Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 5

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Wararkii ugu danbeeyey Hiiraan

Wararka MaantaBelet weyne:(hiranstate.com)-Shacabka Hiiraan waa umad nabad jecel aaminsana dhulkooda inkasta oo bilahii ugu danbeyey ay la kulmayeen colaado ay sabab u ahayeen dhalinyaro qandaraas ka soo qaatay meelo ka baxsan gudaha Hiiraan hadane waxaa shacabka ku nool dhulka miyiga ah walito si weyn looga dareemayaa dhibaatadii ka soo gaartay abaarahii dhawaantani ku dhuftay guud ahaan dalka Somaliya, kuwaasi oo ay ka dhasheen amaba galaaftay nolosha dad iyo duunyo. inkasta oo ay dadkaasi xili ay dhibaatadu aad u saameysay ay heleen gurmadyo kala duwan kedib markii uu dhawr jeer idaacadaha ka hadlay madaxweynaha Hiiraan State Dr. Moh'ud Abdi Gaab kana codsaday aduunweynaha iyo jaaliyada dibada ee reer Hiiraan iney gar gaar la soo gaaraan walaalahooda ay abaarahu ku dhufteen.

Inkasta oo jaaliyada dibada ay dadaaleen oo ay intii karaankood ah dhaqaalo soo direen hadane walito dhibaatadii ay Abaartaasi ku reebtay qeybo badan oo ka tirsan dhulka Hiiraan wey muuqataa wali.

Dagaaladii ku dhufo oo ka dhaqaaqda ahaa ee ka jiray hareeraha magaalada Belet weyne

Waxaa hakad galay dagaaladii ku dhufo oo ka dhaqaaqda ahaa kedib markii kuwii lagu soo qadi jiray iyo kuwii soo qaadi jirayba ay waayeen dhalinyaro u dagaalanta, kedib markii dhinaca Shabaabne aad looga nacay hab dhaqankooda gudaha Hiiraan. halka koox aan marnaba laga yaabin iney ka taliyaan Hiiraan oo saldhigoodu yahay Feer Feerna ay hada xaqiiqda garteen kedib markii shacabka Hiiraan kuwooda ku nool magaalada Belet Weyne ka war heleen iney ku soo dagaal galaan fuusto shidaal ah iyo dhawr risaas ah oo ay ka soo helaan wadanka xadka la leh Hiiraan cidamadooda taasi oo ay shacabku ogaadeen in uusan dagaalkoodu aheyn mid sidaasi u weyn oo xitaa shacabku kama qaxaan markey dagaalkaasi maqlaan.

Marka magaalada Belet weyne dagaal lagu soo qado shacabku waxey isla markii dhaahaan yaa soo qaaday dagaalka hadii la dhaho ciidamada reer Hiiraan ee saldhigoodu yahay kalabeyr ayaa soo qaaday waxey isku diyaariyaan soo dhaweyn iyo iney caruurta iyo dumarka magaalada ka qaxiyaan, waayo dagaalka ciidamda Hiiraan ayey aaminsan yahiin inuu yahay mid qadiyad ah. laakinse marka ay shacabku maqlaan iney dagaalka soo qaadeen kooxda aan hore uga soo hadlanay waxey leeyahiin kuwaasi ujeedadoodu waa jid gooyo kedibna howshooda ayey iska sii wataan oo waxey og yahiin ineysan 45 daqiiqo wax ka badan dagalami karin maadama risaasta ay ku dagaal galaan iyo shidaalka ay wataan la og yahay miisanka uu ku yeelan karo magaalo aad u weyn oo Belet weyne oo kale ah sida loogu qabsan karo.

Guud ahaan shacabka Hiiraan ayaa ka daalay colaada iyo dagaalada aan ujeedada iyo rabitaanka danaha reer Hiiraan ka turjumeyn taasi bedelkeeduna waxey ka door bidayaan iney helaan nabad galyo ay shacabka reer Hiiraan wada radiyaan iyadoo la isticmaalayo maskax caafimaad qabto. mid ka mid ah waxgaradka reer Hiiran ayaa laga soo xigtay isagoo leh dhalinyaradan maalinkasta dagaalada ku dhufo oo ka dhaqaaqda ah lagu leynayo aaway waalidkood? kedibna mid kale oo isaga agta ka fadhiya ayaa yiri jidka ay kuwaan ku dhimanayan ayey waalidkoodna ku dhinteen.


Shacabka iyo mustaqbalka u muuqda.


Shacabku waxey u muuqdaan kuwo la jaanqaadayo isbedelada siyaasadeed ee dalka ka curtay waxeyna dalka intiisa kale la qabaan in dalka Somaliya noqdo mid ka baxa ku meel gaarka iyagoo idaacadaha iyo goobaha lagu sheegeysto kaka hadla isbedelada iyo dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee dalka ka jira, sidoo kale waxey shacabku aad u daneynayaan halka dhalinyarada loo horseesayo colaada iney ku talin lahaayeen in loo abuuro jawi ay wax ku baran karaan. qorshahaasi oo ah midka ay hada dadaalkeeda wado dowlad goboleedka Hiiraan State iyo masuuliyiintooda oo iyagu aad uga soo horjeeda dagaalada lagu xasuuqayo dhalinyarada reer Hiiraan halka kuwii la midka ahaa ee ku noolaa Somaliland iyo Puntland ay wax baranayaan. hogaanka sare ee Hiiran State wey isku raacsan yahiin in Hiiraan laga xoreeyo kooxahaan xooga ku heysta ha yeeshee intii dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah lagu leyn lahaa dhalinta Hiiraan taasi bedelkeedu waxey ka door bidayaan in la raadiyo midnimadii reer Hiiraan kedibna qadiyada shacabka Hiiraan wada difaacdaan reer Hiiraan intii dhawr dhalinyaro oo hal qoys ka soo jeeda oo hadii ay xitaa la wareegaan Hiiraan aan damaanad qaadi karin xaquuqda muwaadiniinta reer Hiiraan iyo Somaliweyn ay dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka hurin lahaayeen gudaha Hiiraan.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.14 seconds
14,585,873 unique visits