Hidaha iyo dhaqanka

; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ; ;

Users Online

· Guests Online: 3

· Members Online: 0

· Total Members: 189,964
· Newest Member: evokafr

Welcome

Madaxweynaha iyo R/wasaaraha Somaliya oo wal wal ka muujiyey awooda maamul goboleedyada Somaliya

Wararka MaantaMogdisho: (hiranstate.com)-Madaxweynaha Somaliya Shiikh Shariif oo isagu ah hogaamiye Somaliyeed ayaa mar uu la kulamy qaar ka mid ah hogaanka ugu sareeya Hiiraan state u soo jeediyey in Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe leysku daro oo ay hal maamul goboleed sameystaan arintaasina waa laga biyo diiday waxaana loogu jawaabay Sh/Dhexe waxaa degan inta Hiiraan degan go,aankeedana Hiiraan State ma qaadi karto Hiiraan cid ay maamul kula midoobeyso ma jirto ee cidkasta degaankeeda iyadu ha u tashato waxii markaasi ka danbeeyana madaxweynaha Somaliya waxuu xal u arkey in uu sameeyo waxkasta oo uu ku cuuriyaamin karo Hiiraan State ilaa fikirkiisa laga qaato, hadey noqon laheyd dhaqaalo, siyaasad iyo waliba inuusan wax aqoonsi ah siinin maamul kasta oo ka curta Hiiraan.

Madaxwye Shiikh Shariif waxuu sidoo kale isla fikirkaas ku yiri mucaadka ka soo horjeeda Hiiraan State oo iyaguna siyaabo kala duwan ula kulmay isagoo qorsheeynaya inuu abaabulo maamul goboleed ay ku mideysan yahiin Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe waa sida uu isagu jecel yahay . hadii taasi dhaceyso maba loo baahdeen shirkii mudada sanadka ah ka socday Kenya ee lagu dhisay dowlad goboleedka Hiiraan State xiligaasi oo uu magaalada Mogdisho ka soo diray madaxweyne Shiikh Shariif xildhibaano reer Hiiraan ah oo uu u soo dhiibay fariin ilaa uu ka yiraahdo beesha howlahaani wado waxaan siinayaa dhawr wasiir ee ha joojiyaano shirarka ay maamul goboleedka ugu dhisayaan Hiiraan. runtii xildhibaanadii oo aad ula yaabanaa cida dhaqaalaha shirka ku baxayo bixineysa ayaa arintii wax ka qaban waayey waliba qudbadahii xildhibaanada qaarkood ay fariintaas kaka hadlayaan oo ay ku soo bandhigeen fariinta madaxweynaha Somaliya oo muqaal ah ayaan shacabka Somaliyeed u soo bandhigeynaa si ay u ogaadaan sida hogaanka dalka ugu mashquulayaan in aysan shacabku iyaga rabitaankooda ku shaqeyn.

Marka aad dib u jaleecdo sida ay uga caga jiideyso TFGda amaba ugu walwaleyso maamul goboleedyada ku soo badanayo dalka Somaliya taasi macnaheedu ma ahan iney TFGdu aysan dooneyn in dalka Somaliya ay ka hirgasho nidaamka federal systemka ah laakinse waxey dhaqaalo badan ku qaataan iney horumarinayaan gobolada dalka mar hadii shacabku iyagu sameystaan nidaam u gaar ahne dhaqaalahaas ayaa ka wareegayo TFGda amaba waxaa imaaneyso in lala xisaabtamo, si aysan taasi u dhicina waa iney maalinba maalinta ka danbeysa inta ay dantooda ka gaarayaan diidaan nidaamkasta oo ay shacabku sameystaan.

Mar aanu la xiriirnay wasiirka warfaafinta Hiiraan State isagoo ka jawaabayo hadalkii ka soo yeeray wasiirka Dastuurka ayuu sheegay in aysan arintaasi quseyn Hiiraan State Hiiraane yahay sedax gobol aysana jirin cid gurigeeda sidey iyadu u quruxsan laheyd loo tilmaamayo. reer Hiiraan nidaam ayey sameysteen waana Hiiraan State cidkasta intey idaacadaha tagto waxey doonto waa iskaka hadli kartaa ,laakinse dowlad iyadu 4 KM ka talisa iney maamul goboleedyada dalka ka jira ka hadasho taas ayaaba jawaab in loo helo u baahan ayuu yiri wasiirka warfaafinta Hiiraan State Amb. Xooshow.

Walwalka soo food saray TFGda iyo cabsida soo kordheysa ayaa ka timid kedib markii ay shacbakii oo ay ugu horeeyaan waxgaradka Somaliyeed xooga saareen sidey deegaanadooda u nabadeysan lahaayeen oo ay ugu heli lahaayeen maamul goboleed. fadlan si aad u ogaato hogaanka hada jira iney yahiin kuwo shacabka Somaliyeed isku soo dumin kara iyo in kale waxaanu idiin soo bandhigeynaa madaxweynaha Somaliya sida ay beenta agtiisa xalaal uga tahay inagoo soo bandhigeyna wax la taaban karo maalmaha inagu soo aadan kedibna shacabka Hiiraan maskaxdooda intey ka shaqeysiiyaan bal ha fiiriyaano kuwa dalka iyo dadka hogaaminayo ee aanu horumar iyo bad baado dal ka sugeyno.

Inkasta oo dalka Somaliya uu yahay dal ay iskugu darsoomeen colaad iyo abaaro bal markaanu warbixintaan aanu madaxweynaha ka diyaariney soo bandhigno waxaad isweydiisaa oo kaliya ma hogaamiye qabiilbaa mise waa madaxweyne Somaliyeed.maadaama aysan dowlada dhexe reer Hiiraan ugu jirin wasiiro ka hadli karo tacadiyada iyo bahdilka lagu hayo shacabka Hiiraan waa waajib in aanu shacabka u soo bandhigno siyaasada rasmiga ah ee TFGda.

La yaab ma ahan hadafka iyo riyada madaxweynaah Somaliya waayo horey ayuu u soo arki jiray shacabka Hiiraan oo Cali Mahdi iyo Ceydiid kala taageerayo oo aan marnaba aayahooda ka tashaneyn laakinse isagu maadama uu wax ku noqday reer Hiiraan oo markii ay beesha caalamka tiri na tusi halka aad xukunto Ala ha u naxariistee isagoo xitaa tagi karin tuuladii uu ku dhashay ee Miir Tuugo ayaa Cumar Xaashi Adan geeyey Hiiraan kedibna sidaasi ayuu ku soo galay siyaasada madaxwynane ku noqday maantana waxa aad aragtaan ayuu faraha kula jiraa isagoo is leh qabiilkaada u danee kuwa kale ee Somaliyeed ee uu madaxweyanaha u yahayne hagar daamee ayey tiri Caasho oo ah geber reer Hiiraan ah oo iyadu baraanbur ay u tirisay madaxweyne Shiikh Shariif iyo sida uu shacabka Hiiraan ugu abaal guday wanaagii loo sameyey ka hadleysa.

La soco warbxin xasaasi ah oo shacabka Hiiraan taban doonto oo aanu ka diyaariney hogaanka dalka ugu sareya kedibna aqligaada la kaasho hadaad tahay mid damiir leh.

Isha warka Hiiraan State
webmaster@hiranstate.com
admin@hiranstate.net

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Please Login to Post a Comment.

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Render time: 0.20 seconds
14,606,156 unique visits