1-Wafti horudhac ah iska hormariyo.

2- Waco amaba xaqiijiyeen inuu u sheego safarkiisa gudoomiyaha gobolka Hiiraan maadaama uu yahay shaqsi balwad leh oo badanaa sarqaansan waayo hada ka hor ayaa wafti ajnabi ah ay Hiiraan booqdeen isagoo xaleyto oo kale Qamri ka dhergay kedibna subaxii goobtii ay waftiga imaanayeen sidii cinema ama tiyaatar in la galayo oo kale dadkii qaarkood lacag lagu weydiiyo albaabka ay ka galayaan goobtii uu shirka dhacay

Dabcan maanta in uu arintaas sameeyey lagama dhaadhicin karo waana arin ay dad yar ogyahiin,hadiise uu muwaadin Somaliyeed ku dhiirado inuu telefon u diro gudoomiye C/Fataax hadii ay telefonkaas ay ka qabato xaaskii uu ka geeriyooday Amb Laqanyo waa marka uu saraansan yahay.

Ninka noocaas ah waxaa Hiiraan u soo magacaabay madaxweyne Xasan Sheikh soo dhaweyn iyo in la sharfo ayuuna bulshada Hiiraan ka sugayaa sow kaaf iyo kala dheeri maahan?marka aan leenahay dad xilkas ah oo bulshada iyo dowlada isku xiri kara ayaa loo baahan yahay inta laga gaarayo go,aanka shacabka Hiiraan Arimahaas ayaan ula jeednaa.

2- In uu madaxweynahu ku talo galo safar dhawr maalmood ah haduu doonayo inuu arko Hiiraan oo si sharaf leh dowlada uu madaxweynaha ka yahay laga taageeray ugu yaraan, waana inuu maamulka Hiiraan ee hada jira ee kala tagay mid bedelo ugu yaraan u sameeyo halkaas,hadaan taas la helin. .....

3 - Hadii aad maqashaan bulsho ayaa dowlad markaasi jirtay taageertay iskama imaan waxey la dhaceen wax uun sida iyagoo arkayaan adeegii guud oo wax laga qabanayo sida caafimaadka,biyo nasiif ah iyo waxbarashada marka loo eego kaliya canshuurta ka timaado Garoonka diyaaradaha Belet Weyne ayaana lagu dabooli karaa baahidaas marka hadey madaxweynaha ka aheyd ninkaan dhalinyaradaa horumarka Hiiraan isbaaro uga dhigo koleyto reer Hiiraan waqti kuma socdo cida uu waqti ku soco waa madaxweynaha iyo inta la shaqeysa oo ay u hartay kaliya dhawr bilood hadeysanba ka hor burburin marka waa muhiim in kulamada madaxweynaha iyo wax garadka dhax mari doono si loo dhameeyo mugdiga jira in la xakameeyo gudoomiye C/fataax ,waayo nidaam iyo kala danbeyn weligiis ma arag madaxweynaha koleyto Hiiraan ( State )gooyni ah ayuu noqonaya ee tirada yar ee reer Hiiraankaa ee hada kugu fikirka ah ee iskugu jira qaar kaala shaqeynayo isku darka Hiiraan Sh/dhexe iyo kuwo ku kula jira sidii aad xil ugu magacaabi laheyd yeysan kaa kala tagin ee qorshaha ku darso sidii aad dhawrka bilood ee inagu soo aadan masuul ugu yaraan dowladnimo laga Dheehan karo u magacaawdo Hiiraan oo hadii uu horey kuugu diyaarsanaa haka labo labeyn aad ku dhawaaqdo waayo meel isla ma gasho Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaan bulshadooda mideynayaa bulshadii Hiiraane waxaa horboodayo shaqsi aan kasban karin dowladnimo ayaana ka hadlayaa oo federal ayaan u soconaa meel ma wada gasho.

Gudoomiye C/fataax iskadaa dhalinyarada Hiiraane guud ahaan waxuu magacooda meel uga dhacay dhalinyarada Somaliyeed waayo dhalinyaro waxaa lagu yaqiinay isbedel iyo maskax caafimaad qabto iney dalkooda iyo dadkooda ku soo siyaasiyaan laakiinse nasiib wanaag isagu dhinacii xumaa ayey ka gashay nolosha.

Isku soo duuboo Somalidu waxey ku halqabsan jirtay bulsho waa in aqbaar sugto iyo in aqbaar wado reer Hiiraanow waqti xun ayaa lagu jiraa dal Somaliya la yiraahdo ayaa bad baado u baahan siyaasadaha qafsan ee ku dhisan dhaqan mooryaaneedka ee uu Hiiraan ku hayo C/fataax Xasan Afrax awadeed yaan madaxweynaha loo xumeyn si fiican haloo qaabilo warka uu wadona ha laga koobiyo kedibna si xigmadeysan u wajaha.

Dowladane iyadaa lugooyo iskugu filan hadey Hiiraan ina Xasan Afrax noo joog tiriye maamul goboleedka ay abaabulliisa wadaan qurbajoogta ayaa Hiiraan ka shaqeyn doono dhamaan tirada yar ee reer Hiiraankaa ee hada u ololeynayo Jowhar iyo B/weyne iyaga iyo qurbajoogta Hiiraan mid kii aqli iyo xikmad isticmaalo bulshadana kasbado ayaa Hiiraan midaam iyo siyaasad fur furan u jiheyn doono.

Dhawaan ayey aheyd markii gudoomiyaha gobolka Hiiraan Mr Afrax qurbajoogta ka codsaday iney isaga u doortaan madaxweyne uuna qaadan doono magaca Hiiraan State hayeeshee qurbajoogta 2 million iyo ka badan oo reer Hiiraan ah ma doonayaan in ay indha sarcaadiyaan oo ay been u sheegaan waayo waxey ogyahiin qaabka uu u shaqeeyo Gudoomiye C/fataax oo hada ka hor ayaa waxuu garan waayey meel uu wax ka bilaabo kedibna waxuu yiri madaxweynaha ayaa albaabkii ika xirtay dhaqaalo ayaan ka rabaa ee waxuu dagaal siyaasadeed madaxweynaha kala dhaxeeya xildhibaan Godax haduu maqlo madaxweynaha anigoo la jooga xildhibaan Godax waxkasta oon ka rabo waan ka gelayaa ee Godax ila kulnsiiya, waa nin dhalinyaro ah oo hadane qiyaaligaas doonaya inuu uga mid ahaado siyaasada wadanka reer Hiiraane in ay dowlada hada jirta u aamusan Arimahaas ayaa sabab u ah waan ognahay Soomaali badankeed runta ma jecla waxaase jirta in aan runta oo loo laabto laga fursan doonin,ma sheekin dowlada hada jirta mida ka danbeysa amaba hadii bilaha inagu soo aadan qof xilkas ah oo shacabka Iyo dowlada isku xira,hayeeshee Hiiraan oo ah halbowlahii dalka ahne meeshii dowlad kasta ay ka dhaqaaqi jirtay aad ayey u adkaan doontaa haduusan madaxweynahu ninkaan bedel ku sameyn isagu ama dhaqaalo baad ah ha siiyo amaba go,aan dowladeed ha qaateen sidii Hiiraan looga taageero dowlada hada jirta....
La soco wararkeena danbe

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 2.08 seconds
14,905,557 unique visits