Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 2

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

HS:-

NewsHS:-Iyadoo dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Shaaca ka dhigay in Shirka Maamulka loogu sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe Gogoshiisu ay taallo Magaalada Jowhar Caasimadda Maamulkaasna ay noqoneyso Magaalada Buulabarde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa wali soo baxaya in ay jiraan Diidmo ka imaaneysa Odayaasha dhaqanka Goboka Hiiraan.

Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka Hiiraan oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Baledweyne ayaa sheegay in aysan u socon meel Hiiraan ka baxsan.Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan Dacar Xirsi Nuur ayaa sheegay in aysan tagi doonin degmada Jowhar islamarkaana ay doonayaan in shacabka Hiiraan gooynidooda maamul u dhistaan.

Horay qaar kamid ah Odayaasha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ku qanciyay in Madaxweynaha uu yeelanayo Maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe uu noqon doono Qof ka mid ah Reer Hiiraan,laakisne odoyashaas oo iyagun adhawaan shir ku qaban doono Hiiraan ayaa sheegay ineysan jirin wax heshiis ah oo ay wada gaareen iyag aiyo madaxweynaha.


Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.com

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 1.76 seconds
14,934,474 unique visits